Markos 11 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo Yeruusaalem u yimid sidii Boqor 1 Ciise iyo xertiisi markey u soo dhawaadeen Yeruusaalem oo ey yimaadeen Beytfaage iyo Beytaniya buur Saytuun agteeda, ayuu Ciise diray laba ka mid ah xertiisa 2 oo ku yiri, “Baxa oo tuulada idin ka horeysa taga, oo markaad saas u gashaanna waxaad halkaas ku arki doontaan dameer halkaas ku xiran kaasoo aan qofna fuulin weligiis. Xarigga kasoo fura oo halkan keena. 3 Haddii qof idin weydiiyo, ‘Maxaad xarigga uga furaysaan?’ Waxaad ku tiraahdaan, ‘Sayidka ayaa u baahan oo wuu soo celin doonaa.’ ” 4 Xertii wey tageen oo dameerkii ayey heleen isaga oo ku xiran jidka albaabka laga galo. Markey furaayeen, 5 ayaa kuwa halkaas taagnaa iyaga weydiiyeen, “Maxaad dameerka u furaysaan?” 6 Markaas ayey ugu jawaabeen sidii uu Ciise iyaga ku yiri, dadkiina wey u ogolaadeen iney dameerka kaxeystaan. 7 Markey qeylkii u keeneen Ciise oo ey dusha ka saareen dharkoodi ayuu ku fariistay. 8 Dad badan ayaa maryahoodii wadada goglay kuwa kalana laamo ey beeraha kasoo gooyeen ayey wadada dhigeen. 9 Kuwii ka horeeyay iyo kuwii kale ee ka dambeeyay ayaa ku qaylinayay, “Hoosanna!” “Waxaa barakeysan kan ku imaanaya magaca Rabbiga!” 10 “Waxaa barakeysan boqortooyada imaaneysa ee aabaheena Daa’uud.” “Hoosanna haku ahaato meesha ugu sareeysa!” 11 Markii uu Ciise Yeruusaalem yimid kadib ayuu galay macbadka. Wax walbana si fiican ayuu u fiiriyay laakiin gabalkii wuu dhacay markaas ayuu u laabtay Beytaniya isaga oo ey la jiraan laba iyo tobankii xertiisa ahaa. Ciise oo geed berde ah habaaray 12 Maalintii ku xigtay markey ka baxayeen Beytaniya ayaa Ciise gaajooday. 13 Markaas ayuu meel xoogaa u jirtay ka arkay geed berde ah oo caleemo leh, illaa halkii uu geedka ka taagnaa ayuu tagay si uu u arko inuu leeyahay mirro. Markii uu meeshaas gaarayna wuxuu arkay caleemo kaliya waayo ma eysan ahayn xiliga uu geedku miraha dhalo. 14 Kadibna Ciise wuxuu geedkii ku yiri, “Haddaba qofna mirro ma kaa cuni doono weligaa.” Xertiisina wey maqleen wuxuu yiri. 15 Ciise markii uu Yeruusaalem gaaray wuxuu galay macbadka oo ka saaray kuwii meesha ku ganacsanayay. Wuxuuna rogay miisaskii lacagta lagu beddelayay iyo kuraastii kuwii qoolleyda gadayay, 16 mana u ogolaan qofna inuu waxyaalo la iibo macbadka dhexdiis la maro. 17 Goortii uu dadka wax barayay ayuu iyagii ku yiri, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa meel quruumaha oo dhan ey yimaadaan oo ku duceystaan.’ Laakiin waxaad ka dhigteen xerada tuugada.” 18 Markaas ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse waxyaalahan maqleen oo waxey bilaabeen iney raadiyaan wado ey ku dilaan, weyna ka cabsadeen, waayo dadkii oo dhan ayaa la yaabay wax baritaankiisa. 19 Galabtii markii la gaaray ayaa Ciise iyo xertiisa ka tageen magaalada. 20 Subixii ku xigay xertii oo ag maraya geedkii berdaha ahaa ayaa waxey arkeen in geedkii oo salka ka qalalay. 21 Markaas ayaa Butros xasuustay wixii Ciise geedka ku yiri oo wuxuuna yiri, “Macalinow, fiiri! Geedkii berdaha ahaa ee aad habaartay wuu qalalay!” 22 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Illaahey rumeysta. 23 Waayo runtii waxaan idin ku leeyahay mid walboo ku dhaha buurtan ‘Tag oo badda isku tuur,’ oo aanan qalbigiisa kaga shakinin laakiin aamina in waxyaalihii uu dhahay ey dhici doonaan wey u ahaanaysaa. 24 Sidaa darteed waxaan idin leeyahay, wax walboo aad salaadda ku baridaan aamina inaad hesheen waadna heli doontaan. 25 Goorta aad duceysaneysaanna waa inaad u cafisaan waxyaalaha kuwa kale idin ku sameeyeen, si Aabihiinna jannada ku jiro u cafiyo dembiyadiina.” [ 26 Laakiin haddii aadan kuwa kale cafinin, Illaaheyna kuma cafinayo.] Awooddii Ciise oo wax laga weydiiyay 27 Ciise iyo xertiisi waxey u soo laabteen Yeruusaalem, markaas ayaa Ciise oo macbadka dhex socday waxaa u yimid gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiinta sharciga Muuse iyo odayaasha. 28 Markaas ayey weydiiyeen “Awoodee ayaad waxyaalahan ku sameysaa? Yaana ku siiyay awoodan?” 29 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hal su’aal ayaan idin weydiinayaa. Ii jawaaba, kadibna waan idiin sheegi doonaa awoodda aan waxyaalahan ku sameeyo. 30 Yooxanaa baabtiiskiisii samada miyuu ka yimid mise dhinaca binu aadanka? Bal ii sheega!” 31 Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, ‘Maxaad u aamini weyseen?’ 32 Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisa ayuu ka yimid,’ Maxaa dhici doona?” Waxey ka cabsadeen dadka, waayo qof walba wuxuu aaminsanaa in Yooxanaa nebi ahay. 33 Kadib waxey Ciise ugu jawaabeen, “Ma garaneyno.” Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.