Matayos 15 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubWaxa dadka nijaaseeya 1 Waqtigaas qaar Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga Muuse ka mid ah ayaa Ciise uga yimid Yeruusaalem oo weydiiyay, 2 “Maxeysan xertaadu u jibiyaan dhaqanka odayaasha? Waayo ma dhaqaan gacmahooda inta eysan wax cunin ka hor!” 3 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Idinku maxaad amarrada Illaahey u jabisaan idinka oo raacaya dhaqamadiina? 4 Waayo Illaahey wuxuu yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee’ iyo ‘Qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’ 5 Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo ‘Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa.’ 6 Miyeydan u jabinin ereyga Illaahey caadadiina darteed. 7 Labawejiilayaal yahow! Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan, 8 “ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda, laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin. 9 Si been ah ayey ii caabudaan, waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’ ” 10 Kadib Ciise intuu dadkii badnaa iskugu yeeray ayuu ku yiri, “Waxaan idinku leeyahay dhageysta oo fahma. 11 Dadka waxey afka ka cunaan ma nijaaseeyo, laakiin waxa afkooda kasoo baxa ayaa nijaaseeya.” 12 Kadib Ciise waxaa u yimid xertiisi oo weydiiyeen, “Miyaad ogtahay iney Farrisiintu xanaaqeen markey arintan maqleen?” 13 Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Geed walboo uusan Aabahayga jannada ku jira abuurin waa la rujin doonaa. 14 Iska dhaafa waayo iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal kale hogaaminaya, markii uu indhoole hogaamiyo indhoole kale iyagoo dhan hog ayey ku wada dhacaan.” 15 Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Tusaalaha noo macnee.” 16 Ciise ayaa weydiiyay, “Ilaa hadda waxa aan ku hadlayo ma eydan fahmin miyaa? 17 Miyeydan ogayn in wax walboo afka galaa ey caloosha tagaan kadibna suuliga la geeyo? 18 Laakiin waxa qofka afkiisa kasoo baxa waxey ka yimaadaan qalbigiisa, waxaas ayaana nijaaseeya. 19 Waxaa qalbiga kasoo baxa fikiradaha sharta leh, dilka, sinada, gogol dhaafka, tuuganimada, marqaatifurka beenta ah iyo caayda. 20 Waxyaalahan ayaa qofka nijaaseeya, laakiin gacan aan la dhaqin oo wax lagu cuno qofka ma nijaaseyso.” Iimaankii haweeneydii aan Yuhuudda ahayn 21 Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhulka Turos iyo Siidoon. 22 Waxaana halkaas ugu timid haweeney reer Kancaan ah oo ku qaylineysa, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, ii naxariiso! Gabadheydi ayaa ruux wasakh leh ku jira aad ayeyna u dhibaatooneysaa.” 23 Laakiin Ciise uma uusan jawaabin haweeneydii. Markaas ayaa xertiisi u yimaadeen oo baryeen iyagoo leh, “Iska dir oo waxey rabto u samee waayo wey naga daba qaylineysaa.” 24 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaa la ii soo diray oo kaliya idihii lumay ee reer binu Israa’iil.” 25 Markaas ayaa haweeneydii timid oo Ciise ku hor sujuuday iyadoo leh, “Sayidow, i caawi!” 26 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.” 27 Markaas ayey haweeneydii ku tiri, “Haa waa run Rabbiyow, xitaa eeyuhu waxey cunaan jababka kasoo dhaca miiska sayidkooda.” 28 Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Marwayahay, waxaad leedahay iimaan weyn! Waxaad codsatayna waa laguu yeelay.” Isla markiiba gabadheedi wey bogsatay. Ciise oo bogsiiyay dad badan 29 Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhinaca badda Galili, kadibna wuxuu fuulay buur oo fariistay. 30 Markaas ayaa waxaa u yimid dad badan, waxeyna u keeneen kuwo curyaan ah, kuwo indhoolayaal ah, kuwo aan hadli karin, kuwo luga la’ iyo kuwa kaloo badan, waxeyna seexiyeen lugihiisa wuuna bogsiiyay. 31 Dadkii wey yaabeen markey arkeen kuwii aan hadli karin oo hadlaya, kuwii curyaanka ahaa oo la bogsiiyay, kuwii lugaha la’aa oo soconaya iyo indhoolayaashii oo wax arkaya, qof walbana wuxuu ammaanayay Illaaha reer binu Israa’iil. 32 Markaas ayaa Ciise iskugu yeeray xertiisi oo ku yiri, “Dadkan badan ayaan u naxariisanayaa, waayo saddex maalmood ayey ila joogeen oo waxey cunaanna ma haystaan. Ma rabo inaan diro iyagoo gaajeysan, waxaa laga yaabaa iney jidka ku dhacaan.” 33 Xertii ayaa ugu jawaabeen, “Meeshan waa meel cidlo ah xaggeen ka keennaa cunto ku filan oo aan dadkan siino?” 34 Ciise ayaa ku jawaabay, “Meeqa kibis ayaad haysaan?” Waxey ku jawaabeen, “Toddobo kibis iyo xoogaa kalluun yar yar ah.” 35 Markaas ayuu Ciise dadkii badnaa ku amray iney dhulka fariistaan. 36 Kadibna wuxuu qaaday toddobadii kibis iyo kalluunkii, oo markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu kala googooyay wuxuuna u dhiibay xertiisi, iyaguna waxey sii siiyeen dadkii badnaa. 37 Iyagoo dhan wey cuneen weyna dhargeen. Kadibna xertii waxey soo ururiyeen toddoba dambiil oo jajab la soo reebay ah. 38 Tirada dadka meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen afar kun oo nin, marka laga reebo haweenka iyo caruurta. 39 Kadib markii uu Ciise kala diray dadkii badnaa wuxuu fuulay doon wuxuuna aaday deegaanka Magadan. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.