Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Markos 12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Tusaalihii kiroolayaasha

1 Ciise wuxuu bilaabay inuu tusaalahaan iyaga u sheego, “Nin ayaa beer canab ah beertay, derbi ayuu ku wareejiyay, wuxuuna sameeyay meesha canabka lagu shiido wuxuuna dhisay munaarada waardiyaha. Kadibna wuxuu ka kireeyay kuwa beeraley ah wuxuuna aaday meel kale.

2 Markii la gaaray waqtigii gurashada wuxuu u soo diray kiroolayaashii mid shaqaalihiisi ka mid ah si uu xoogaa canaba ah uga soo qaado.

3 Laakiin kiroolayaashii ayaa garaacay ninkii oo diray isaga oo aan waxba wadin.

4 Kadib wuxuu u diray shaqaale kale, laakiin isagiina wey garaaceen oo madaxa ayey ku dhufteen markey aflagaadeeyeen kadibna wey direen isaga oo aan waxba wadin.

5 Haddana ku kale ayuu diray, kaasna waa la dilay. Kuwa kale oo badan ayuu sii diray laakiin qaar wey garaaceen kuwa kalana wey dileen.

6 “Kadibna ninkii beerta lahaa waxaa u haray wiilkiisii kaliya ee uu jeclaa. Markii ugu dambeysay ayuu wiilkii diray isaga oo yiri, waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan.

7 “Laakiin kiroolayaashii waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’

8 Markaas ayey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen oo dileen.

9 “Maxey kula tahay inuu ninka beerta leh iyaga ku sameyn doono? Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.

10 Miyeydan weligiin akhrisan qorniinka dhahaya, “ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha,

11 waxyaalahan Rabbiga ayaa sameeyay, anagana yaab ayey na la tahay’?”

12 Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ayaa isku dayay iney Ciise qabtaan, waayo wey ogaadeen inuu tusaalahaan iyaga kaga hadlayay. Laakiin waxey ka cabsadeen dadkii badnaa, markaas ayey iska tageen.


Canshuurta Kaysar la siiyo

13 Kadib waxey soo direen Farrisiinta iyo dadkii boqor Herodos raacsanaa qaarkood si ey Ciise hadalkiisa qalad uga dhex helaan kadibna u qabtaan.

14 Intey u yimaadeen ayey isaga ku yiraahdeen, “Macalinow, waan ognahay inaad nin daacad ah tahay dadkana aad barto wadada Illaahey ee runta ah. Dadkana waxaad ula dhaqantaa si isku mid ah, adigoo aan fiirinayn waxey yihiin, balse waxaad bartaa jidka Illaah ee runta ah. Haddaba ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaana?

15 Ma bixinaa mise maya?” Laakiin Ciise wuu gartay labawejiilanimadooda, markaas ayuu ku yiri, “Maxaad iskugu dayeysaan inaad i shirqooshaan? Diinaar ii keena aan arkee.”

16 Waxey u keeneen diinaar, markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisa ku yaalaa diinaarkan?” Waxey ugu jawaabeen, “Kaysar.”

17 Kadibna Ciise wuxuu iyagii ku yiri, “Siiya Kaysar wuxuu Kaysar leeyahay, Illaaheyna siiya wuxuu Illaahey leeyahay.” Aad ayey ula yaabeen isaga.


Guurka dhimashada kadib

18 Sadukiinta oo aan aaminsaneyn sarakicidda dhimashada ayaa Ciise u yimid.

19 Waxeyna weydiiyeen, “Macalinow, Muuse wuxuu noo qoray haddii nin uu dhinto xaasna ka tago balse uusan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajiba inuu carmalada walaalkiis dumaalo uuna ka dhalo caruur walaalkiis dhaxasha.

20 Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah, kii ugu weynaa ayaa guursaday laakiin wuu dhintay isaga oo aan caruur dhalin.

21 Kii labaad ayaa naagtii dumaalay, laakiin isagana wuu dhintay caruurna kama dhalin, kii saddexaadna sidaas oo kale ayaa ku dhacday.

22 Toddobadii walaal wey wada guursadeen naagtii, laakiin midna caruur kama tagin. Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay.

23 Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta? Ileen toddobadooduba wey guursadeene?”

24 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad qaldantihiin, waayo ma garaneysaan qorniinka ama awoodda Illaahey.

25 Illaahey markii uu kuwa dhintay soo sarakiciyo ma guursan doonaan lamana guursan doono, waxeyna noqon doonaan sida malaa’igta jannada ku jirta.

26 Haddaba waxa ku saabsan sarakicidda, miyeydan ka akhrisan buuggii Muuse, iyo sheekada geedkii dabka ka ololayay, sida Illaahey u yiri, ‘Waxaan ahay Illaaha Ibraahim, Illaaha Isxaaq iyo Illaaha Yacquub.’

27 Isagu ma aha Illaaha kuwa dhintay, laakiin waa Illaaha kuwa nool. Aad ayaad u qaldantihiin!”


Amarka ugu muhiimsan

28 Mid ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse ayaa yimid oo maqlay iyagoo doodaya. Wuxuu ogaaday in Ciise jawaab fiican iyaga ugu jawaabay, markaas ayuu weydiiyay, “Amarrada oo dhan kee ugu muhiimsan?”

29 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kan ugu muhiimsan waa kan, ‘Reer binu Israa’iilow maqla, Rabbiga Illaaheena ah waa hal Sayid.

30 Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga, caqligaaga iyo xooggaaga oo dhan.’

31 Tan labaad, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ Amarro kuwan ka weyn ma jiraan.”

32 Markaas ayaa ninkii ugu jawaabay, “Macalinow waad saxantahay markaad tiri Illaahey waa hal mid kalana ma jirto.

33 Inaad ka jeclaato qalbigaaga, caqligaaga iyo xooggaaga oo dhan, iyo waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay taas ayaa kasii wanaagsan allabariyo la gubo iyo allabariyo kale.”

34 Ciise goorta uu arkay inuu si wanaagsan u jawaabay ayuu ku yiri, “Boqortooyada Illaahey kama fogid.” Waqtigaas kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin.


Masiixu waa ina ayo?

35 Ciise oo dadka wax ku baraya macbadka ayaa weydiiyay, “Macalimiinta sharciga Muuse maxey u leeyihiin Masiixu waa wiilka Daa’uud?

36 Daa’uud ayaa Ruuxa Quduuska ah ka dhex hadlay oo yiri, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’

37 Daa’uud ayaa ugu yeeray, ‘Sayid.’ Haddaba sidee ayey ku noqon kartaa inuu yahay wiilkiisa?” Dadkii badnaa ayaa ka helay iney dhageystaan wax baritaankii Ciise.


Ciise oo dadka uga digay Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga

38 Markii uu wax barayay ayuu Ciise yiri, “Iska ilaaliya dhaqanka macalimiinta sharciga Muuse. Maxaa yeelay waxey ka helaan iney meelaha ku maraan khamiisyo dhaadheer oo qaali ah, waxeyna jecelyihiin in si xushmad leh loo salaamo markey suuqa marayaan.

39 Waxeyna jecelyihiin iney fariistaan safka hore markey joogaan sunagogyada iyo meelaha ey xafladaha ka jiraan.

40 Waxey carmalada ka khiyaanaan guryahooda, kadibna salaadda ayey dheereeyaan markey tukanayaan si ey dadka isku tustusaan. Macalimiintan ciqaabtooda aad ayey u darantahay.”


Sadaqadii carmalada

41 Ciise wuxuu fariistay kasoo horjeedka meesha sanduuqa lacagta lagu rido agteeda, wuxuuna fiirinayay dadkii badnaa ee sadaqa baxsanayay. Kuwa taajir ah oo badan ayaa lacag badan ku riday.

42 Laakiin carmalad masaakiin ah ayaa timid oo waxey ku riday shilimaad maar ah oo aadna u yar, oo qiimaheedu yahay xoogaa dhururuq ah.

43 Ciise intuu xertiisa iskugu yeeray ayuu ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, carmaladaan maskiinta ah ayaa ku riday sanduuqa in ka badan dadka kaloo dhan.

44 Iyaga oo dhan waxey sadaqeysteen wax yar oo ka mid ah hantidoodi, laakiin iyadu waxey bixisay waxey lacag ka qabtay oo ey ku sii noolaan lahayd.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan