Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise ayaa cidlada lagu jarribay

1 Ciise isaga oo uu Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu ka tagay webiga Urdun, oo Ruuxii ayaa u hogaamiyay cidlada.

2 Meeshaas oo afartan maalmood ibliisku ku jarribay. Waqtigaas Ciise waxba ma uusan cunin sidaa darteed aad ayuu u gaajeysnaa.

3 Markaas ayaa ibliiskii Ciise ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dagaxaan kibis noqo.”

4 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin.’ ”

5 Ibliiskii ayaa haddana ku hogaamiyay meel dheer oo waqti yar gudaheeda ayuu ku tusay boqortooyada aduunka oo dhan.

6 Markaas ayuu ibliiskii Ciise ku yiri, “Waxaan ku siin doonaa ammaanta boqortooyadaan iyo amar oo dhan, waayo aniga ayaa la i siiyay, qof walboo aan rabo ayaan siin karaa.

7 Haddaba haddaad i caabudo waxan oo dhan adiga ayaa lahaan doona.”

8 Isla markii ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”

9 Markaas ayaa haddana ibliiskii ku hogaamiyay Yeruusaalem wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka, wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur.

10 Waayo wey qoran tahay, “ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa si ey kuu daryeelaan,

11 gacmahooda ayey kugu qaban doonaan si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ”

12 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qoraalku wuxuu leeyahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”

13 Ibliiskii markii uu jarribaadii dhameeyay wuu ka tagay Ciise illaa iyo mar kale oo uu fursad ku heli doono.


Ciise oo Naasared laga diiday

14 Ciise isaga oo xoogga Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayuu Galili ku soo laabtay, warka isaga ku saabsan ayaa meel walba ku faafay.

15 Isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya, qof walboo baritaankiisi maqlayna wuu ammaanay.

16 Ciise wuxuu tagay Naasared meeshii uu ku soo korey, maalintii Sabtida wuxuu tagay sunagogga sida caadadiisu ahayd. Wuu kacay oo qoraalka akhriyay,

17 oo waxaa loo dhiibay kitaabkii nebi Isayos, markii uu furay ayuu wuxuu helay meel ey ku qoran tahay,

18 “Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, waayo wuxuu ii doortay inaan warka wanaagsan gaarsiiyo masaakiinta. Wuxuu ii soo diray inaan gaarsiiyo xornimada kuwa xiran iyo kuwa indhaha la’ aragoodi in loo soo celiyo oo kuwa la dulmiyeyna la furto,

19 waa inaan u sheego sannadkan waa sanadka Rabbigu uu dadkiisa badbaadin doono.”

20 Kadibna intuu kitaabkii duuduubay ayuu u dhiibay qofkii meesha ka adeegayay, wuuna fariistay. Qof walboo sunagogga joogay ayaa indhaha ku taagay Ciise.

21 Markaas ayuu ku yiri, “Maanta qorniinkaan dhegahiina maqlaya ayuu ku rumoobay.”

22 Kuligood hadala fiican ayey ka sheegeen, weyna la yaabeen hadallada nimcada leh ee afkiisa kasoo baxayay. Markaas ayey is weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn wiilkii Yuusuf?”

23 Markaas ayaa Ciise iyaga ku yiri, “Xaqiiqdii waxaad i weydiin doontaan maahmaahdan, ‘Dhakhtarow marka hore is bogsii!’ Waxaana kale oo i dhihi doontaan, ‘Magaaladaadi ku samee wixii aan maqalnay ee aad ku sameysay Kafarna’um.’ ”

24 Ciise hadalkii ayuu sii waday oo yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, nebi magaaladiisa laga aqbalayo ma jiro.

25 Laakiin runtii waxaan idin ku leeyahay, waqtigii Eliyaas waxaa Israa’iil ka jiray carmallo badan. Cirkana roob kama di’in muddo saddex sano iyo bar ah, waxaa dhulka oo dhan ka dhacay abaar weyn.

26 Laakiin Eliyaas midkoodna looma dirin, waxaa loo diray carmalad joogtay magaalada Sarefta ee dalka Siidoon.

27 Waqtigii nebi Eliishana waxaa Israa’iil ka jiray dad badan oo baras leh, laakiin midkoodna lama nadiifinin Nacamaan oo reer Suuriya ahaa maahee.”

28 Dadkii sunagogga ku jiray markey arintan maqleen ayey ka xanaaqeen.

29 Intey kaceen ayey magaalada ka saareen, oo geeyeen illaa buurtii ey magaalada ku kor dhisneyd si ey qarkeeda uga tuuraan.

30 Laakiin Ciise intuu dhexdooda maray ayuu iska tagay.


Ciise wuxuu bixiyay ruux wasakh leh

31 Ciise wuxuu tagay kafarna’um magaalo Galili ku taalo, oo maalintii Sabtida ayuu dadka wax barayay.

32 Wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay waayo wuxuu ku hadlayay hadallo awood leh.

33 Sunagogga waxaa joogay nin ruux wasakh leh qaba wuxuu ku qayliyay cod dheer oo yiri,

34 “Naga tag, maxaad naga rabtaa Ciisihii reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabi’iso? Waan garanayaa qofka aad tahay, waxaad tahay kan Quduuska ah oo xagga Illaah ka yimid!”

35 Ciise ayaa canaantay oo ku yiri, “Aamus! Kasoo bax!” Markaas ayaa ruuxii wasakhda lahaa ninkii dhulka ku tuuray dadka oo dhan hortooda wuuna kasoo baxay isaga oo aan nabar xitaa u geysanin.

36 Markaas ayaa dadkii oo dhan la yaabeen oo ey is weydiiyeen, “Maxey tahay hadalladan amarka iyo xoogga leh oo xitaa ruuxyada wasakhda leh ayuu amray oo wey soo baxeen!”

37 Isla markiiba warka isaga ku saabsan ayaa ku faafay meel walba.


Ciise dad badan ayuu bogsiiyay

38 Ciise wuxuu ka tagay sunagogga oo wuxuu aaday gurigii Simoon. Haddaba Simoon sodohdiis ayey qandha la jiiftay, markaas ayey Ciise ka baryeen inuu caawiyo iyada.

39 Markaas ayuu ku soo foorarsaday oo canaantay qandhadii, isla markiina qandhadii wey deysay. Weyna kacday oo u adeegtay iyagii.

40 Qoraxdi markey dhacday, dadkii ayaa Ciise u keenay kuwo cudurro kala duduwan qaba markii uu qof walba gacmahiisa saareyna wuu wada bogsiiyay.

41 Badi waxey qabeen ruuxyo wasakh leh oo amarkiisa ayey kaga soo baxeen, iyagoo leh, “Waxaad tahay Wiilkii Illaah.” Markaas ayuu canaantay oo u diiday iney hadlaan, waayo wey garanayeen inuu yahay Masiixa.

42 Subaxdii ku xigtay ayaa Ciise tagay meel cidla ah, dadkii ayaa isaga raadinayay markey yimaadeen meeshii uu joogay waxey u diideen inuu iyaga ka tago.

43 Laakiin Ciise wuxuu ku yiri, “Waa inaan magaalooyinka kalana ka wacdiyaa warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, waayo arintaas ayaa la ii soo diray.”

44 Wuuna kasii wacdinayay sunagogyadii Yahuudiya.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan