Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Markos 7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Waxyaalaha qofka nijaaseeya

1 Haddaba qaar ka mid ah Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse oo ka yimid Yeruusaalem ayaa ku soo ag ururay Ciise,

2 waxeyna arkeen xertii qaarkood oo cunteynaya iyagoo gacmahooda wasaq ah oo aan la dhaqin.

3 Waayo Farrisiinta iyo Yuhuudda wax ma cunaan iyagoo aan gacmaha dhaqanin si ey u ilaaliyaan caadada odayaasha.

4 Markey wax suuqa ka iibsadaanna ma cunaan iyagoo aan dhaqin. Waxyaalo badan oo dhaqankooda ku saabsan ayaa jira oo ey ilaaliyaan, sida dhaqitaanka koobka, jeega iyo jalmad naxaas ah.

5 Markaas ayaa Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse weydiiyeen Ciise, “Xertaadu maxaysan u ilaalin dhaqanka odayaasha, waayo gacmahooda wasaq leh oo aan la dhaqin ayey wax ku cunaan?”

6 Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan labawejiilayaal yahow, sida qoran, “ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda, laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin.

7 Si been ah ayey ii caabudaan, waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’

8 Oo waxey ka tageen amarrada Illaahey waxeyna haystaan waxbaridii binu aadanka.”

9 Hadalkii ayuu sii watay, “Waxaad iska dheggo tirteen amarrada Illaahey si aad dhaqankiina u ilaalisaan!

10 Waayo Muuse ayaa yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee, oo qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’

11 Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa.

12 Kadibna mar dambe uma ogolaanaysaan inuu waalidkiis caawiyo.

13 Sidaa darteed awooddii ereyga Illaahey waxaad ku burburiseen waxbaridiina.”

14 Markaas ayaa Ciise haddana dadkii badnaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Bal kuligiin i dhageysta oo arintan fahma.

15 Cuntadaad cuntid kuma nijaaseynayso, laakiinse waxa qofka nijaaseeya waa waxa qalbigiisa kasoo baxa. [

16 Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.”]

17 Markey ka tageen dadkii badnaa oo ey galeen guriga ayaa xertii weydiiyeen Ciise waxyaalo ku saabsan tusaalahaan.

18 Markaas ayuu u jawaabay oo ku yiri, “Idinkuna ma fahmi weydeen? Miyeydan ogayn in waxaad cuntid eysan ku nijaaseynin?

19 Waayo waxyaalahaas qalbiga ma galaan ee caloosha ayey galaan kadibna suuliga la geeyo.” (Ciise markii uu waxyaalahan ka hadlayay cuntada oo dhan ayuu xalaal ka dhigay.)

20 Ciise hadalkii ayuu sii watay, “Waxa qofka kasoo baxa ayaa nijaaseeya.

21 Waayo qalbigeena waxaa kasoo baxa, fikradaha sharta leh, sinada, tuugnimada iyo dilka,

22 gogol dhaafka, damaca, hungurinimada, xaasidnimada, been sheegida, kufsiga, il xumada, caayda, camal xumaanta iyo kibirka.

23 Waxyaalahan oo dhan qalbiga ayey ka yimaadaan oo waxey nijaaseeyaan qofka.”


Iimaankii naagta aan Yuhuudda ahayn

24 Ciise halkaas wuu ka tagay oo wuxuu aaday meel u dhaw magaalada Turos. Qof ayuu gurigiisa joogay oo ma uusan dooneyn in dadku ogaadaan meesha uu joogo, laakiin dadkii wey ogaadeen meesha uu joogay.

25 Markaas ayaa naag gabadheeda ruux wasakh leh qabtay maqashay halkii uu Ciise joogay. Isla markiina wey u timaaday oo lugihiisa isku tuurtay.

26 Naagtu waxey ahayd Gariig waxeyna ku dhalatay Suuriyadii Foynike. Waxeyna ka bariday Ciise inuu gabadheeda ruuxyada wasakhda leh ka saaro.

27 Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Marka hore caruurtayda ha dhergaan, waayo ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.”

28 Markaas ayey haweeneydii ku jawaabtay, “Rabbiyow, xitaa eeyuhu miiska caruurta ku cunteynayaan hoos fadhiyaanba waxey cunaan jajabka caruurta ka dhacay.”

29 Kadibna Ciise wuxuu iyada ku yiri, “Jawaabtaad i siisay darteed ruuxyadii wasakhda lahaa gabadha wey ka baxeen ee tag.”

30 Markey guriga tagtay waxey aragtay cunugteeda oo sariirta ku jiifta oo ruuxyadii wasakhda lahaana ka baxeen.


Ciise wuxuu bogsiiyay nin aan hadli karin

31 Kadib Ciise wuxuu ka tagay deegaankii Turos ku dhawaa, wuxuuna maray Siidoon oo yimid wartii Galili illaa gobolka Dekabolis.

32 Halkaas isaga oo jooga ayaa dadkii u keeneen nin dhagool ah oo aan si fiican u hadli karin, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu bogsiiyo isaga.

33 Markaas ayaa Ciise dadkii badnaa ninkii ka dhex saaray oo dhinac ugula baxay, oo farahiisa ayuu dhegta ka geliyay, kadibna gacantiisi ayuu candhuuf mariyay oo ku taabtay ninkii carrabkiisa.

34 Markaas ayuu samada fiiriyay oo ninkii ku yiri, “Efata,” taas oo macnaheedu tahay, “Furan!”

35 Isla markiiba dhegahiisi wey furmeen oo carrabkiisina wuu dabcay oo wuxuuna bilaabay inuu si fiican u hadlo.

36 Ciisana wuxuu iyagii ku amray in eysan qofna u sheegin arintan. Laakiin siduu usii amrayay ayey iyagana usii sheegayeen.

37 Dadka aad iyo aad ayey u yaabeen oo waxey yiraahdeen, “Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyaa, wuxuu bogsiiyay qof aan wax maqli karin oo xitaa hadalku dhibo.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan