Markos 6 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo Naasared laga diiday 1 Ciise halkaas ayuu ka tagay oo wuxuuna aaday magaaladii uu kasoo jeeday isaga oo la jira xertiisi. 2 Maalintii Sabtida markii la gaaray ayaa wuxuu wax ku barayay sunagogga, kuwa badan oo isaga dhageysanayeyna wey la yaabeen wax baritaankiisa. Markaas ayey is weydiiyeen, “Xaggee ninkan ka helay waxyaalahan? Yaa siiyay xigmaddan iyo awoodan uu ku sameeyo mucjisooyinkan? 3 Kani miyuusan ahayn faryaamoolihii ina Maryan ahaa, walaalkii Yacquub, Yuusuf, Yuudas iyo Simoon? Oo gabdhaha walaalihiis ah miyeysan magaaladan na la joogin?” Dadkiina aad ayey uga xumaadeen. 4 Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Nebi dad walba ayaa sharfa waxaanan ka ahayn dadka magaaladiisa, reerkiisa iyo qaraabadiisa.” 5 Halkaasna mucjisooyin kuma uusan sameyn karin, laakiin dhowr qof ayuu gacanta saaray oo bogsiiyay. 6 Ciise wuxuu la yaabay iimaan la’aantooda. Ciise wuxuu ku wareegayay tuulooyinka isaga oo wax baraya. Ciise oo laba iyo tobankii xertiisa ahaa diray 7 Intuu laba iyo tobankii iskugu yeeray ayuu bilaabay inuu laba laba u diro isaga oo siiyay awood ey ku saaraan ruuxyada wasakhda leh. 8 Wuxuuna ku amray oo ku yiri, “Waxna safarka ha u qaadanina waxaanan ul ka ahayn, xitaa boorso, cunto ama lacag ku jirta kiishadaha suumankiina. 9 Kaba qaata laakiinse shaati dheeraad ah ha qaadanina. 10 Mar walboo guri la idin kasoo dhaweeyo halkaas jooga illaa aad magaalada ka tagtaan. 11 Haddii meel la idin kasoo dhaweyn waayo ama ey diidaan iney idin dhageystaan, meeshaas ka taga oo cagahiinana boorka ka jafa si ey marqaatifur idin kugu ahaato.” 12 Rasuulladiina wey baxeen oo waxey dadka ku wacdiyeen iney toobadkeenaan. 13 Ruuxyo wasakh leh oo badan ayey dadka ka saareen oo kuwa badan oo xanuusanna saliid ayey ku subkeen weyna bogsiiyeen. Yooxanaa Baabtiisaha oo madaxa laga gooyay 14 Boqor Herodos ayaa maqlay waxyaalihii uu Ciise sameynayay, waayo dad badan ayaa magaciisa garanayay. Qaarkood ayaa waxey dheheen, “Waa Yooxanaa baabtiisaha, wuxuu kasoo sarakacay dhimashada, waana sababta uu u haysto awoodda mucjisooyinka lagu sameeyo.” 15 Laakiin kuwa kalana waxey dheheen, “Waa Eliyaas, qaarna waxey dhaheen waa nebi nebiyadii hore ka mid ah.” 16 Laakiin Herodos goortii uu arintan maqlay ayuu yiri, “Yooxanaa kii aan madaxa ka gooyay ayaa dhimashada kasoo sarakacay!” 17 Waayo Herodos ayaa niman amray iney Yooxanaa qabtaan, oo ey xabsi geliyaan, Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos oo uu guursaday darteed. 18 Waayo Yooxanaa ayaa ku yiri Herodos, “Kuuma banaana inaad naagta walaalkaa guursatid.” 19 Sidaa darteed Herodiya wey ka xanaaqday Yooxanaa oo waxey dooneysay iney disho laakiiin ma eysan awoodin, 20 waayo Herodos wuu ka cabsanayay Yooxanaa oo wuuna ilaalinayay waayo wuxuu ogaa inuu yahay nin xaq ah oo quduusna ah. Balse Herodos wuu ku wareeray waxyaalihii Yooxanaa ku wacdinayay, laakiin wuu ku faraxsanaa inuu isaga dhageysto. 21 Ugu dambeyntii fursad ayey heshay, oo xusuustii dhalashadiisa, ayuu Herodos xaflad weyn dhigay wuxuuna casuumay sarkaaladiisi, ciidankiisi iyo hogaamiyayaashii Galili. 22 Markaas ayaa gabadhii Herodiya timaaday oo u ciyaartay Herodos iyo martidiisi. Aad ayey uga farxisay Herodos iyo iyagoo dhan. Markaas ayaa boqor Herodos ku yiri gabadhii, “Wax walboo aad doontid i weydiiso waana ku siin doonaa.” 23 Markaas ayuu haddana u dhaartay oo ku yiri, “Wax walboo aad i weydiisatid waan ku siin doonaa, xitaa boqortooyadeyda barkeed haddaad doontid.” 24 Gabadhii ayaa baxday oo ku tiri hooyadeed, “Maxaan weydiistaa?” Markaas ayaa hooyadeed u jawaabtay oo ku tiri, “Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.” 25 Markaas ayey gabadhii dhaqso ugu laabatay boqorkii oo ku tiri, “Waxaan doonayaa inaad hadda madaxa Yooxanaa Baabtiisaha saxan igu siiso.” 26 Boqor Herodos arintan aad ayuu uga xumaaday, laakiin ma uu rabin inuu jabiyo ballantii uu martida hortooda ku qaaday sidaa darteedna ma awoodin inuu ka diido waxey rabto. 27 Herodos isla markii ayuu wuxuu amray askari inuu Yooxanaa madaxa kasoo gooyo isaga oo xabsiga ku jira. 28 Askarigiina wuxuu la soo laabtay madaxii Yooxanaa oo saxan ku jira, wuxuuna u dhiibay gabadhii oo iyaduna waxey siiyay hooyadeed. 29 Xertii Yooxanaana markey arintan maqleen ayey yimaadeen oo qaateen jirkiisi wey xabaaleen. Ciise wuxuu cunto siiyay shan kun oo qof 30 Rasuulladii ayaa Ciise kusoo ag ururay oo u sheegay waxyaalihii ey soo sameeyeen iyo wixii ey dadka bareen. 31 Laakiin dad badan ayaa Ciise u imaanayay oo kuwa kalana wey tagayeen, rasuulladiina ma eysan helin waqti ey wax ku cunaan, sidaa darteed Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Kaalaya aan tagnee meel cidla ah oo aan nasanee.” 32 Markaas ayey doon qaateen oo tageen meel cidla ah. 33 Laakiin kuwii arkay goortay tagayeen ayaa u raacay meeshii ey u socdeen. Dad badan oo magaalo walba ka yimaadayna orod ayey ku tageen meeshii ey u socdeen oo wey kaga hor mareen. 34 Markii uu Ciise doontii ka dagtay oo uuna arkay dadkii badnaa, wuu u naxariistay waayo waxey ahaayeen sidii ido aan arijir lahayn. Markaas ayuu bilaabay inuu waxyaalo badan baro. 35 Galabtii markii la gaaray ayaa xertiisi u yimaadeen Ciise oo ku yiraahdeen, “Meeshan waa meel cidlo ah, waqti dambe ayaana la joogaa. 36 Dadkan kala dir si ey u tagaan oo ey meelahaas tuulooyinka ah uga raadsadaan wax ey cunaan.” 37 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Idinku siiya wax ey cunaan.” Markaas ayaa xertii isaga ku yiraahdeen, “Miyaadan garaneyn taasi iney u baahantahay lacag badan! Oo ma waxaad rabtaa inaan lacagtaas badan ku bixino wax la cuno?” 38 Markaas ayuu Ciise yiri, “Meeqa kibis ayaad haysaan? Bal baxa oo soo fiiriya.” Markey soo ogaadeen ayey waxey yiraahdeen, “Shan kibis iyo laba kalluun.” 39 Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri dadka koox koox ugu fariisiya cawska cagaaran dhexdiis. 40 Markaas ayaa dadkii u fariisteen koox konton konton ah iyo kuwa kale oo boqol boqol ah. 41 Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuxuuna kala googooyay kibistii. Kadibna wuxuu siiyay xertii si ey dadka ugu qeybiyaan, haddana labadii kalluun ayuu kala qeybiyay oo uu iyaga u dhiibay. 42 Kuligoodna wey cuneen oo wey dhergeen, 43 xertiina waxey ururiyeen laba iyo toban dambiilood oo buuxa oo kibistii iyo kalluun dadka kasoo haray ah. 44 Dadkii cuntada cunay waxey ahaayeen shan kun oo qof. Ciise oo biyo ku kor socday 45 Isla markiiba Ciise wuxuu xertiisi ku amray iney raacaan doon oo ey kaga hor tagaan Beytsayda, intuu dadkii badnaa kala dirayay. 46 Markii uu iyaga ka tagay ayuu aaday buurta dhinaceeda si uu u soo duceysto. 47 Habeenkaas waqtiga dambe doontu waxey ku sugnayd warta bartankeeda, oo isaguna kaligiis ayuu joogay dhulka. 48 Laakiin markii uu hoos fiiriyay wuxuu arkay xertiisi oo ku dhibaateysan iney doonta horey u wadaan, waayo dabaysha ayaa celineysay. Wax yar hor waaberiga ayuu iyaga u tagay isaga oo biyaha warta ku dul soconaya. Wuxuu ku dhawaaday inuu iyaga ka hor maro, 49 laakiin markey arkeen isaga oo biyaha ku kor socda waxey u maleeyeen reer aakhiraad, markaas ayey qayliyeen, 50 waayo iyagoo dhan ayaa arkay oo isku naxay. Isla markii ayuu iyaga la hadlay oo ku yiri, “Ha welwelina! Waa Anigee. Ha cabsanina.” 51 Markaas ayuu doontii ey ku jireen fuulay, oo dabayshiina wey dagtay. Aad ayeyna u yaabeen, 52 waayo qalbiyadoodu wey xirnaayeen sidaa darteed ma eysan fahmin waxa ku saabsan mucjisadii kibista. 53 Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinaca kale, waxey yimaadeen dhulka Gennesared oo doontiina biyaha qarkeeda ayey ku xirteen. 54 Markey doontii kasoo degeen, dadkii halkaas joogay ayaa aqoonsaday Ciise. 55 Markaas ayey meelaha oo dhan orod ku tageen oo bilaabeen iney kuwa xanuusan dermo ku keenaan meel walboo ey ku maqlaan inuu joogo. 56 Meel walboo uu tago, tuulooyin, magaalooyin ama baadiye dadka waxey kuwa xanuusan dhigayeen meelaha suuqyada ah. Waxeyna ka baryeen iney darafka maradiisa oo kaliya taabtaan, kuwii taabtayna wey bogsadeen. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.