Markos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubYooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya 1 Kani waa warka wanaagsan ee ku saabsan Ciise Masiix Wiilka Illaahey. 2 Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos, “Waxaan hortaada soo diri doonaa wargeeyaheyga, kaasoo jidka kuu sii diyaarin doona.” 3 “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya, oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ” 4 Yooxanaa Baabtiisahana wuxuu yimid cidlada, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. 5 Markaas ayaa dad badan ka yimaadeen Yuhuudiya iyo Yeruusaalem si ey u dhageystaan Yooxanaa. Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun. 6 Yooxanaa wuxuu xiran jiray dhar dhogorta geela laga sameeyay, suun maqaar laga sameeyeyna dhexda ayuu ku xiran jiray, oo cuntadiisuna waxey ahayd anyax iyo malab duureed. 7 Wuxuuna dadka ku wacdiyay oo yiri, “Waxaa iga daba imaan doona mid iga awood weyn, kan aanan anigu istaahilin inaan suumanka kabahiisa furo. 8 Aniga waxaan idin ku baabtiisaa biyo, laakiin isaga wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.” Baabtiiskii iyo jarribaadii Ciise 9 Isla waqtigaas Ciise ayaa ka yimid Naasareddii Galili, oo Yooxanaa ayaa isaga ku baabtiisay webi Urdun. 10 Ciise goortii uu biyaha kasoo baxayay ayuu arkay samada oo furantay, iyo Ruuxa Quduuska ah oo ugu soo kor dagaya sida qoolley ahaan. 11 Markaas ayaa cod samada ka dhawaaqay isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.” 12 Isla markaas ayuu Ruuxa Quduuska ah Ciise u hogaamiyay cidlada, 13 halkaas ayuuna afartan maalmood Shaydaanku ku jarribayay. Meeshaasna waxaa joogay xayawaan duureed, laakiin waxaa u yimid malaa’ig oo caawisay. Ciise oo wacdiyay warka wanaagsan 14 Goortii Yooxanaa xabsiga la galiyay kadib, Ciise wuxuu tagay Galili, isaga oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee Illaahey. 15 Wuxuuna yiri, “Waqtigii wuu yimid, boqortooyada Illaahey wey soo dhawaatay. Toobadkeena oo rumeysta warka wanaagsan!” Ciise oo u yeeray xertiisi ugu horeysay 16 Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros iyagoo shabaag badda ku tuuraya, waayo waxey ahaayeen kalluumaysato. 17 Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.” 18 Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen. 19 Goortii Ciise cabbaar socday ayaa wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Doontoodi ayey ku jireen oo shabaagyadooda ayey diyaarsanayeen. 20 Isaga oo aan waqti lumin ayuu u yeeray, iyagana aabahood Sebedi iyo nimankii shaqaalaha ahaa ayey doontii uga tageen oo Ciise ayey raaceen. Ciise oo bixiyay ruux wasakh leh 21 Ciise iyo xertiisi waxey aadeen Kafarna’um. Oo maalintii Sabtida Ciise wuxuu tagay sunagogga wuxuuna bilaabay inuu dadka wax baro. 22 Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadka, waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh, mana uu ahayn sida macalimiinta sharciga Muuse oo kale. 23 Isla markiiba nin ruux wasakh leh ku jirtay oo joogay sunagogga ayaa qayliyay oo yiri, 24 “Maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska Illaahey ah!” 25 Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxdii oo ku yiri, “Aamus! Oo kasoo bax!” 26 Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa dadka oo dhan hortooda ninkii dhulka ku tuuray, wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin. 27 Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!” 28 Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay Galili oo dhan. Ciise oo bogsiiyay dad badan 29 Haddaba markii uu Ciise ka tagay sunagogga isaga oo ey la socdaan Yacquub iyo Yooxanaa ayaa waxey tageen guriga Simoon iyo Andaros. 30 Simoon sodohdiis ayaa qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise u sheegeen. 31 Kadib ayuu u tagay oo gacanta qabtay isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo waxey iyaga u diyaarisay cunto. 32 Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwii xanuusanaa oo dhan iyo kuwii kale ee ruuxyada wasakhda leh qabay. 33 Dadkii magaalada oo dhan ayaa albaabkii guriga ku soo hor ururay, 34 Ciisana wuxuu bogsiiyay kuwa badan oo cudurro kala duduwan qabay. Dadkana ruuxyo badan oo wasakh leh ayuu ka saaray. Laakiin ruuxyada wasakhda leh wey garanayeen isaga sidaa darteed uma ogolaan iney hadlaan. Ciise oo meel cidla ah ku duceystay 35 Aroornimadii weli inta uusan waagii si fiican u baryin ayuu Ciise intuu kacay ayuu tagay meel cidla ah si uu u soo duceysto. 36 Simoon iyo kuwa la jiray ayaa isaga raadinayay, 37 markey arkeen ayey ku yiraahdeen, “Qof walba ayaa ku raadinaya!” 38 Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Soo baxa aan tagnee tuulooyinka meelahaan ka dhaw, si aan halkaasna uga soo wacdiyo waayo arintaas ayaan u imid.” 39 Kadibna Ciise wuxuu maray Galili oo dhan isaga oo ka wacdinaya sunagogyadooda oo dadkana ka saaraya ruuxyada wasakhda leh. Ciise oo nin baras leh bogsiiyay 40 Nin baras qaba ayaa u yimid Ciise jilbihiisa ayuuna dhulka dhigtay oo baryay isaga oo leh, “Haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.” 41 Markaas ayaa Ciise u naxariistay, intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay wuxuuna ku yiri, “Waan doonayaa ee bogso!” 42 Isla markiiba baraskii ayaa ninka ka baxay wuuna bogsaday. 43 Ciisana wuu diray ninkii isaga oo canaantay oo ku yiri, 44 “Qofna ha u sheegin, bax oo wadaadka is tus oo allabari bixi sidii uu sharciga Muuse kuu amray, si ey iyaga nadiifintaadu marqaatifur ugu noqoto.” 45 Ninkii ayaa wuxuu bilaabay inuu ka hadlo arintaas oo warkiina wuu faafay, sidaa darteed Ciise mar dambe ma uusan gali karin magaalo isaga oo la arkayo, wuxuuna joogay meelaha cidlada ah. Laakiin dadka meel walba ayey uga imaanayeen. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.