Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 21 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Sadaqadii Carmalada

1 Ciise ayaa arkay kuwii taajiriinta ahaa oo sadaqadooda sanduuqa macbadka ku ridaya.

2 Wuxuu kaloo arkay carmalad masaakiin ah oo iyadana ku ridaysa shilimaad maar.

3 Markaas ayuu Ciise dadkii ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, carmaladaan maskiinta ah ayaa ku riday sanduuqa in ka badan dadka kaloo dhan.

4 Waayo dadkan oo dhan waxey sadaqeysteen wax yar oo ka mid ah hantidoodi, laakiin iyadu waxey bixisay waxey lacag ka haysatay oo ey ku sii noolaan lahayd.”


Ciise oo sii sheegay dumida macbadka

5 Qaar ka mid ah xertiisi ayaa ka hadlayay sida macbadka loogu sharaxay dhagxan qurux badan iyo hadiyadaha loo bixiyay Illaahey dartiis. Laakiin Ciise ayaa yiri,

6 “Waxyaalahan aad aragtaan oo dhan, waqti ayaa imaan doona oo dhagax dhagax kale dul saaran aan la dhaafi doonin, kuli waa la burburin doonaa.”

7 Markaas ayey weydiiyeen, “Macalin, waxyaalahan goorma ayey dhici doonaan? Calaamadee ayaan ku garan doonaa iney dhici rabaan?”

8 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iska ilaaliya yaan la idin khiyaanin. Waayo kuwa badan ayaa magacayga ku imaan doona, iyagoo dhahaya ‘Waxaan ahay Masiixa!’ Waxey kaloo dhihi doonaan, ‘Waqtigu wuu dhawyahay!’ Ee iska jira in aad raacdaan.

9 Markaad maqashaan dagaallo iyo rabshado ha cabsanina. Waxyaalahan waa iney marka hore dhacaan, laakiin ma aha in dhamaadkii la gaaray.”

10 Wuxuu kaloo ku yiri, “Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa.

11 Waxaa jiri doona dhul gariir aad u weyn, meelo badanna dadku gaajo iyo xanuuno aad u xun ayey u dhiman doonaan. Waxaa kaloo samada laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamado waaweyn.

12 “Laakiin waxyaalahan oo dhan ka hor, wey idin qaban doonaan oo idin silcin doonaan. Waxeyna idin ku gacan galin doonaan sunagogyada oo idin dhigi doonaan xabsiga. Aniga daraadeydana waxaa la idin hor keeni doonaa boqorro iyo taliyayaal si ey idiin xukumaan.

13 Laakiin taas waxey idiin ahaan doontaa fursad aad aniga iigu marqaatifurtaan.

14 Hana ka welwelina waxaad dhihi lahaydeen si aad naftiina u difaacdaan.

15 Waayo waxaan idin siin doonaa xigmad aad ku garataan waxaad dhahdaan, cadowgiinuna idin kuma heli doono hadal is qilaafsan.

16 Xitaa sidoo kale waxaa idin khiyaani doona waalidkiin, walaalihiin, qaraabadiina iyo xitaa saaxiibadiin, qaarkiinna wey dili doonaan.

17 Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa.

18 Laakiin waxba idin ma gaari doonaan.

19 Daacada aad ii tihiin daraadeed waxaad heli doontaan noloshiina.

20 “Markaad aragtaan Yeruusaalem oo ey ciidamo hareereeyeen, waxaad ogaataan in waqtigii duminteeda la gaaray.

21 Haddaba kuwa Yahuudiya joogaa ha u cararaan buuraha, kuwa magaalada Yeruusaalem joogana ha ka baxaan, kuwa banaanka ka joogana yeysan ku laabanin magaalada.

22 Maxaa yeelay waqtigaas waxaa la ciqaabayaa dadka Yeruusaalem si looga dhabeeyo waxa ku qoran kitaabka.

23 Waqti dhib badan ayey u ahaan doontaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya! Waayo dhulka waxaa ka dhici doona dhibaato aad u daran dadkana waxaa ku dhici doona carada Illaahey.

24 Qaarkood waxaa lagu dili doonaa seefo qaarka kalana waxaa loo kaxaysan doonaa waddama kale iyagoo maxaabiis ah. Magaalada Yeruusaalemna waxaa la wareegi doona dad aan Illaahey garaneyn illaa uu dhamaado waqtigii uu Illaahey ugu talagalay dadka aan Yuhuudda ahayn iney xukumaan.

25 “Calaamado layaab leh ayaad ku arki doontaan qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha. Dadka dhulka joogtana waxey ka welweli doonaan oo ka cabsan doonaan guuxa badda iyo awoodda hirarkeeda.

26 Dadkuna waxey la suuxi doonaan argagax, waxa aduunka ka dhacaya daraadiis. Awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.

27 Markaas ayey dadku arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imaanaya isaga oo awood weyn iyo ammaan leh.

28 Goortii ey waxan oo dhan bilowdaan iney dhacaan, istaaga madaxiinana kor u qaada, waayo madax furashadiinu wey soo dhawaatay.”

29 Ciise ayaa haddana u sheegay tusaalahaan, “Fiiriya geedka berdaha ah iyo geedaha oo dhan.

30 Markey caleemo bixiyaan, waad garaneysaan in roobku dhowyahay.

31 Sidaas markaad aragtaan waxyaalahan oo dhacaya waad ogtihiin in boqortooyada Illaahey ey dhowdahay.

32 “Runtii waxaan idin ku leeyahay, dadka qarnigaan wey noolaan doonaan illaa ey waxyaalahan oo dhan ka dhacaan.

33 Cirka iyo dhulka wey dhamaan doonaan, laakiin ereyadaydu weligood ma dhamaan doonaan.

34 “Iska jira, iney qalbiyadiinu ku mashquulaan cunid badan iyo sarqaamid iyo ka welwelida nolosha. Haddii kale maalintaas waxey idin ku soo kadin doontaa sida dabin oo kale.

35 Weyna u imaan doontaa qof walboo aduunka jooga.

36 Is ilaaliya, mar walbana ku duceysta si aad u awoodaan inaad ka baxsataan waxaas dhici doona, oo aad u awoodaan inaad hor istaagtaan Wiilka Aadanaha.”

37 Maalin walba Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka, habeen walbana wuxuu aadayay buur la yiraahdo Buur Saytuun,

38 dadkuna waxey ku soo kalahayeen macbadka si ey isaga u dhageystaan.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan