Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo laba iyo tobankii diray

1 Maalin ayaa waxaa dhacday Ciise inuu iskugu yeeray laba iyo tobankii xertiisa ahayd, wuxuu siiyay awood iyo xukun ey ku bixiyaan ruuxyada wasakhda leh iyo iney dadka ka bogsiiyaan cuduradooda.

2 Kadibna wuu diray si ey dadka oo dhan ugu wacdiyaan boqortooyada Illaahey oo cuduradoodana uga bogsiiyaan.

3 Wuxuuna ku yiri, “Safarkaan ha u qaadanina ul, boorso, cunto, lacag ama shaar aad iska dheeraad ah.

4 Guri walboo la idin kasoo dhaweeyo halkaas jooga illaa aad magaalada ka tagtaan.

5 Haddii dadka idin soo dhaweyn waayaan, ka taga magaaladooda oo boorka cagahiina ka jafa si ey marqaatifur idin kugu ahaato.”

6 Markaas ayey baxeen oo ey tageen tuulooyinka, iyagoo warka wanaagsan ku wacdinaya oo dadkana bogsiinaya.

7 Haddaba taliye Herodos goortuu maqlay waxa dhacay aad ayuu uga welwelay. Waayo qaar ayaa dhahayeen Yooxanaa wuxuu kasoo sarakacay dhimashada,

8 qaarna waxey dheheen Eliyaas ayaa soo laabtay, kuwa kalana waxey u maleeyeen nebiyadii hore iney nolosha ku soo laabteen.

9 Laakiin Herodos wuxuu dhahay, “Aniga ayaa Yooxanaa madaxa ka gooyay, marka yuu noqon karaa kan aan sheekadiisa maqlayo?” Herodos wuxuu isku dayay inuu qofkaas arko.


Ciise wuxuu cunto siiyay shan kun oo qof

10 Rasuulladii markey soo laabteen, Ciise ayey u sheegeen waxyaalihii ey soo sameeyeen oo dhan. Markaas ayuu iyagii watay oo waxey aadeen magaaladii Beytsayda,

11 laakiin dadkii badnaa ayaa waxey garteen meesha ey u socdeen, weyna raaceen. Ciisana wuu soo dhaweeyay iyagii oo kala hadlay wax ku saabsan boqortooyada Illaah, wuuna bogsiiyay kuwii u baahnaa caafimaad.

12 Duhuradii markii la joogay ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahayd u yimaadeen Ciise oo ey ku yiraahdeen, “Dadkan u kala dir tuulooyinka meelahaan ku dhow ha aadaane oo cunto iyo meel ey jiifsadaan ha raadsadaane, waayo meeshan meel wax laga cuno ma laha.”

13 Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Siiya wax ey cunaan.” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waxaan haynaa shan kibis iyo laba kalluun oo kaliya, inaan tagno oo cunto dadkan oo dhan u soo gadno maahee.”

14 (Waxaa meesha joogay qiyaastii shan kun oo nin.) Laakiin wuxuu xertiisi ku yiri, “U fariisiya kooxo konton konton qof ka kooban.”

15 Xertiina saas ayey sameeyeen oo dadkii wey fariisteen.

16 Ciise intuu shantii kibis iyo labadii kalluun kor u qaaday oo uu cirka fiiriyay, ayuu Illaahey u mahadceliyay wuuna kala googooyay. Kadibna wuxuu siiyay xertii si ey dadka ugu qeybiyaan.

17 Kuligoodna wey cuneen oo dhergeen, xertiina waxey ururiyeen laba iyo toban dambiilood oo buuxdo oo haraagii iyaga kasoo haray ah.


Butros oo qirtay Ciise inuu yahay Masiixa

18 Maalin Ciise goortuu gaar u duceysanayay oo xertiisana ey la joogeen, wuxuu iyaga weydiiyay, “Dadku yey igu sheegaan?”

19 Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa nebi nebiyadii hore ka mid ah oo soo noolaaday.”

20 Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa Illaah.”


Ciise oo sii sheegay dhimashadiisa

21 Ciise ayaa uga digay xertiisi in eysan qofna u sheegin qofka uu yahay.

22 Wuxuu yiri, “Wiilka Aadanahu waa inuu in badan silcaa oo xitaa ey diidaan odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga. Waana la dili doonaa oo maalinta saddexaad ayuu soo sarakici doonaa.”

23 Markaas ayuu iyagoo dhan ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is naftiisa inkiraa oo iskutallaabtiisa maalin walba soo qaataa oona isoo raacaa.

24 Waayo mid walboo noloshiisa badbaadin rabo wuu luminayaa, laakiin mid walboo noloshiisa darteyda u lumiyay wuu badbaadi doonaa.

25 Qof maxey u taraysaa hadduu aduunkoo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo?

26 Mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ku dareemaya, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabihiis iyo tan malaa’igta quduuska ah.

27 “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan boqortooyada Illaah arkin ka hor.”


Isbeddelkii

28 Siddeed maalmood Ciise goortuu waxyaalahan sheegay kadib, wuxuu kaxaystay Butros, Yooxanaa iyo Yacquub oo waxey isla tageen buurta korkeeda si ey u soo duceystaan.

29 Markii uu duceysanayay, wejigiisa ayaa beddelmay, oo dharkiisi waxey noqdeen caddaan.

30 Isla markiiba laba nin ayaa u soo muuqatay, oo kala ahaa Muuse iyo Eliyaas iyagoo Ciise la hadlaan.

31 Waxey ugu muuqdeen ammaan oo ey kala hadleen dhimashadiisa, taas oo Yeruusaalem lagu oofin doono.

32 Butros iyo kuwii kale wey hurdeen, laakiin markey soo kaceen, waxey arkeen ammaantii Ciise iyo laba nin oo la taagan.

33 Nimankii goortay tagi rabeen ayaa Butros ku yiri Ciise, “Sayidow, wey fiicnaan lahayd inaan halkan sii joogno. Haddaba waxaan halkan ku dhisaynaa saddex teendho mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” Laakiin Butros ma garaneynin wuxuu ka hadlayo.

34 Goortuu hadlayay ayaa waxaa soo muuqatay daruur iyaga oo dhan wada qarisay, aad ayey u cabsadeen markey daruurtii galeen.

35 Markaas ayaa cod ka yimid daruurtii oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga, kii aan doortay, dhageysta isaga.”

36 Markii codkii hadlayay uu dhamaaday waxey arkeen Ciise inuu kaligiis yahay. Markaas ayey xertii iska aamuseen oo qofna uma sheegin waxey arkeen.


Ciise wuxuu bogsiiyay wiil ruuxyo wasakh leh qabay

37 Maalintii ku xigtay, markey buurta kasoo daganayeen dad badan ayaa Ciise la kulmay.

38 Nin dadkii badnaa ku jiray ayaa Ciise u wacay oo ku yiri, “Macalinow, fadlan fiiri wiilkeyga, waayo kaligiis ayaan ilmo ka leeyahay.

39 Oo ruuxyo wasakh leh ayaa qabta, wuu qayliyaa, dhulka ayey ku tuuraan oo wiilkuna afka ayuu ka xumbeeyaa. Ruuxan wasakhda lehna kama baxo wiilkan, oo noloshiisa ayey ka haleynayaa.

40 Xertaada ayaan ka baryay iney ruuxa wasakhda leh ka saaraan, laakiin wey awoodi waayeen.”

41 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa oo idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.”

42 Xitaa wiilkii goortuu imaanayay ruuxii wasakhda lahaa dhulka ayuu ku tuuray oo gilgilay. Markaas ayaa Ciise canaantay ruuxii wasakhda lahaa, wiilkii ayuu bogsiiyay oo aabihiis u dhiibay.

43 Iyagoo dhan ayaa ka yaabay weynaantii Illaah. Goortii qof walba uu la yaabanaa wixii uu Ciise sameeyay oo dhan, wuxuu xertiisi ku yiri,


Markii labaad ayuu Ciise dhimashadiisi sii sheegay

44 “Si fiican u dhageysta waxaan idiin sheegi rabo, Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad.”

45 Laakiin iyaga wuxuu ka hadlayay ma eysan fahmin. Waa laga qariyay, si ey waxba uga fahmin, weyna ka cabsadeen iney isaga weydiiyaan.

46 Xertii ayaa dood ka dhex dhacday, oo waxey ka doodayeen yaa noqon doona kan ugu weyn.

47 Laakiin Ciise wuu ogaa fikirkooda, markaas ayuu cunug yar keenay oo is ag istaajiyay.

48 Kadibna wuxuu ku yiri, “Mid walboo cunuggaan magaceyga ku soo dhaweystaa wuu isoo dhaweystay, mid walboo aniga isoo dhaweystana wuxuu soo dhaweystay kii isoo diray. Waayo dhexdiina kan u hooseeya ayaa ugu weyn.”

49 Markaas ayaa Yooxanaa Ciise ku yiri, “Sayidow, waxaan aragnay qof ruuxyo wasakh leh magacaaga ku bixinayay oo waxaan isku daynay inaan jooji ku dhahno, waayo nagama mid ahayn.”

50 Laakiin Ciise wuxuu ku yiri xertii, “Ha u diidina, waayo qofkii aan idin kasoo horjeedin wuu idin la jiraa.”


Kasoo horjeedintii reer Samaariya

51 Goortii waqtigii Ciise samada loo qaadi lahaa la gaaray ayaa wuxuu tagay Yeruusaalem.

52 Wuxuu iska hor diray adeegayaashiisi, kuwaas oo tageen tuulooyinka samaariya si ey wax walba ugu sii diyaariyaan,

53 laakiin dadkii halkaas joogay ma soo dhaweynin isaga waayo wuxuu u socday Yeruusaalem.

54 Markii Yacquub iyo Yooxanaa oo ka mid ahaa xerta arkeen waxa dhacaya ayey Ciise ku yiraahdeen, “Rabbiyow, miyaad dooneysaa inaan amarno dab inuu cirka ka yimaado oo iyaga dhan wada baabi’iyo?”

55 Laakiin Ciise intuu u jeestay ayuu canaantay iyagii.

56 Kadibna isaga iyo xertiisi waxey tageen tuulo kale.


Qiimaha loo bixiyo Ciise raacitaankiisa

57 Intey jidka sii socdeen ayaa nin Ciise ku yiri, “Meel walboo aadid waan kuu raacayaa.”

58 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.”

59 Markaas ayuu Ciise nin kale ku yiri, “Isoo raac.” Laakiin wuxuu ku jawaabay, “Rabbiyow, marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo duugo aabahay.”

60 Ciisana wuxuu ku yiri, “Dhaaf meydadku ha is duugaane, laakiin adigu tag oo soo wacdi boqortooyada Illaah.”

61 Mid kalana wuxuu yiri, “Rabbiyow, waan ku raacayaa, laakiin marka hore iga yeel inaan tago oo aan soo macsalaameeyo reerkeyga.”

62 Ciise wuxuu ku jawaabay, “Ma jiro qof gacantiisa qoddo saaray oo haddana gadaal fiiriyay oo u qalma shaqada boqortooyada Illaah.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan