Markos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo bogsiiyay nin curyaan ah 1 Dhowr maalmood kadib ayuu Ciise wuxuu haddana ku laabtay Kafarna’um, dadkii ayaa maqlay inuu guriga joogo. 2 Markaas ayaa dad badan isku soo urureen oo meel la kala istaago ayaa la waayay xitaa albaabka hortiisa, oo wuxuu iyagii ku wacdiyay ereyga. 3 Markaas ayaa waxaa u yimid niman wada nin curyaan ah. 4 Markey waayeen meel ey Ciise u maraan waayo dadkii ayaa meesha buuxay, waxey fuuleen saqafka guriga oo derintiisi ayey ku soo dejiyeen dadkii badnaa dhexdooda illaa ey ka dhigeen Ciise hortiisa. 5 Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri ninkii curyaanka ahaa, “Saaxiibow, dembiyadaadu wey cafisan yihiin.” 6 Haddaba waxaa halkaas fadhiyay macalimiintii sharciga Muuse, oo qalbiyadooda ayey iskala hadlayeen, 7 “Ninkan muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caaytamayaa! Yaa dembi cafin kara Illaahey maahee?” 8 Isla markiiba Ciise wuxuu ka ogaaday ruuxdiisa waxyaalaha ey qalbiyadoodu ka fikirayeen, oo wuxuuna ku yiri, “Maxaad waxyaalahan uga fikireysaan? 9 Teebaa fudud, ma inaad ninkan curyaanka ah ku tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag derintaada qaado oo soco’? 10 Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii ku yiri, 11 “Waxaan kugu leeyahay istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag!” 12 Dadkii hortooda ayuuna ku kacay, derintiisana qaatay oo tagay. Arintaasna dadka oo dhan ayey ka yaabisay oo iyaguna Illaahey ayey ammaaneen iyagoo leh, “Weligeen waxan oo kale maanan arkin!” Ciise oo u yeeray Laawi lana cunteeyay dembiilayaal 13 Kadib Ciise wuxuu tagay warta Galili agteeda. Waxaa isaga u yimaaday dad badan oo wuxuuna bilaabay inuu iyaga wax baro. 14 Intuu soconayay ayuu arkay Laawi ina Alfayos isaga oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Isoo raac.” Laawina wuu kacay oo raacay. 15 Ciise oo ka casheynaya guriga Laawi, canshuur qaadayaal iyo dembiilayaal badan ayaa la cunteynayay isaga iyo xertiisa. Waayo kuwa badan ayaa isaga raacay. 16 Markey macalimiintii sharciga Muuse kuwaasoo ah Farrisiinta arkeen Ciise oo la cunteynaya dembiilayaasha iyo kuwa canshuur qaadayaasha ah ayey weydiiyeen xertii, “Muxuu ula cunayaa canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha?” 17 Ciisana markii uu arintaas maqlay ayuu iyaga ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. Anigu uma imaanin kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imaaday kuwa dembiilayaasha ah.” Ciise oo la weydiiyay su’aal ku saabsan soonka 18 Maalin ayaa dad ku yiraahdeen Ciise, “Sidee ayey ku dhacday in xertii Yooxanaa Baabtiisaha ey mar walba soomaan oo ey tukadaan, sidoo kale xerta Farrisiinta, laakiin xertaadu ey mar walba wax cunaan oo ey wax cabaan?” 19 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay oo ku yiri, “Sidee ayey ku dhaceysaa in martida aroosku soomaan iyadoo uu caruusku la joogo? Waa maya. 20 Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu caruusku ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan. 21 “Qofna maro cusub kuma dul tolo maro duug ah. Haddii kale marada cusub wey soo go’aysaa jeexniinkuna wuu kasii darayaa. 22 Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah, haddii kale khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. Sidaa darteed khamriga cusub waa in lagu shubo weel cusub.” Ciise waa Rabbiga Sabtida 23 Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisa oo dhex socda beer badar ah, ayey xertiisi bilaabeen iney sabuulladii goostaan. 24 Farrisiinti ayaa Ciise ku yiri, “Maxey u sameynayaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo?” 25 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? 26 Waagii Aabyaataar wadaadka sare ahaa, Daa’uud wuxuu galay guriga Illaahey oo jabiyay sharciga, kibistii goonida loo bixiyay, taas oo ey sharciyan u leeyihiin wadaaddadu oo sidoo kale wuxuu xoogaa kuwii la jiray.” 27 Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Sabtida waxaa loo sameeyay binu aadanka ee binu aadanka looma sameynin Sabtida. 28 Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.