Markos 8 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo cunto siiyay afar kun oo qof 1 Maalmahaas dad badan ayaa haddana isku soo ururay. Wax ey cunaan ma haysanin sidaa darteed Ciise wuxuu u yeeray xertiisi oo ku yiri, 2 “Dadkan badan ayaan u danqanayaa waayo saddex maalmood ayey ila joogeen oo waxey cunaanna ma haystaan. 3 Haddaan cunto la’aan dirana qaarkood jidka ayey ku dhacayaan waayo meel fog ayey ka yimaadeen.” 4 Xertii ayaa ugu jawaabeen, “Meeshan cidlada ah xaggeen ka keennaa cunto iyaga ku filan.” 5 Markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Meeqa kibis ayaad haysaan?” Waxey ku jawaabeen, “Toddobo.” 6 Markaas ayuu Ciise dadkii badnaa ku amray iney dhulka fariistaan. Kadibna toddobadii kibis intuu qaaday ayuu Illaahey u mahadceliyay oo kala googooyay oo xertiisi u dhiibay si ey dadka ugu qeybiyaan, saas ayeyna sameeyeen. 7 Waxaa kale oo ey haysteen dhowr kalluun oo yar yar, kadibna intuu mahadceliyay ayuu xertii u dhiibay si ey u qeybiyaan. 8 Dadkii oo dhan wey cuneen weyna dhargeen. Kadibna xertii waxey soo ururiyeen toddoba dambiil oo jabab la soo reebay ah. 9 Dadkii meesha joogayna waxey ku dhawaayeen afar kun oo qof. Isla markii uu Ciise dadkii kala diray ayaa, 10 waxey fuuleen doon isaga iyo xertiisi waxeyna aadeen gobolka Dalmanuuta. 11 Markaas ayaa Farrisiintii yimaadeen oo ey bilaabeen iney Ciise tijaabiyaan oo su’aalo weydiiyaan, waxey doonayeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid. 12 Ciise si qoto dheer uga taahay ruuxiisi oo yiri, “Dadka qoomkan maxey calaamad u doonayaan? Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma laha calaamad la idiin siin doona.” 13 Kadibna wuu ka tagay iyagii, doontii ayuu qaatay oo dhinaca kale ayuu aaday. Ciise wuxuu xertiisi uga digay khamiirkii Farrisiinta iyo Herodos 14 Haddaba xertii Ciise ayaa illoobeen iney kibis soo qaataan, hal kibis oo ey doonta ku heysteen maahee. 15 Kadib Ciise ayaa canaantay oo ku yiri, “Iska jira, oo iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Herodos.” 16 Markaas ayey xertii dhexdooda iskala hadleen arintan oo yiraahdeen, “Kimista aanan haysanin darteed miyaa.” 17 Ciise oo fahmay waxey iskula hadlayeen ayaa ku yiri, “Maxaad iskula hadleysaan kibista eydan haysan darteed? Oo weligiin wax ma aragtaan oo wax ma fahantaan miyaa? Qalbiyadiinu miyey adkaadeen? 18 Indho waad leedihiin laakiin wax ma aragtaan, dhegana waad leedihiin laakiin wax ma maqashaan. Miyeydan xasuusan? 19 Markaan shantii kibis u kala googooyay shanta kun oo qof meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen?” Waxey ku jawaabeen, “Laba iyo toban.” 20 “Haddana markaan toddoba kibis u kala googooyay afartii kun ee qof meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen?” Waxey ugu jawaabeen, “Toddoba.” 21 Markaas ayuu iyaga ku yiri, “Maxaad weli u fahmi la’adihiin?” Ciise oo Beytsayda ku bogsiiyay nin indhoole ah 22 Kadib Ciise iyo xertiisi waxey yimaadeen Beytsayda. Markaas ayaa dad Ciise u keeneen nin indhoole ah oo waxey ka baryeen inuu bogsiiyo. 23 Ciisana intuu ninkii indhoolaha ahaa gacanta qabtay ayuu tuulada banaankeed geeyay. Intuu ninkii candhuuf indhaha ka mariyay ayuu gacantiisa saaray, kadibna wuxuu ku yiri, “Wax ma aragtaa?” 24 Ninkii intuu kor fiiriyay ayuu yiri, “Waxaan u jeedaa dad, oo waxey u egyihiin sida geedo meelaha socda.” 25 Ciise haddana gacantiisi ayuu ninkii indhaha ka saaray. Kadibna indhihiisi wey furmeen, oo aragiisi ayuu helay wax walbana si cad ayuu u arkay. 26 Markaas ayaa Ciise gurigii u diray isaga oo ku dhahaya, “Tuulooyinka ha tagin.” Butros oo cadeeyay Ciise inuu yahay Masiixa 27 Ciise iyo xertiisi waxey tageen tuulooyin u dhaw magaalada Kaysariya Filibos. Markey sii socdeen ayuu iyaga weydiiyay, “Dadku yey igu sheegaan?” 28 Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa nebi nebiyada ka mid ah.” 29 Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa.” 30 Markaas ayaa Ciise iyaga uga digay in eysan qofna u sheegin. Ciise dhimashadiisi ayuu sii sheegay. 31 Ciise wuxuu bilaabay inuu xertii u sheego in Wiilka Aadanahu in badan silci doono oo odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga ey diidi doonaan. Waana la dili doonaa oo maalinta saddexaadna wuu soo sarakici doonaa. 32 Ciise si cad ayuu arimahan uga hadlay, kadib Butros ayaa gooni ula baxay oo canaantay. 33 Markaas ayuu Ciise intuu xertiisi u jeestay ayuu canaantay Butros oo ku yiri, “Iga leexo Shaydaan yahow! Waayo fikiradahan kama yimaadaan Illaahey xaggiisa ee waxey ka yimaadaan dabeecada binu aadanka.” Qiimaha iskutallaabta 34 Kadib Ciise wuxuu iskugu yeeray dadkii badnaa iyo xertiisi oo ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is nacaa oo iskutallaabtiisa soo qaataa oona isoo raacaa. 35 Waayo qof walboo naftiisa badbaadin raba wuu luminayaa, laakiin qof walboo naftiisa u lumiya aniga dartey iyo warka wanaagsan dartiis wuu badbaadi doonaa. 36 Qof maxey u taraysaa haddii uu aduunka oo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? 37 Ama muxuu qof ku badalan karaa nafsadiisa? 38 Haddaba mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ka dareemaya qarnigaan dembiga iyo sinada leh dhexdiisa, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ammaantii Aabihiis iyo tii malaa’igta quduuska ah ku yimaado.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.