Markos 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Ciise wuxuu kale oo iyaga ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan arkin boqortooyada Illaahey oo xoog ku imaaneysa.” Isbeddelkii 2 Lix maalmood kadib Ciise wuxuu kaxaystay Butros, Yacquub iyo Yooxanaa wuxuuna geeyay buur dheer korkeed, halkaas oo ey kaligood ku ahaayeen, hortooda ayuuna ku beddelmay. 3 Dharkiisuna aad ayey caddaan dhalaalaya u noqdeen, caddaankaas wuxuu ahaa mid wax loo ekeysiin karin aduunkan jirin. 4 Isla markiiba waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuse iyagoo Ciise la hadlaya. 5 Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Macalinow, wey wanaagsan tahay inaan halkan sii joogno. Haddaba waxaan halkan ku dhisaynaa saddex teendho mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” 6 Laakiin Butros ma garaneynin wuxuu ka hadlayo waayo aad ayey u cabsadeen. 7 Waxaana soo muuqatay daruur oo iyagoo dhan wada qarisay, markaas ayaa cod ka yimid daruurtii oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, dhageysta isaga!” 8 Isla markiiba xertii markey hareerahooda fiiriyeen qofna ma arkin waxaan Ciise ka ahayn. 9 Markey buurta kasoo dagayeen Ciise wuxuu uga digay xertiisi in eysan qofna u sheegin wixii ey arkeen illaa Wiilka Aadanaha dhimashada laga soo sarakiciyo. 10 Arintaasna dhexdooda ayey ku ekaatay, iyagoo la yaabaya waxa macnaheedu yahay, “Kasoo sarakicidda dhimashada.” 11 Xertii ayaa Ciise weydiiyeen, “Macalimiinta sharciga Muuse maxey u yiraahdaan Eliyaas waa inuu Masiixa kasoo hormaraa?” 12 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Xaqiiqdii Eliyaas wuu imaan doonaa oo wax walba ayuu diyaarin doonaa. Haddana qoraalku miyuusan dhahaynin Wiilka Aadanahu waa inuu aad u silcaa oona la diidaa? 13 Laakiin waxaan idin ku leeyahay, Eliyaas wuuba yimid, wax walboo ey doonayeenna wey ku sameeyeen, sida qoraalku uu ka qoray.” Ciise wuxuu bogsiiyay wiil ruuxyo wasakh leh qabay 14 Markey Ciise iyo saddexdii xertiisa ka mid ahayd kasoo degteen buurta waxey u yimaadeen xertii kale, oo waxey arkeen xertii oo dad badan kusoo ag urureen, macalimiinta sharcigana la doodayaan. 15 Isla markiiba dadkii markey Ciise arkeen ayey aad u yaabeen oo isaga ku soo ordeen oo salaameen. 16 Markaas ayuu weydiiyay, “Maxaad xerteyda kula murmeyseen?” 17 Markaas ayaa nin dadkii badnaa ku jiray ku jawaabay, “Macalinow, waxaan kuu keenay wiilkeyga oo ruuxyo wasakh leh qaba, mana hadli karo. 18 Oo ruuxyada wasakhda leh markey qabtaan dhulka ayey ku tuuraan oo wiilkuna afka ayuu ka xumbeeyaa. Ilkaha ayuu isku qabtaa xanuun dartiis oo wuuna qalalaa. Xertaada ayaan ku iri ruuxdaan wasakhda leh ka saara, laakiin ma eysan awoodin iney bixiyaan.” 19 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa? Ilaa goorma ayaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilka ii keena.” 20 Markaas ayey u keeneen wiilkii, ruuxii wasakhda lahaa markii uu Ciise arkay ayuu isla markii wiilka dhulka ku riday oo ruxay, wuuna gilgilay isaga oo afka ka xumbeynaya. 21 Markaas ayuu Ciise wiilka aabihiis weydiiyay, “Muddo intee ah ayuu sidan ahaa?” Wuxuu ugu jawaabay, “Ilaa waagii uu yaraa. 22 Marar badan dabka ama biyaha ayuu ku tuuraa isaga oo dili raba wiilka. Laakiin haddaad wax ka sameyn kartid fadlan noo naxariiso oo na caawi.” 23 Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Maxaad u leedahay, ‘Haddaad awoodid?’ Wax walba wey u suurtoobaan qofkii aamina.” 24 Isla markiiba wiilkii aabihiis ayaa yiri, “Waan aaminsanahay! Iga caawi aamin la’aanteyda.” 25 Ciise goortii uu arkay in dadkii badnaa kusoo ordayaan halkii uu joogay ayuu ruuxii wasakhda lahaa canaantay oo ku yiri, “Ruux yahow carrabka iyo dhegaha la’, waxaan kugu amrayaa inaad wiilkan ka baxdid oo aadan mar dambe isaga galin.” 26 Ruuxii wasakhda lahaa intuu qayliyay oo wiilkii aad u ruxay ayuu ka baxay. Wiilkii wuxuu u ekaaday mayd oo kale, oo qof walbana wuxuu dhahayay, “Wuu dhintay.” 27 Laakiin Ciise gacanta intuu qabtay ayuu soo istaajiyay, wiilkiina wuu istaagay. 28 Markii ey Ciise iyo xertiisi guriga tageen ayaa xertiisi gooni ahaan u weydiiyeen, “Maxaanu inagu u awoodi weynay inaan ruuxyada wasakhda leh bixino?” 29 Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Ruuxyadaan wasakhda leh oo kale duco iyo soon kaliya ayey ku baxaan.” Ciise oo markii labaad sii sheegay dhimashadiisa 30 Ciise iyo xertiisi halkaas ayey ka tageen oo waxey mareen Galili. Ciise ma dooneynin in qofna uu ogaado meesha ey joogaan, 31 waayo wax ayuu barayay xertiisa. Wuxuuna ku yiri, “Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad. Weyna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la soo sarakicin doonaa.” 32 Laakiin iyagu ma eysan fahmin wuxuu ka hadlayay weyna ka cabsadeen iney isaga weydiiyaan. 33 Waxeyna yimaadeen Kafarna’um. Markey guriga soo galeen ayuu iyaga weydiiyay, “Maxaad ka hadleyseen markaan jidka soo soconay?” 34 Laakiin wey wada aamuseen waayo goortay jidka ku soo jireen waxey ka hadlayeen midka ugu weyn. 35 Ciise markii uu fariistay ayuu toban iyo labadii xertiisa ahayd iskugu yeeray oo ku yiri, “Qof walboo raba in la sharfo, waa inuu adoon iska dhigaa oo kuwa kale u adeegaa.” 36 Markaas ayuu Ciise wuxuu u yeeray cunug yar oo hortooda istaajiyay. Intuu cunuggii gacanta qabtay ayuu iyagii ku yiri, 37 “Qof walboo cunuggaan magacayga ku soo dhaweeya aniga ayuu isoo dhaweeyay, qofkii isoo dhaweeyana wuxuu soo dhaweeyay kan isoo diray.” Qofkii aan naga soo horjeedin wuu na la jiraa 38 Yooxanaa ayaa ku yiri Ciise, “Macalinow, waxaan aragnay qof ruuxyo wasakh leh magacaaga ku bixinaya markaas ayaan ku dhahnay jooji, waayo nagama mid ahayn.” 39 Laakiin Ciise wuxuu ku yiri xertii, “Ha u diidina. Waayo ma jiro qof magacayga mucjiso ku sameeya oo haddana wax xun iga sheega, 40 waayo qofkii aan naga soo horjeedin wuu na la jiraa. 41 Runtii waxaan idin ku leeyahay, qof walboo magaceyga koob biya ah idin ku siiya inaad tihiin xertii Masiixa darteed, runtii waa loo abaalgudi doonaa. Jarribaadda dembiga 42 “Haddii qof uu ku sababo mid ka mid ah kuwan yar yar oo i aaminsan iney dembi galaan. Waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro isagoo dhagax weyn qoorta ugu xiranyahay. 43 Haddii gacantaadu xumaan kuu keeneyso iska jar, waxaa kuu wanaagsan inaad gacan la’aan nolosha weligeed ah ku gashid intaad laba gacamood dabka naarta aan weligiis dameynin ku gali lahayd. [ 44 Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo.] 45 Haddii cagtaadu xumaan kuu keeneyso iska jar, waayo waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah adiga oo curiyaan ah gashid intii naarta lagugu tuuri lahaa adiga oo laba cagood leh. [ 46 Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo.] 47 Haddii ishaadu xumaan kuu keeneyso iska saar. Waxaa kuu wanaagsan inaad adiga oo hal il leh boqortooyada Illaahey gashid intaad adiga oo laba indhood leh naarta lagugu tuuri lahaa, 48 meeshaas “ ‘Dixriga iyaga cunaya ma dhamaado, dabka iyaga gubayana ma damo.’ 49 Mid walba dab ayaa lagu cusbayn doonaa. 50 “Cusbadu wey fiican tahay balse haddii ey dhadhan beesho, sidee ayaad dhanaan uga dhigi kartaa mar kale? Dhexdiina dhadhan ku lahaada, nabadna ku noolaada.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.