Luukos 22 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubYuudas oo khiyaanay Ciise 1 Haddaba waxaa soo dhawaatay Dabaaldagii Kimista aan Khamiirka lahayn oo la oran jiray Iidda Kormaridda. 2 Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muusana waxey raadinayeen qaab ey Ciise ku dilaan, waayo waxey ka cabsanayeen dadka. 3 Markaas ayuu Shaydaanku galay Yuudas, kaasoo lagu magacaabi jiray Iskariyod, wuxuuna ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise. 4 Markaas ayuu u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada iyo madaxdii askarta macbadka si uu u soo gacangeliyo Ciise. 5 Aad ayey arintan ugu farxeen waxeyna kula heshiiyeen iney xoogaa lacaga siiyaan. 6 Wuuna ogolaaday, wuxuuna bilaabay inuu raadiyo fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo mar eysan dad badan joogin. Cashadii ugu dambeysay 7 Waxaa la gaaray maalintii Dabaaldega Kimista aan Khamiirka lahayn taas oo ey tahay in la qalo wanka Kormaridda. 8 Markaas ayuu Ciise ku yiri Butros iyo Yooxanaa, “Taga oo noo diyaariya cashada Dabaaldega Iidda Kormaridda.” 9 Markaas ayey weydiiyeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan ku diyaarino?” 10 Wuxuu ku yiri, “Markaad gashaan magaalada, waxaad la kulmi doontaan nin ashuun biyo ah wada. U raaca guriga uu u socdo, 11 kuna dhaha ninka guriga leh, ‘Macalinku wuxuu kugu yiri, waa xaggee qolka martida, meesha aan kula cunayo xerteyda cashada Iidda Kormaridda?’ 12 Wuxuu idin tusi doonaa qol weyn oo qeybta sare ah oo goglan. Halkaas cashada noogu diyaariya.” 13 Markaas ayey Butros iyo Yooxanaa tageen oo wixii Ciise ku yiri ayey la kulmeen. Sidaa darteed waxey diyaariyeen cashada Iiddii kormaridda. 14 Markii waqtigii cashada la gaaray, Ciise wuxuu la fariistay rasuulladii. 15 Wuxuuna ku yiri, “Waxaan aad u rabay inaan idin la cuno cashadan Dabaaldega Iidda Kormaridda inta aanan lay silcin ka hor. 16 Waxaan idin ku leeyahay in aanan idin la cuni doonin cashada Kormaridda mar kale illaa laga oofiyo boqortooyada Illaah.” 17 Kadibna koobkuu kor u qaaday, Illaahey ayuuna u mahadceliyay isaga oo leh, “Koobkan qaata oo wada caba. 18 Waayo waxaan idin ku leeyahay, mar dambe ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa ey boqortooyada Illaah ka timaado.” 19 Wuxuu kaloo kor u qaaday kibis, Illaahey ayuu u mahadceliyay wuuna kala gooyay, iyagii ayuuna siiyay isaga oo leh, “kibistan waa jirkeygi oo la idiin bixiyay. Sidan sameeya si aad iigu xasuusataan.” 20 Sidaas si la mid ah, cashada kadib wuxuu qaaday koobkii isaga oo leh, “Kani waa axdiga cusub ee dhiigeyga kaasoo la idiin daadshay. 21 Laakiin kan i gacan galin doona miiskuu ila fadhiyaa! 22 Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto sidii uu Illaahey qorsheeyay. Laakiin waa u hoog kan gacan galinaya!” 23 Markaas ayey xertii dhexdooda is weydiiyeen yaa waxan oo kale sameyn kara. 24 Waxey kaloo ku doodayeen keebaa dhexdooda ugu weyn. 25 Kadibna Ciise ayaa ku yiri, “Boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn dadkooda ayey xoog ugu taliyaan, kuwa awoodda isticmaalana waxey isku sheegaan iney dadka asxaan u sameeyaan. 26 Laakiin idinku ma aha inaad sidaas noqotaan. Balse kan dhexdiina ugu weyn waa inuu noqdaa kan ugu yar, kan madaxda idiin ahna waa inuu noqdaa sida kan adeega. 27 Haddaba keebaa weyn, kan miiska fadhiya mise kan u adeegaya? Miyuusan weynayn kan loo adeegayo? Laakiin waxaan dhexdiina ka ahaa sida midka adeega. 28 Waxaad tihiin kuwo ila joogay waqtiyadii dhibtaydoo dhan. 29 Sidaa darteed waxaan idin siinayaa awood aad ku xukuntaan boqortooyada, siduu Aabahay ii siiyay oo kale, 30 si aad miiska boqortooyadeyda igula fariisataan, cabtaan, cuntaan oo carshiyada ku fariisataan si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.” 31 Kadibna Ciise wuxuu la hadlay Simoon oo ku yiri, “Simoonow, Simoonow, Shaydaanku wuxuu weydiistay inuu idin shaandheeyo dhamaantiin sida sarreenka. 32 Laakiin Simoonow, waxaan Illaahey kaaga baryay in uusan iimaankaagu daciifin. Ee markaad toobadkeento, dhiirigeli walaalahaa.” 33 Laakiin Simoon ayaa ku jawaabay, “Sayidow, waxaan diyaar u ahay inaan xabsi kula galo oo kula dhinto.” 34 Kadibna Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan kugu leeyahay, Butrosow, maanta inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa inaad itaqaan saddex jeer.” 35 Kadibna Ciise ayaa weydiiyay xertii, “Markaan idin diray lacag la’aan, boorso la’aan iyo kabo aad ku badalataan la’aantood, miyaad wax weydeen?” Waxey ku jawaabeen, “Maya.” 36 Markaas ayuu ku yiri, “Laakiin hadda, haddaad haysato lacag qaado, haddaad haysato boorso qaado, qofkii aan lahayn seefna ha iibiyo dharkiisa qaar ka mid ah seef haku gato. 37 Waayo waxaa kitaabka ku qoran ‘Waxaa isaga lagu daray kuwa sharci laawayaasha’ waxaan idin leeyahay waxa nebiyadu iga qoreen waa in layga dhabeeyo, maxaa yeelay waxaa la gaaray waqtigii laga dhabayn lahaa wixii layga qoray.” 38 Xertii ayaa Ciise ku yiraahdeen, “Fiiri Sayidow, waxeynu haysanaa laba seefood.” Wuxuu ugu jawaabay, “Bas naga dhaha hadalkan!” Ciise wuxuu ku duceystay Buur Saytuun 39 Ciise sidii caadada u ahayd wuxuu aaday Buur Saytuun, xertiisina wey raaceen. 40 Markey meeshii gaareen ayuu xertiisi ku yiri, “Duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin.” 41 Kadibna xoogaa ayuu ka fogaaday xertii, jilbaha ayuuna dhulka dhigay oo duceystay isaga oo leh, 42 “Aabow, hadday doonistaada tahay, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin yeysan doonisteyda noqon, ee doonistaada ha ahaato.” 43 Markaas ayaa malag samada kaga muuqday si uu u xoogeeyo. 44 Laakiin Ciise wuxuu ku jiray xaalad aad u adag, wuxuuna usii duceystay si aad ah, dhididkiisuna wuxuu dhulka ugu dhacayay sidii dhibco dhiigga oo kale. 45 Markii uu ducadii dhameystay oo uu xertiisi ku laabtay, wuxuu u yimid iyagoo murugo darteed la hurda. 46 Wuxuuna weydiiyay, “Maxaad la hurudaan? Kaca oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin.” Qabashadii Ciise 47 Intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid dad badan, waxaana hogaaminayay Yuudas, mid ka mid ah laba iyo tobankii xerta ahaa. Wuxuu u soo dhawaaday Ciise oona dhunkaday. 48 Laakiin Ciise ayaa weydiiyay, “Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacan galineysaa dhunkasho?” 49 Markey xertii Ciise arkeen waxa dhici raba, waxey yiraahdeen, “Sayidow, ma ku weerarnaa dadkan seefaheena?” 50 Markaas ayaa mid ka mid ah xertii ku dhuftay seef adoonkii wadaadka sare, wuxuuna ka gooyay dhagta midig. 51 Laakiin Ciise ayaa ku jawaabay, “Joojiya waxan aad sameyneysaan!” Wuxuuna taabtay dhagtii adoonka wuuna bogsiiyay. 52 Kadibna Ciise ayaa ku yiri gudoomiyayaashii wadaaddada, madaxdii askarta macbadka iyo odayaashii, kuwaas oo u yimid iney qabtaan isaga, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? 53 Maalin walba waxaan idin la joogay macbadka, waxna iguma eydan sameynin. Laakiin tani waa fursadiini, markey awoodda Shaydaanku wax xukumeyso.” Butros oo Ciise dafiray 54 Kadib Ciise waa la qabtay waxaana loo kaxeeyay gurigii wadaadka sare. Butrosna meel fog ayuu kasoo daba socday. 55 Markey soo gaareen gurigii wadaadka sare, askartii waxey deyrka ka shideen dab ey isku kululeeyaan, geesaha ayeyna ka fariisteen Butrosna wuu la fariistay. 56 Gabar shaqaale ah ayaa ku garatay Butros iftiinkii dabka. Markey si aad ah u fiirisay ayey tiri, “Ninkan Ciise ayuu la joogi jiray.” 57 Laakiin Butros wuu dafiray, oo yiri, “Gabaryahay, anigu maba garanayo isaga.” 58 Muddo yar kadib qof kale ayaa arkay oo yiri, “Adiguna waxaad ka mid tahay xertiisa.” Butros ayaa ku jawaabay, “Nin yahow, kama mid ihi xertiisa!” 59 Muddo hal saac kadib ah nin kale ayaa ku cadeeyay oo yiri, “Run ahaantii ninkan Ciise ayuu la jiray, maxaa yeelay waa reer Galili.” 60 Haddana Butros ayaa ku jawaabay, “Nin yahow, ma garanayo waxaad ka hadleyso!” Intuu weli hadlayay, diiqii ayaa ciyay. 61 Kadibna Sayid Ciise wuu soo jeestay oo Butros fiiriyay. Butrosna wuxuu xasuustay hadalkii uu Sayidku kula hadlay ee ahaa, “Maanta inta uusan diiqu ciyin ka hor, waxaad i dafiri doontaa saddex mar.” 62 Kadib Butros banaanka ayuu uga baxay gurigii wadaadka sare aad ayuuna u ooyay. Askartii oo ku jeesjeesay Ciise 63 Nimankii Ciise ilaalinayay ayaa ku jeesjeesay oo garaacay. 64 Kadibna indhaha ayey ka xireen, oo garaaceen, iyagoo leh, “Haddaad nebi tahay noo sheeg yaa markaan kugu dhuftay?” 65 Qaabab badan ayeyna ugu jeesjeeseen oo u caayeen Ciise. Ciise oo la hor geeyay Bilaatos iyo Herodos 66 Markii aroortii la gaaray, waxaa kulmay odayaashii, oo kala ahaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse, waxaana la hor geeyay Ciise. 67 Waxeyna ku yiraahdeen, “Noo sheeg haddaad Masiixa tahay.” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaan idiin sheego, ima rumeysan doontaan, 68 haddaan idin weydiiyana iigama jawaabi doontaan. 69 Laakiin hadda laga bilaabo, Wiilka Aadanahu wuxuu fariisan doonaa dhinaca gacanta midig ee Illaaha awoodda leh.” 70 Markaas ayey kuligood weydiiyeen, “Haddaba adiga miyaa Wiilka Illaah?” Wuxuu ugu jawaabay, “Waad tiraahdeen inaan ahay.” 71 Markaas ayey yiraahdeen, “Maxaan uga baahannahay marqaati kale? Waayo anaga ayaaba afkiisa ka maqalnaye.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.