Matayos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubAbtirsiimadii Ciise Masiix 1 Tani waa abtirsiimadii Ciise Masiix wiilkii Daa’uud, wiilkii Ibraahim. 2 Ibraahim wuxuu ahaa Isxaaq aabihiis, Isxaaqna wuxuu ahaa Yacquub aabihiis. Yacquubna wuxuu ahaa aabaha Yahuudah iyo walaalihiis. 3 Yahuudah wuxuu ahaa aabaha Feres iyo Serah oo ey hooyadood ahayd Tamar. Feresna wuxuu ahaa Esroom aabihiis, Esroomna wuxuu ahaa Araam aabihiis. 4 Araamna wuxuu ahaa Caminadaab aabihiis, Caminadaabna wuxuu ahaa Naasoon aabihiis. Naasoonna wuxuu ahaa Salmoon aabihiis. 5 Salmoonna wuxuu ahaa aabaha Bocas oo ey hooyadiis Raxab ahayd, Bocasna wuxuu ahaa aabaha Coobeed oo ey hooyadiis Ruud ahayd. Coobeedna wuxuu ahaa Yesay aabihiis. 6 Yesayna wuxuu ahaa Boqor Daa’uud aabihiis. Daa’uudna wuxuu ahaa aabaha Sulaymaan oo ey hooyadiis ahaan jirtay xaaskii Uuriyaah, 7 Sulaymaanna wuxuu ahaa Rexabcaam aabihiis. Rexabcaamna wuxuu ahaa Abyaah aabihiis, Abyaahna wuxuu ahaa Aasaa aabihiis. 8 Aasaana wuxuu ahaa Yoosafaad aabihiis, Yoosafaadna wuxuu ahaa Yooraam aabihiis. Yooraamna wuxuu ahaa Cusyaah aabihiis. 9 Cusyaahna wuxuu ahaa Yootam aabihiis, Yootamna wuxuu ahaa Axaas aabihiis. Axaasna wuxuu ahaa Xisqiyaah aabihiis. 10 Xisqiyaahna wuxuu ahaa Manaseh aabihiis, Manasehna wuxuu ahaa Aamoon aabihiis. Aamoonna wuxuu ahaa Yoosiyaah aabihiis. 11 Yoosiyaahna wuxuu ahaa aabaha Yekonyaah iyo walaalihiis waqtigii Baabuloon loo waday. 12 Kadib markii Baabuloon loo waday, Yekonyaah wuxuu ahaa Salaatii’eel aabihiis. Salaatii’eelna wuxuu ahaa Serubaabel aabihiis. 13 Serubaabelna wuxuu ahaa Abihuud aabihiis, Abihuudna wuxuu ahaa Eliyaaqiim aabihiis. Eliyaaqiimna wuxuu ahaa Asoor aabihiis. 14 Asoorna wuxuu ahaa Saadooq aabihiis, Saadooqna wuxuu ahaa Akhiim aabihiis. Akhiimna wuxuu ahaa Eliyuud aabihiis. 15 Eliyuudna wuxuu ahaa Elecaasaar aabihiis, Elecaasaarna wuxuu ahaa Mataan aabihiis. Mataanna wuxuu ahaa Yacquub aabihiis. 16 Yacquubna wuxuu ahaa aabaha Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, Maryanna waxey ahayd Ciise hooyadiis kan loogu yeero Masiixa. 17 Haddaba abtirsiimada oo dhan laga soo bilaabo Ibraahim illaa Daa’uud waa afar iyo toban, Daa’uud illaa waqtigii Baabuloon loo wadayna waa afar iyo toban, waqtigii Baabuloon loo waday illaa Masiixana waa afar iyo toban. Dhalashadii Ciise 18 Sidan ayey dhalashadii Ciise Masiix ahayd. Hooyadiis Maryan waxey u doonaneyd Yuusuf, laakiin inteysan is guursan ka hor ayey Ruuxa Quduuska ah ka uuraysatay. 19 Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo daacad u ah Sharciga Muuse, laakiin ma uusan rabin inuu dadka hortooda ku ceebeeyo, sidaa darteed wuxuu rabay inuu si qarsoon u furo. 20 Isaga oo arintaas ku fikiraya ayaa malag xagga Rabbiga ka yimid riyo ugu muuqday oo ku yiri, “Yuusuf ina Daa’uudow, ha ka cabsan inaad Maryan gurigaaga geysato, waayo uurka ey leedahay wuxuu ka yimid Ruuxa Quduuska ah. 21 Waxey dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Ciise, waayo wuxuu dadkiisa ka badbaadin doonaa dembiyadooda.” 22 Waxan oo dhan waxey u dhacayaan si looga dhabeeyo wixii uu Rabbigu ku sheegay kitaabkii nebi Isayos isaga oo leh, 23 “Gabar bikro ah ayaa uureysan doonta waxeyna dhali doontaa wiil, waxeyna ugu yeeri doonaan Cimmaanuu’eel” (oo macnihiisu yahay “Illaah ayaa na la jira”). 24 Markii uu Yuusuf hurdadii kasoo kacay ayuu sameeyay sidii uu malagii xagga Rabbiga ka yimid ku amray wuxuuna guursaday Maryan. 25 Laakiin lama seexan iyada illaa ey ka dhashay cunuggii, wuxuuna u bixiyay Ciise. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.