Luukos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubYooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya 1 Shan iyo tobankii sano ee Tiberiyas Kaysar xukumayay, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos uu ahaa taliyaha Galili. Walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo Tarakhoonitis. Lusaniyasna wuxuu taliye u ahaa Abilene. 2 Waqtigii Annas iyo Kayafas ahaayeen wadaaddadii sare, ereyga Illaah ayaa u yimid Yooxanaa ina Sakariyas isaga oo cidlada jooga. 3 Wuxuuna tagay magaalo walboo Urdun agagaarkeeda ah, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. 4 Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos, “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya, oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya. 5 Dooxo walba waa la buuxin doonaa, buuraha dhaadheer iyo kuwa gaabanba waa la simi doonaa. Jidka qoloocanna waa la toosin doonaa, jidka xunna waa la sameyn doonaa. 6 Qof walba wuxuu arki doonaa badbaadinta Illaah.’ ” 7 Dad badan ayaa ugu yimaadeen Yooxanaa in la baabtiiso markaas ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? 8 Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim ka kicin karaa. 9 Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa.” 10 Markaas ayaa dadkii weydiiyeen Yooxanaa, “Haddaba maxaan sameynaa?” 11 Markaas ayaa Yooxanaa ugu jawaabay, “Qof walboo laba shaar leh waa inuu la wadaagaa qofka aan heysan, qof walboo cunto haystana waa inuu sidoo kale sameeyaa.” 12 Xitaa canshuur qaadayaasha ayaa yimaadeen oo waxey doonayeen in la baabtiiso. Waxey Yooxanaa ku yiraahdeen, “Macalinow, maxaan samaynaa?” 13 Markaas ayuu ku yiri, “Ha ururinina in ka badan inta la idin ka rabo.” 14 Markaas ayaa askartuna weydiiyeen, “Anagana maxaan sameynaa?” Isaguna wuxuu ugu jawaabay, “Dadka qasab lacag ha uga qaadina, war been ahna ha ka sheegina, ku ekaada mushaharkiina.” 15 Dadku waxey sugayeen oo qalbiga ka filanayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixa. 16 Markaas ayaa Yooxanaa iyagoo dhan u jawaabay oo ku yiri, “Anigu waxaan idin ku baabtiisaa biyo. Laakiin mid iga awood weyn ayaa imaan doona, kan aanan anigu istaahilin suumanka kabahiisa inaan furo. Isagu wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 17 Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, oo sarreenta ayuu maqsinka ku uruurin doonaa, buunshadana wuxuu ku gubi doonaa dab aan weligiis dhamaanayn.” 18 Yooxanaa digniin tan iyo kuwa kale oo badan ayuu isticmaalay markii uu wacdinayay injiilka. 19 Laakiin markii Yooxanaa uu canaantay Herodos, Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos oo uu guursaday darteed, iyo waxyaala kale ee xun oo uu sameeyay, 20 sidaa darteed Herodos Yooxanaa xabsi ayuu geliyay, isagoo raacinaya dembigan kuwiisi hore ee badnaa. Baabtiiskii Ciise iyo abtirsiimadiisa 21 Maalin markii dad badan la baabtiisayay, Ciisana waa la baabtiisay. Goortuu duceysanayay samada ayaa furantay, 22 oo Ruuxa Quduuska ah ayaa ku soo kor dagay jir ahaan sida qoolley. Markaas ayaa cod samada ka imaaday isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.” 23 Markii uu Ciise jiray qiyaastii soddon sano, ayuu bilaabayay shaqada Rabbiga. Ciise waxaa loo yaqaanay inuu yahay ina Yuusuf. Yuusuf ina Heli, 24 Helina ina Matad. Matadna ina Laawi. Laawina ina Melki. Melkina ina Yanna. Yannana ina Yuusuf. 25 Yuusufna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Caamoos. Caamoosna ina Na’uum. Na’uumna ina Elsi. Elsina ina Naggay. 26 Naggayna ina Ma’ad. Ma’adna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Semey. Semeyna ina Yooseek. Yooseekna ina Yooda. 27 Yoodana ina Yooxanaan. Yooxanana ina Reesa. Reesana ina Serubaabel. Serubabeelna ina Salaatii’eel. Salaatii’eelna ina Neeri. 28 Neerina ina Melki. Melkina ina Addi. Addina ina Koosam. Koosamna ina Elmoodam. Elmoodamna ina Ceer. 29 Ceerna ina Yooses. Yoosesna ina Eliicesar. Eliiceserna ina Yoorim. Yoorimna ina Matad. Matadna ina Laawi. 30 Laawina ina Simecoon. Simecoonna ina Yuuda. Yuudana ina Yuusuf. Yuusufna ina Yoonam. Yoonamna ina Eliyaqiim. 31 Eliyaqiimna ina Mele’as. Mele’asna ina Menna. Mennana ina Matata. Matatana ina Naataan. Naataanna ina Daa’uud. 32 Daa’uudna ina Yesay. Yesayna ina Coobeed. Coobeedna ina Bocas. Bocasna ina Salmoon. Salmoonna ina Naasoon. 33 Naasoonna ina Caminadaab. Caminadaabna ina Araam. Araamna ina Esroom. Esroomna ina Feres, Feresna ina Yahuudah. 34 Yahuudahna ina Yacquub. Yacquubna ina Isxaaq. Isxaaqna ina Ibraahim. Ibraahimna ina Tara. Tarana ina Naakoor. 35 Nakoorna ina Seruukh. Seruukhna ina Ragaw. Ragawna ina Faleg. Felegna ina Xeber. Xeberna ina Salah. 36 Salahna ina Qaynaan. Qaynaanna ina Arfaksad. Arfaksadna ina Sheem. Sheemna ina Nuux. Nuuxna ina Lameg. 37 Lamegna ina Metushelax. Metushelaxna ina Enoog. Enoogna ina Yaared. Yaaredna ina Mahalaleel. Mahalaleelna ina Qaynaan. 38 Qaynaanna ina Enoos. Enoosna ina Seed. Seedna ina Aadan. Aadanna ina Illaah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.