Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dumarkii Ciise raacay

1 Kadibna Ciise wuxuu bilaabay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex maro, isaga oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah. Laba iyo tobankii xertiisa ahaana wey la socdeen,

2 waxaa kale oo la socday dumar laga soo bogsiiyay ruuxyo xun iyo cudurro. Kuwaasi waxaa ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, tii toddobada ruux ee wasakhda lahaa laga soo saaray,

3 iyo Yo’anna xaaskii Khusas kii guriga Herodos maamulaha ka ahaa, Susanna iyo kuwa kale oo badan. Dumarkan jeebkoodi ayey xerta ka masruufi jireen.

4 Goortii dad badan isku soo urureen oo kuwa kalana Ciise magaalo walba uga yimaadeen, ayaa Ciise u sheegay tusaalahan,

5 “Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto, markii uu beerayay, abuurkii qaar ayaa ku dhacay jidka agtiisa, waana lagu istaagay, oo kuwa kalana shimbirraha hawada ayaa cunay.

6 Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh, waana soo baxeen, laakiin in yar kadib abuurkii wuu qalalay waayo ciiddu ma qoyaneyn.

7 Kuwa kalana waxey ku dhaceen qodaxyo dhexdood markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen.

8 Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, weyna soo baxeen oo mirro ayey dhaleen, boqol mar ka badan intii la abuuray.” Waxyaalahan goortuu yiri kadib, iyagii ayuu u wacay oo ku yiri, “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.”

9 Markaas ayaa xertiisa isaga weydiiyeen, macnaha tusaalahan.

10 Wuu u jawaabay oo ku yiri, “Waxaa la idin siiyay garashada sirta boqortooyada Illaah. Laakiin waxaan tusaale u isticmaalayaa inaan kuwa kale ku baro sida qoraalka loo oofiyo, “ ‘Wey fiiriyaan laakiin wax ma arkaan. Wey dhageystaan laakiin ma maqlaan mana fahmaan.’

11 “Tusaalahaas macnihiisu waa, abuurka waa ereyga Illaah.

12 Abuurkii jidka agtiisa ku dhacay waa kuwa ereyga maqla laakiin ibliisku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa, si eysan u aaminin oo eysan u badbaadin.

13 Kuwii kale ee meesha dhagaxyada leh ku dhacay waa kuwa ereyga si farxad leh ku aqbala markey maqlaan, laakiin iimaankooda oo aan sal adag laheyn dartiis, waqti yar ayey aaminsanaayeen markii jarribaaddi timidna wey laabteen.

14 Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, laakiin sidii ey usii socdaan ayey ku mashquulaan welwelka nolosha, taajirnimada iyo waxyaalaha jirka ka farxiya, iimaankana kuma koraan.

15 Laakiin abuurkii carrada fiican ku dhacay waa kuwa daacada ah oo qalbiga fiican leh, kuwa markey ereyga maqlaan qaata oona haysta, oo dulqaadashadoodana ku dhala mirro.


Tusaalihii feynuusta

16 “Ma jiro qof laambad shida oo dhiga weel hoostiis ama sariirta hoosteeda. Laambada waxaa la saaraa laambad saarka, si iftiinkeeda qof walboo guriga soo galo u arko.

17 Waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, wax walboo daboolanna banaanka ayaa la keeni doona.

18 Sidaas darteed ka fiirsada sida aad wax u maqashaan. Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, laakiin kuwa aan waxba haysaninna xitaa waxey u maleeyaan iney heystaanna waa laga qaadi doonaa.”


Ciise hooyadiis iyo walaalihiis

19 Haddaba waxaa Ciise u yimid hooyadiis iyo walaalihiis si ey isaga u arkaan, laakiin uma soo dhawaan karin waayo dad badan ayaa la joogay.

20 Qof ayaana Ciise ku yiri, “Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa banaanka taagan, waxeyna rabaan iney ku arkaan.”

21 Ciise ayaa ku jawaabay, “Hooyaday iyo walaalahay waa kuwa ereyga Illaah dhageysanaya oo adeecaya.”


Ciise oo duufaan dejiyay

22 Maalin Ciise wuxuu ku yiri xertiisi, “Bal aan dhinaca kale ee harada tagno.” Markaas ayey doonta fuuleen oo dhinaca kale ee harada tagaan.

23 Iyagoo weli sii socda ayuu Ciise seexday. Isla markiiba waxaa warta ku soo dhacay duufaan weyn. Doontiina waxaa ka buuxsamay biyo oo iyagii ayaa khatar weyn galay.

24 Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen, iyagoo leh, “Sayidow, Sayidow, biyahan wey na laqi doonaan!” Ciise markii uu soo kacay, wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii. Isla markii ayaa duufaantii degtay oo wax walbana wey degeen.

25 Markaas ayuu Ciise weydiiyay, “Iimaan malihidiin miyaa?” Xertii ayaa iyagoo isku naxsan oo yaaban is weydiiyay, “Yuu yahay ninkan? Waayo markii uu amarka bixiyo xitaa dabayshii iyo hirarkii wey maqleen!”


Ciise oo bogsiiyay nin ruux wasakh leh qabay

26 Markii ey yimaadeen magaalada Gadareni, taas oo kasoo hor jeeday warta Galili.

27 Ciise goortuu xeebta u soo degayay doontii, nin ruux wasakh leh qabay ayaa u yimid. Ninkaas waqti dheer ayuu ahaa guri la’aan xitaa dhar ma haysanin, wuxuu ku noolaa xabaalaha magaalada ka baxsan.

28 Ninkii markii uu arkay Ciise intuu ooyey ayuu lugihiisa ku dhacay, isaga oo cod dheer ku qaylinaya oo dhahaya, “Maxaad iga rabtaa, Ciisow, Wiilka Illaaha ugu Sareeyow? Waan ku baryayaa ha i ciqaabin!”

29 Laakiin Ciise mar hore ayuu amray ruuxyadii wasakhda lahaa iney ninka kasoo baxaan. Ruuxyadaan wasakhda leh marar badan ninkan wey qaban jireen. Xitaa haddii la ilaaliyo oo silsilado lagu xiro, intuu iska gooyo ayuu cidlada u carari jiray isaga oo ey ruuxyadii wasakhda lahaa kaxeynayaan.

30 Markaas ayuu Ciise weydiiyay isaga, “Magacaa?” Wuxuu ku jawaabay, “Liijon,” waayo ruuxyo wasakh leh oo badan ayaa ku jiray ninka.

31 Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise baryeen oo ku yiraahdeen fadlan ha noo dirin boholaha.

32 Waxaa buurta halkaas u dhaw daaqayay doofaarro badan, markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa ka baryay Ciise inuu u fasaxo oo ey galaan doofaarradii. Ciisana wuu u fasaxay.

33 Ruuxyadii wasakhda lahaana markey kasoo baxeen ninkii waxey galeen doofaarradii, isla markiiba doofaarradii ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayaana laqay.

34 Kuwii doofaarrada daajinayay markey waxyaalihii meesha ka dhacay arkeen ayey waxey orod ku tageen magaalada illaa tuulooyinka iyagoo warkii faafinayay.

35 Dadkii ayaa si dhaqso ah u yimid oo waxey doonayeen iney arkaan wixii dhacay. Markey Ciise u yimaadeen waxey arkeen ninkii ruuxyada wasakhda leh ka baxeen oo Ciise lugihiisa fadhiya, isaga oo caqligiisu fiicanyahay oo dhar fiican qaba, aad ayeyna u cabsadeen.

36 Kuwii arkay wixii dhacay ayaa dadka kale u sheegay, sida ninkii ruuxyada wasakhda leh qabi jiray loo bogsiiyay.

37 Markaas ayaa dadkii magaalada Gadareni oo dhan Ciise ku yiraahdeen fadlan na dhaaf, waayo iyagoo dhan ayey cabsi ka buuxday. Ciisana intuu doontii fuulay ayuu tagay oo dhinaca kale u laabtay.

38 Ninkii ruuxyada wasakhda leh laga saaray ayaa wuxuu Ciise ka baryay inuu raaco. Laakiin Ciise wuu ka diiday oo gurigiisi ayuu u diray isaga oo leh,

39 “Maya, reerkaaga u laabo oo u sheeg wixii Illaahey kuu sameeyay oo dhan.” Markaas ayuu ninkii tagay oo magaalada oo dhan dhex maray isaga oo ku wacdinaya waxyaalaha fiican ee Ciise u sameeyay.


Ciise oo bogsiiyay naag xanuusan sarakiciyayna gabar dhimatay

40 Haddaba Ciise goortuu ku soo laabtay dhinaca kale ee warta, dad badan ayaa soo dhaweeyay waayo wey sugayeen.

41 Markaas ayaa waxaa yimid nin la yiraahdo Yayros kaasoo hogaamiye ka ahaa sunagoggii meelahaas ku yaalay, Ciise ayuu lugahiisi ku dhacay wuxuuna ka baryayay inuu gurigiisa la tago.

42 Waayo gabar uu kaligeed ilmo ka lahaa oo laba iyo toban jir ah ayaa sakaraad ahayd. Ciise goortii uu la baxayay ninkii, dad badan ayaa kusoo ag ururay.

43 Dadkii badnaa dhexdooda waxaa ku jiray haweeyney laba iyo toban sano dhiig ka socday oo weligeedna aan helin karin qof daweeya.

44 Markaas ayey Ciise gadaashiisa ka timid si tartiib ahna maradiisa darafteeda u taabatay, isla markiina dhiiggii ka socday wuu joogsaday.

45 Markaas ayaa Ciise wuxuu yiri, “Yaa i taabtay?” Kuligood markey wada jawaabi waayeen, Butros wuxuu Ciise ku yiri, “Sayidow dadka meeshan wey ku badan yihiin, oo wey iscariirinayaan.”

46 Laakiin Ciise ayaa yiri, “Qof ayaa i taabtay, waayo waxaan dareemay in xoogga wax lagu bogsiiyo iga baxay.”

47 Kadib naagtii ayaa aragtay in la ogaan doono, markaas ayey dadkii kasoo dhex baxday oo cagihii Ciise ku dhacday, una sheegtay waxey isaga u taabatay iyo sidii ey isla markii u bogsatay.

48 Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay ee nabad ku tag.”

49 Ciise oo weli hadlaya ayaa qof ka yimid gurigii Yayros kaasoo hogaamiyaha sunagogga ahaa, oo wuxuu ku yiri, “Gabadhaadi wey dhimatay, ee ha dhibin macalinka.”

50 Laakiin Ciise markii uu arintaas maqlay ayuu ku yiri Yayros, “Ha cabsan ee iimaan lahaw, weyna bogsan doontaa.”

51 Markii uu guriga Yayros yimid, qofna uma ogolaan inuu guriga la galo, waxaanan ka ahayn Butros, Yooxanaa, Yacquub iyo cunugta aabeheed iyo hooyadeed.

52 Markaasna dadka meesha joogay oo dhan wey ooynayeen oo wada barooranayeen, Ciise wuxuu dadkii ku yiri, “Ha ooyina, waayo gabadhu ma dhimanin ee wey jiiftaa.”

53 Laakiin wey ku qosleen hadalkiisi waayo wey ogaayeen gabadha iney dhimatay.

54 Markaas ayaa Ciise gabadhii intuu gacanta qabtay ayuu ku yiri, “Cunugteydiyey kac!”

55 Isla markii ayey ruuxdeedi ku soo laabatay oo wey soo kacday. Kadibna wuxuu iyaga ku yiri siiya wax ey cunto.

56 Waalidkeed aad ayey ula yaabeen waxa dhacay, laakiin Ciise wuxuu iyaga ku amray ineysan qofna u sheegin waxa dhacay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan