Luukos 23 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo la horkeenay Bilaatos 1 Kadib dadkii meesha iskugu yimid ayaa kacay oo Ciise u kaxeeyay Bilaatos xaggiisa. 2 Waxeyna bilaabeen iney eed korka ka saaraan, iyagoo dhahaya, “Waxaan soo qabanay ninkan rabshada ka dhex wada dadkeena. Wuxuu diiday in canshuur la siiyo Kaysar wuxuuna sheegtay inuu yahay Masiixa, kan boqorka ah.” 3 Kadib Bilaatos ayaa Ciise weydiiyay, “Oo adigu ma boqorka Yuhuudda ayaad tahay?” Ciise ayaa jawaabay oo yiri, “Adiga ayaa sidaas yiri.” 4 Intaas kadib Bilaatos ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo dadkii ku yiri, “Ma hayo wax cadayn ah oo aan ninkan ku xukumo.” 5 Laakiin waxey ku soo celceliyeen, “Dadka Yahuudiya jooga oo dhan ayuu ku duufsanayaa waxbaridiisa. Wuxuu kasoo bilaabay Galili waana kan halkan yimid.” 6 Bilaatos markii uu intaas maqlay ayuu weydiiyay ninku inuu yahay reer Galili. 7 Markii uu ogaaday Ciise inuu kasoo jeedo meesha uu Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kaasoo waqtigaas joogay Yeruusaalem. 8 Herodos markii uu Ciise arkay aad ayuu ugu farxay, sababtoo ah muddo dheer ayuu rajeynayay inuu arko. Waxyaalaha uu ka maqlay awgeed, wuxuu rabay inuu mucjiso hortiisa ku sameeyo. 9 Wuxuu weydiiyay su’aalo badan, laakiin Ciise wax jawaab ah ma siinin. 10 Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse ee halkaas joogay ayaa si kulul usii eedeeyay Ciise. 11 Kadib Herodos iyo askartiisi ayaa ceebeeyay oo bahdilay Ciise. Intey dhar wanaagsan oo u eg midka boqorku xirto u geliyeen ayey dib ugu celiyeen Bilaatos. 12 Maalintaas Herodos iyo Bilaatos ayaa saaxiibay. Oo xiligaas ka hor waxey isku ahaayeen cadow. 13 Bilaatos ayaa iskugu yeeray gudoomiyayaashii wadaaddada, hogaamiyayaashii iyo dadkii, 14 wuxuuna ku yiri, “Ninkan waxaad iigu keenteen inuu yahay midka dadka wadada ka luminayo. Hortiina ayaan ku wareystay wax dembi ah oo aad kusoo dacwooteenna kuma helin. 15 Herodosna sidoo kale, oo waa isaga dib noogu soo celiyay, sida aad aragtaan, ma uusan sameynin wax uu dhimasho ku mutaysto. 16 Sidaa darteed waan ciqaabayaa kadibna waan sii deynayaa.” [ 17 Marka lagu guda jiro dabaaldaga Kormaridda Bilaatos wuxuu usii dayn jiray hal maxbuus.] 18 Laakiin dadkii oo dhan ayaa ku qayliyay, “Dil ninkan! Oo noosoo daa Baraabbas!” 19 (Baraabbas waxaa lagu xiray qalad uu ka galay dowladda, iyo dil uu geystay.) 20 Bilaatos isaga oo raba inuu Ciise sii daayo, ayuu dadkii mar kale la hadlay. 21 Laakiin waxey ku qaylinayeen, “Ku qodob iskutallaabta, ku dil iskutallaabta!” 22 Markii saddexaad ayuu ku yiri, “Oo sabab? Waa maxey dembiga uu ninkan galay? Wax qalad ah oo uu dhimasho ku mutaysto kuma helin. Sidaa darteed waan ciqaabayaa kadibna waan sii deynayaa.” 23 Laakiin qaylo dheer iyagoo ku amraya ayey ugu soo celceliyeen waa in iskutallaabta lagu qodbaa. 24 Markaas ayuu Bilaatos go’aansaday inuu ku raaco amarkooda. 25 Wuxuu sii daayay ninkii xabsiga loogu tuuray kacdoonka iyo dilka, midka ey ka codsadeen, Ciisena ugu gacan galiyay sidii ey rabeen. Dhimashadii Ciise uu ku dhintay Iskutallaabta 26 Askartii markey Ciise usii wadeen meeshii lagu dili lahaa, waxey qabteen nin la yiraahdo Simoon oo kasoo jeeda magaalada Sayriin, kaasoo usii socday Yeruusaalem, intey iskutallaabta korka ka saareen ayey dhaheen Ciise daba soco. 27 Dad fara badan ayaa soo raacay Ciise, xitaa dumar iyagoo dartiis u qiiroonaya oo u barooranaya. 28 Ciise ayaa intuu soo jeestay ku yiri, “Gabdhihii Yeruusaalemow, ha ii ooyina aniga naftiina iyo caruurtiina u ooya. 29 Waxaa dhici doonta waqti aad oran doontaan, ‘Waxaa barakeysan haweeneyda aanan ilmo lahayn, minkii aanan weligiis wax qaadin iyo naasihii aanan weligood wax nuujinin!’ 30 Kadib “ ‘Waxey buuraha ku dhihi doonaan, “Nagu soo dul dhaca!” Waxey sidoo kale ku dhihi doonaan buuraha yar yar, “Na qariya!” ’ 31 Oo haddii ey dadka sidan sameeyaan intuu geedka cagaaranyahay, maxaa dhici doona markii uu qalalo?” 32 Laba nin oo kale, oo labadoodaba dembiilayaal ah, ayaa lala xiray si loola dilo. 33 Markey yimaadeen meel la yiraahdo Lafta Madaxa oo ey romaaniyiintii dadka ku dili jireen, waxey halkaas Ciise iskutallaabta kula qodbeen dembiilayaashii, mid ayaa midigta ka xigay kan kalana bidixda. 34 Ciise ayaana yiri, “Aabow cafi iyaga, sababtoo ah ma garanayaan waxey sameynayaan.” Kadibna waxey qori tuur u sameeyeen iney dharkiisi kala qeybsadaan. 35 Dadkii ayaa u istaagay si ey u fiirsadaan hogaamiyayaashiina wey ku jeesjeesayeen. Iyagoo dhahaya, “Wuxuu badbaadiyay dad kale, ee dhaafa naftiisa ha badbaadiyo haddii uu yahay Masiixa Illaah, Midkii la Doortay.” 36 Askartii ayaa sidoo kale bilaabeen iney bahdilaan waxey siiyeen khamri dhanaan, 37 waxeyna ku yiraahdeen, “Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda is badbaadi.” 38 Waxey meel madaxiisa ka sareysa ku qoreen, Kani waa Boqorka Yuhuudda. 39 Mid ka mid ah labadii dembiile ee isaga la qodbanaa ayaa caayay isaga oo ku dhahaya, “Miyaadan ahayn Masiixa? Is badbaadi oo anagana na badbaadi!” 40 Laakiin dembiilihii kale ayaa canaantay oo ku yiri, “Miyaadan Illaahey ka cabsaneyn, ileen isku xukun ayaad tihiine? 41 Anagu si xaq ah ayaa naloo ciqaabay waayo waxaanu helnay ciqaabta u qalanta qaladkii aan galnay. Laakiin ninkan wax dembi ah ma sameynin.” 42 Intaas kadib ayuu yiri, “Ciisow, isoo xasuuso markaad gashid boqortooyadaada.” 43 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Run ahaantii waxaan kugu leeyahay, maantay jannada ayaad ila joogi doontaa.” Dhimashadii Ciise 44 Xiligu wuxuu ku dhawaa duhur, mugdi ayaa qariyay dhulkoo dhan illaa saddexdii duhurnimo, 45 qoraxdii ayaa madoobaatay. Daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay. 46 Ciise ayaa cod dheer ku dhawaaqay oo yiri, “Aabow, adiga ayaan ruuxdeyda kuu dhiibay.” Markii uu saas yiri, ayey nafta ka baxday. 47 Boqol u taliyihii ayaa markii uu arkay waxa dhacay, Illaahey ammaanay oo yiri, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa nin xaq ah.” 48 Markey dadkii meesha iskugu yimid arkeen waxa dhacay, intay ka murugoodeen ayey meeshii ka tageen. 49 Laakiin dhamaan intii isaga taqaanay, xitaa dumarkii kasoo raacay Galili, meel fog ayey istaageen oo ey ka fiirsanayeen waxyaalahaas. Aasitaankii Ciise 50 Waxaa jiray nin la yiraahdo Yuusuf, kaasoo ka mid ahaa gudiga gudoomiyayaasha, oo sidoo kale ahaa nin wanaag badan oo xaq ah, 51 mana uusan ahayn mid ku raacsan go’aankooda iyo ficilkoodaba. Wuxuu ka yimid Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, isaguna wuxuu sugayay boqortooyada Illaah. 52 Wuxuu u tagay Bilaatos oo weydiistay jirka Ciise. 53 Kadib intuu soo dajiyay, oo uu maro fiican ku duubay ayuu galiyay xabaal aanan weli qof la galinin, dhagax ayuuna ku daboolay. 54 Waxey ahayd maalintii cunto diyaarinta, oo ey Sabti soo galaysay. 55 Dumarkii Ciise Galili kala yimid ayaa Yuusuf soo raacay waxeyna arkeen qabriga iyo sida jirka Ciise loo dhex dhigay. 56 Kadib guriga ayey tageen oo waxey u diyaariyeen dhir udgoon iyo cadar. Laakiin wey nasteen maalintii Sabtida ahayd iyagoo adeecaya amarrada. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.