Markos 13 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDumida macbadka 1 Ciise goortii uu macbadka ka baxayay mid xertiisi ka mid ah ayaa ku yiri, “Macalinow, fiiri dhagaxan weyn iyo dhismahan quruxda badan!” 2 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma aragtaan dhismahan weyn? Halkan laguma dhaafi doono dhagax dhagax kale dul saaran, kuli waa la burburin doonaa.” 3 Kadib Ciise oo dul fadhiya buur Saytuun taas oo kasoo hor jeeda macbadka, ayaa Butros, Yacquub, Yooxanaa iyo Andaros gooni ahaan u weydiiyeen, 4 “Bal noo sheeg waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney mar dhow rumoobi doonaan?” 5 Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Iska ilaaliya in uusan qofna idin khiyaanin. 6 Kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona iyagoo dhahaya, ‘Waxaan ahay Masiixa.’ Oo dad badan ayey khiyaani doonaan. 7 Markaad maqashaan dagaallo iyo waxyaalo ku saabsan dagaallo ha cabsanina. Waxyaalahan oo kale waa iney dhacaan, laakiin dhamaadka aduunka weli lama gaarin. 8 Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir. Laakiin waxan oo dhan waa bilowga dhibaatooyinka. 9 “Is ilaaliya waayo waxaa la idiin geyn doonaa maxkamadaha oo sunagogyada dhexdooda ayaa la idin ku garaaci doonaa. Aniga dartey ayaad u hor istaagi doontaan taliyayaal iyo boqorro oo iyaga ayaad marqaati ugu noqon doontaan. 10 Sidaa darteed warka wanaagsan waa in laga wacdiya quruumaha oo dhan. 11 Haddii la idin qabto, ha ka welwelin waxaad dhihi lahaydeen. Ereyo sax ah ayaa waqtigaas la idiin siin doonaa, waayo idinku ma hadleysaan ee kan idin ka dhex hadlayo waa Ruuxa Quduuska ah. 12 “Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan. 13 Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa, laakiin kan illaa dhamaadka adkeysta ayaa badbaadi doona. 14 “Haddaba markaad aragtaan ‘Waxyaalo xun’ oo ka dhacaya meesha quduuska ah, kii wax akhriyaa ha fahmo, kadibna kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha. 15 Haddii qof saaranyahay gurigiisa korkiisana gurigiisa yuusan galin si uu wax ugala soo baxo. 16 Qofkii beerta joogana yuusan ku laaban guriga si uu jaakaddiisa u soo qaato. 17 Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! 18 Ku duceysta in arintaas eysan dhicin xiliga qabowga, 19 waayo waqtigaas wuxuu noqon doonaa waqtigii ugu dhibaatada badnaa illaa markii uu Illaahey aduunka abuuray, wax sidan oo kale u xunna mar dambe ma dhici doonaan. 20 “Rabbigu haddii uusan maalmahaas gaabin, qofna ma badbaadi lahayn. Laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayuu waqtiga u gaabiyay. 21 Waqtigaas haddii uu qof kugu yiraahdo, ‘Fiiri, Masiixi waa kan!’ Ama uu kugu yiraahdo, ‘Fiiri Masiixi waa kaas!’ Ha rumeysan. 22 Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan Illaahey dadka uu doortay. 23 Sidaa darteed is ilaaliya, waayo waan idiin sii sheegay waxyaalaha soo socda oo dhan. 24 “Dadku markey dhibaatoodaan kadib, “ ‘Qoraxdu wey madoobaan doontaa, dayaxuna iftiin ma lahaan doono. 25 Xiddiguhuna cirkey kasoo dhici doonaan, awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’ 26 “Waqtigaas dadku waxey arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku soo dhex maraya awood weyn iyo ammaan. 27 Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa si ey aduunka oo dhan uga soo ururiyaan dadka uu doortay. 28 “Haddaba casharkan ka barta geedka berdaha ah. Haddii ey laamihiisu curdan noqdaan oo uu caleemo bixiyo, waxaad ogaataan in roobku dhowyahay. 29 Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin inuu dhowyahay oo albaabka ag joogo. 30 Runtii waxaan idin ku leeyahay dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan. 31 Cirka iyo dhulku wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan. Qofna ma oga maalinta iyo waqtiga khiyaamaha 32 “Laakiin maalinta iyo waqtiga qiyaamaha qofna ma garanayo, xitaa malaa’igta jannada iyo Wiilku ma garanayaan, laakiin Aabaha oo kaliya ayaa garanaya. 33 Is ilaaliya! Waayo ma garaneysaan waqtiga ey waxyaalahan dhici doonaan. 34 Waa sida nin safar u socda, oo gurigiisa ka tagay wuxuuna maamulka u dhiibay shaqaalihiisa, shaqaala walbana wuxuu sameynayo ayuu u sheegay, kan albaabka waardiyeeyana wuxuu ku yiri ila socodsii wax walba. 35 “Sidaa darteed soo jeeda waayo ma garaneysaan kan guriga leh goortuu soo laaban doono. Waxey noqon kartaa fiidkii ama habeen barkii, markii uu diiqu ciyo ama aroortii. 36 Haddii uu yimaado isaga oo aan la filaneyn yuusan idin helin idinka oo jiifa. 37 Waxaan qof walba u sheegaa waxaan idiin sheegay oo ah, ‘Is ilaaliya!’ ” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.