Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 14 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha

1 Waqtigaas ayuu taliye Herodos maqlay warka ku saabsan Ciise,

2 wuxuuna askartiisi ku yiri, “Kani waa Yooxanaa Baabtiisaha, wuxuu kasoo sarakacay dhimashada! Waana sababta uu u haysto awoodda mucjisooyinka lagu sameeyo.”

3 Herodos horay ayuu Yooxanaa u qabtay oo ku xiray xabsi Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos darteed,

4 waayo Yooxanaa ayaa isaga ku yiri, “Kuuma banaana inaad naagta walaalkaa guursatid.”

5 Herodos wuxuu rabay inuu dilo Yooxanaa, laakiin dadka ayuu ka cabsanayay, waayo dadku waxey Yooxanaa u haysteen nebi.

6 Markii la gaaray maalintii xuska dhalashada Herodos, gabadhii Herodiya ayaa si fiican martidii ugu ciyaartay aad ayeyna uga farxisay Herodos,

7 markaas ayuu ku dhaartay inuu siinayo wax walboo ey weydiisato.

8 Iyadoo ey hooyadeed horay ula soo talisay ayey tiri, “Saxan weyn iigu rid madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.”

9 Boqorku wuu ka xumaa wuxuu ballan qaaday, laakiin ma uu rabin inuu jabiyo ballantii uu martida hortooda ku qaaday, haddaba wuxuu amray in dalabkeeda la yeelo,

10 oo Yooxanaa madaxa xabsiga looga soo gooyo.

11 Waxaa la keenay madixiisi oo saxan ku jira waxaana la siiyay gabadhii, iyaduna waxey u geysay hooyadeed.

12 Xertii Yooxanaa ayaa yimaadeen oo qaateen jirkiisi weyna duugeen. Kadibna waxey u sheegeen Ciise.


Ciise oo quudiyay shan kun oo qof

13 Markii uu Ciise maqlay dhimashadii Yooxanaa, wuxuu qaatay doon wuxuuna aaday dhinaca kale ee warta Galili si uu kaligiis u ahaado. Laakiin markey dadkii ogaadeen wey raaceen iyagoo ka kala yimid magaalooyin kala duwan.

14 Markii uu Ciise doontii ka dagtay oo uuna arkay dadkii badnaa, wuu u naxariistay wuxuuna bogsiiyay kuwoodi xanuusanaa.

15 Markii fiidkii la gaaray, ayey xertii Ciise u yimaadeen waxeyna ku yiraahdeen, “Meeshan waa meel cidlo ah, waqti dambe ayaana la joogaa, ee dadkan kala dir si ey tuulooyinka u tagaan oo ey cunto uga soo gataan.”

16 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Uma baahna iney tagaan. Idinku siiya waxey cunaan.”

17 Xertii ayaa ku jawaabeen, “Waxaan halkan ku haynaa oo kaliya shan kibis iyo laba kalluun.”

18 Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Halkan iigu keena.”

19 Wuxuuna dadkii u sheegay iney cawska fariistaan. Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuxuuna kala googooyay kibistii. Kadibna wuxuu u dhiibay xertii, xertiina waxey sii siiyeen dadkii.

20 Dadkii oo dhan wey cuneen weyna dhargeen, xertiina waxey soo ururiyeen laba iyo toban dambiil oo jabab kibis ah ka buuxaan.

21 Tirada kuwa meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen shan kun oo nin marka laga reebo haweenka iyo caruurta.


Ciise oo ku dul socday biyo

22 Isla markiiba Ciise wuxuu xertii ku amray iney raacaan doon oo ey kaga hor maraan dhinaca kale ee warta intuu dadkii badnaa kala dirayay.

23 Markii uu iyaga kala diray kadib ayuu kaligii aaday buurta dhinaceeda si uu u soo duceysto. Halkaas ayuuna habeenkii intiisi badnaa kaligiis joogay,

24 doontiina aad ayey dhulka uga fogaatay, hirarkuna wey dhibayeen waayo dabaysha ayaa celineysay.

25 Wax yar ka hor waaberiga ayuu Ciise iyaga u tagay, isaga oo biyaha warta ku dul soconaya.

26 Markey xertii arkeen isaga oo biyaha warta ku kor socda, aad ayey u argagaxeen, waxeyna iyagoo qaylinaya yiraahdeen, “Waa ruuxaan.”

27 Laakiin Ciise ayaa isla markiiba ku yiri, “Ha welwelina! Waa anigee. Ha cabsanina.”

28 Markaas ayaa Butros u jawaabay oo ku yiri, “Sayidow, haddaad adiga tahay igu amar inaan kuugu imaado biyaha korkooda.”

29 Ciise ayaa ku yiri, “Kaalay.” Kadib Butros doontii ayuu ka dagtay, biyihii ayuuna ku dul socday wuxuuna aaday dhinicii Ciise.

30 Laakiin markii uu dabayshii arkay ayuu cabsaday, wuxuuna bilaabay inuu quuso markaas ayuu ku qayliyay, “Sayidow, i badbaadi!”

31 Isla markiiba Ciise intuu gacantiisa soo fidiyay ayuu qabtay wuxuuna ku yiri, “Iimaan yare yahow, maxaad u shakiday?”

32 Markii Ciise iyo Butros doontii fuuleen dabayshiina wey dagtay.

33 Kadibna kuwii doonta saarnaa ayaa Ciise u sujuuday iyagoo leh, “Runtii waxaad tahay Wiilka Illaahey.”

34 Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinaca kale, waxey yimaadeen dhulka Gennesared.

35 Nimankii meeshaasna markey aqoonsadeen Ciise, ayey fariin u direen dhulalkii u dhawaa oo dhan. Waxeyna Ciise u keeneen dadkii xanuusanaa oo dhan

36 waxeyna ka baryeen iney darafka maradiisa oo kaliya taabtaan, kuwii taabteyna wey bogsadeen.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan