Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Markos 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo bogsiiyay nin ruuxyo wasakh leh qabay

1 Markii ey wartii kasoo gudbeen ayey waxey yimaadeen gobolka Gadareni.

2 Ciise markii uu doontii ka degtay ayaa nin ruuxyo wasakh leh qabay oo xabaalaha ku noolaa u yimaaday.

3 Ninkani wuxuu ku noolaa xabaalaha oo qofna isaga ma xiri karin, xitaa silsiladu ma eysan xijin karin.

4 Mar walba waxaa lugta iyo gacanta looga xiri jiray silsilad, laakiin silsiladii iyo birtii ayuu jabin jiray, oo qofna ma awoodin inuu xiro xoogga uu lahaa dartiis.

5 Habeen iyo maalin ayuu joogi jiray xabaalaha iyo meelaha buuraha ah, isaga oo qaylinaya dhagaxyana isku jarjaraya.

6 Laakiin goortii uu Ciise meel dheer ka arkay ayuu u soo orday oo hortiis jilba jabsaday.

7 Markaas ayuu cod dheer ku qayliyay oo yiri, “Maxaad iga rabtaa, Ciisow, Wiilka Illaaha ugu Sareeyow? Ballan magaca Illaahey iiga qaad in aadan i ciqaabin!”

8 Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Kasoo baxa ninkan, Ruux yahow wasakhda leh!”

9 Markaas ayuu Ciise weydiiyay isaga, “Magacaa?” Ninkii ayaa ku jawaabay oo yiri, “Magacaygu waa Liijon, waayo waan badanahay.”

10 Aad ayey Ciise uga baryeen in uusan agagaarkaas ka saarin.

11 Waxaa buurta halkaas u dhaw daaqayay doofaarro badan.

12 Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen oo ku yiraahdeen, “Doofaarradaas noo dir, noo ogolow inaan iyaga galno.”

13 Markaas ayaa Ciise u fasaxay, oo ruuxyadii wasakhda lahaa ninkii ayey kasoo baxeen oo waxey galeen doofaarradii. Isla markiiba doofaarradii oo gaaraya laba kun ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayaana laqay.

14 Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada iyo agagaarkeeda oo arintii dadka u sheegay, dadkiina wey yimaadeen si ey u arkaan waxyaalihii dhacay.

15 Markii dadkii Ciise u yimaadeenna waxey arkeen ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray oo fadhiya, isaga oo caqligiisu fiicanyahay oo dhar fiican qaba, aad ayeyna u cabsadeen.

16 Kuwii arkay wixii dhacay ayaa dadka kale u sheegay waxa ku saabsan ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray iyo doofaarrada.

17 Markaas ayaa dadkii Ciise ka baryeen inuu deegaankooda ka tago.

18 Ciise goortii uu doonta fuulay oo baxayay ayaa ninkii ruuxyada wasakhda leh laga saaray ka baryay inuu isaga soo raaco.

19 Ciisana uma ogolaan, laakiin wuxuu ku yiri, “Bax oo dadkaaga u tag oo u sheeg wuxuu Rabbigu kuu sameeyay, iyo siduu kuugu naxariistay.”

20 Markaas ayuu ninkii tagay oo bilaabay inuu ka sheego Dekabolis wixii uu Ciise u sameeyay isaga. Dadkiina aad ayey u yaabeen.


Ciise oo bogsiiyay naag xanuusan sarakiciyayna gabar dhimatay

21 Kadib markii uu Ciise doonta fuulay oo u laabtay dhinaca kale ee warta, dad badan ayaa ku soo ag ururay.

22 Kadibna nin hogaamiye sunagogga ka ahaa oo magaciisuna yahay Yayros ayaa yimaaday, markii uu Ciise arkay ayuu lugahiisi ku dhacay.

23 Aad ayuu uga baryay isaga oo leh, “Gabadheydi waa sakaraad ee fadlan kaalay oo gacantaada saar si ey u bogsato oo ey u noolaato.”

24 Sidaa darteed Ciise wuu raacay isaga. Dad badanna wey raaceen oo agtiisa ayey isku ciriiriyeen.

25 Dadkii badnaa dhexdooda waxaa ku jiray haweeyney laba iyo toban sano dhiig ka socday.

26 Dhakhtarro badan ayey u tagtay laakiin ma eysan bogsan xitaa waxey haysatay oo dhan ayey ku bixisay laakiin intey bogsan lahayd wey kasii daraysay.

27 Markey Ciise warkiisa maqashay ayey dadkii soo dhex martay oo ey gadaashiisa timid, markaas ayey maradiisa taabatay,

28 waayo waxey isku tiri, “Haddii aan maradiisa taabto waan bogsan doonaa.”

29 Isla markiina dhiiggii ka socday wuu joogsaday oo waxey jirkeeda ka dareentay in cudurkii laga xoreeyay.

30 Isla waqtigaasba Ciise wuxuu gartay in xoogga wax lagu bogsiiyo isaga ka baxay. Markaas ayuu dadkii badnaa u jeestay oo weydiiyay, “Yaa dharkeyga taabtay?”

31 Markaas ayaa xertiisi u jawaabeen oo yiraahdeen, “Waad u jeedaa dadkan badan oo kugu ag ururay, sidee ayaad u weydiin kartaa, ‘Yaa i taabtay?’ ”

32 Laakiin Ciise dadkii ayuu fiiriyay si uu u arko qofka isaga taabtay.

33 Kadib naagtii oo ogaatay in la bogsiiyay ayaa timaaday oo cagihii Ciise ku dhacday, iyadoo cabsi la giriiraysa, oo sheegtay runtii wixii ey sameysay.

34 Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay. Nabad ku tag oo ka xorrow xanuunkii ku hayay.”

35 Ciise oo weli hadlaya ayaa kuwa ka yimaadeen gurigii Yayros, kaasoo hogaamiyaha sunagogga ahaa, oo ku yiraahdeen, “Gabadhaadi wey dhimatay, ee macalinka maxaad u dhibaysaa?”

36 Ciise markii uu arintan maqlay ayuu ku yiri Yayros kan sunagogga hogaamiya, “Ha cabsan ee iimaan lahaw.”

37 Qofna uma ogolaan inuu raaco waxaanan ka ahayn Butros, Yacquub iyo Yooxanaa.

38 Markey yimaadeen gurigii Yayros kan sunagogga hogaamiya ayaa waxey arkeen dadkii oo ooynaya oo aad u barooranaya.

39 Ciise intuu gurigii galay ayuu ku yiri, “Maxaad u buuqaysaan oo aad u ooyneysaan? Cunugtu ma dhimanin ee wey jiiftaa.”

40 Laakiin wey ku qosleen isaga. Markaas ayuu Ciise iyagoo dhan banaanka u saaray oo la haray gabadha waalidkeed iyo xertiisi, oo waxey galeen gabadhu halkii ey jiiftay.

41 Gabadhii ayuu gacanta qabtay oo ku yiri, “Talita qumi!” (Taas oo macnaheedu yahay “Yariisay, waxaan kugu leeyahay kac!”)

42 Isla markiiba gabadhii wey kacday oo waxey bilowday iney socoto. Dadkii oo dhan ayaa aad uga yaabeen arintan.

43 Laakiin Ciise wuxuu iyaga ku amray in eysan qofna u sheegin arintaas, wuxuuna u sheegay iney cunto siiyaan gabadha.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan