Markos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubTusaalihii beeraleyda 1 Kadib Ciise wuxuu dadka ku barayay xagga warta Galili. Dad badan ayaa ag yimid, wuxuuna fuulay doon biyaha ku jirtay oo wuu fariistay, dhamaan dadkiina waxey joogeen xeebta warta qarkeeda si ey u dhageystaan isaga. 2 Waxyaalo badan ayuu tusaale ku baray, markii uu wax barayay wuxuu u sheegay tusaalahaan. 3 “Dhagaysta! Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto. 4 Markii uu beerayay, abuurkii qaar ayaa ku dhacay jidka agtiisa, oo shimbirrihii ayaa cuneen. 5 Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh oo ciiddu ku yartahay isla markiina wey soo baxeen waayo ciiddu dhulka kuma badneyn. 6 Kadib markii qoraxdii soo baxday, wey gubteen weyna qalaleen maxaa yeelay xidid ma lahayn. 7 Kuwa kalana waxey ku dhex dhaceen qodaxyo, markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen, sidaa darteed may bixinin mirro. 8 Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, taas oo qaar soo saartay boqol jibaar qaarna lixdan jibaar qaarna soddon jibaar in ka badan wixii la abuuray.” 9 Kadib Ciise ayaa iyaga ku yiri, “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” 10 Markii dadkii badnaa ka tageen ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahaa iyo kuwa kale oo la jiray isaga weydiiyeen wax ku saabsan tusaalihii. 11 Markaas ayuu ku yiri, “Waxaa la idin siiyay sirta boqortooyada Illaah. Laakiin kuwa kale waxaan ku barayaa tusaale. 12 Sababtoo ah, “ ‘Wax ayey fiiriyaan, mana arkaan, wax ayey maqlaan, mana fahmaan, haba ahaatee hadday ey Illaahey u soo laabtaan waa la cafin lahaa!’ ” 13 Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Haddii eydan tusaalahaan fahmin, sidee ayaad tusaale kale ku fahmi doontaan? 14 Haddaba waxa beeraleygu abuurtay waa ereyga Illaahey. 15 Dadka qaarkood waa sida abuurka jidka ku dhacay ereyga wey maqlaan laakiin Shaydaanku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa ereygii lagu beeray. 16 Kuwa kalana waa sida abuurkii ku dhacay meesha dhagaxyada leh ereyga farxad ayey ku qaateen markey maqleen. 17 Laakiin iimaankooda oo aan sal adag lahayn dartiis, waxey sii jiraan waqti yar. Markii dhib iyo silac yimaado ereyga dartiisna, isla markiiba iimaanka wey ka laabtaan. 18 Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, 19 laakiin welwelka noloshan, damaca taajirnimada iyo rabitaanka waxyaalo kale ayaa baabi’iya warkii wanaagsanaa, wuxuuna noqdaa mirro la’aan. 20 Kuwa kalana waa sida abuurkii carrada fiican lagu beeray, waa kuwa ereyga maqla oona aqbala kadibna mirro dhala waxeyna soo saaraan soddon jibaar, lixda jibaar qaar kalana boqol jibaar in ka badan intii la beeray.” Tusaalihii feynuusta 21 Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Miyaad laambad u shidaan si aad weel ugu dabooshaan ama sariirta hoosteeda u dhigtaan? Laambada soo lama dhigo laambad saarka? 22 Waayo wax walboo qarsoon waxaa loogu talagalay iney banaanka u soo baxaan, wax walboo daboolanna iftiinka ayaa la keeni doonaa. 23 Qofkii dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” 24 Hadalkii ayuu watey, “Ka fiirsada waxaad maqashaan, waayo qiyaastii aad ku qiyaastaan iyo in ka badan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa. 25 Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, laakiin kuwa aan waxba haysaninna xitaa waxey haystaan waa laga qaadi doonaa.” Tusaalihii iniintii la abuuray 26 Sidoo kale Ciise wuxuu yiri, “Boqortooyada Illaahey waa sida nin abuur dhulka ku daadshay. 27 Beeraleydu habeenkii wey seexdaan subixiina wey soo kacaan, laakiin abuurkii wuu baxaa wuuna weynaadaa iyagoo aan garaneynin sida ey ku dhacday. 28 Dhulka kaligiis ayaa badar bixiya, marka hore wuxuu bixiyaa jirrida iyo sabuulka kadibna sabuulkii ayaa mirro bixiya. 29 Kadib badarkii markii uu bislaado waxey ku gooyaan mindi waayo waqtiga beer gooyska wuu yimid.” Tusaalihii iniinta khardalka 30 Ciise ayaa haddana yiri, “Maxaan u ekeysiin karnaa boqortooyada Illaah? Tusaalaheen u ekeysiin karaa? 31 Waxey u egtahay iniin khardal ah taas oo ah iniinta ugu yar dhulka oo dhan. 32 Laakiin haddii uu nin beertiisa ku beero wey baxdaa oo waxeyna noqotaa geed weyn shimbirraha hawadana laamihiisa ayey buulal ka dhistaan.” 33 Tusaalahaan iyo kuwa kale oo badan ayuu Ciise isticmaalay inuu ereyga ku baro iyaga si ey u fahmaan. 34 Waxna uma uusan sheegin tusaale ahaan maahee, laakiin markii uu la joogo xertiisa wuu u faahfaahinayay wax walba. Ciise oo duufaanta dejiyay 35 Maalintaas galabteedii markii la gaaray ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Bal aan dhinaca kale tagno.” 36 Dadkii badnaa ayey ka tageen oo waxey galeen doontii uu Ciise ku jiray oo dhinaca kale ayey tageen, dooma kale ayaana la jiray. 37 Isla markiiba waxaa kacay duufaan daran, hirarkiina doontii ayey ku dhaceen oo doontiina biyo ayaa ka buuxsami gaaray. 38 Ciisana wuxuu joogay xagga dambe ee doonta wuuna jiifay barkin. Markaas ayaa xertiisi kiciyeen isaga oo ku yiraahdeen, “Macalinow, miyeysan waxba kula ahayn haddii ey biyuhu na qaadaan?” 39 Isla markii ayuu kacay oo canaantay duufaantii iyo hirarkii oo ku yiri, “Aamus oo deg!” Kadibna duufaantii ayaa degtay oo wax walbana wey wada aamuseen. 40 Markaas ayuu xertiisi ku yiri, “Maxaad sidan oo dhan ugu cabsateen? Iimaan malihidiin miyaa?” 41 Markaas ayey xertii wada argagaxeen oo ey is weydiiyeen, “Kani yuu yahay? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.