Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 20 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Awooddii Ciise oo wax laga weydiiyay

1 Maalin maalmaha ka mid ah Ciise wuxuu dadka wax ku barayay macbadka isaga oo ku wacdinaya injiilka, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga iyagoo ey la socdaan odayaashii, ayey Ciise u yimaadeen.

2 Waxeyna ku yiraahdeen, “Noo sheeg awoodda aad waxyaalahan ku sameyneysid, yaana ku siiyay awoodan?”

3 Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan aniguna idin weydiinayaa su’aal. Ii sheega,

4 Yooxanaa baabtiiskiisii samada miyuu ka yimid mise dhinaca binu aadanka?”

5 Intey dhexdooda ka wada hadleen ayey isku yiraahdeen, “Haddii aan dhahno, ‘Samada xaggeeda,’ wuxuu na weydiin doonaa, ‘Maxaad u aamini weyseen?’

6 Laakiin haddii aan niraahno, ‘Dadka xaggiisey ka timid,’ dadka oo dhan wey na tuuryeyn doonaan, sababtoo ah waxey aaminsanyihiin in Yooxanaa uu nebi ahaa.”

7 Marka waxey ku jawaabeen, “Ma garaneyno meesha ey ka timid.”

8 Ciise ayaa yiri, “Aniguna idiin ma sheegi doono awoodda aan waxyaalahan ku sameynayo.”


Tusaalihii kiroolayaasha

9 Ciise ayaa dadka u sheegay tusaalahaan, “Nin ayaa beer canab ah beertay, kana kireeyay kuwa beeraley ah wuuna ka tagay oo muddo badan ka maqnaa.

10 Markii la gaaray waqtigii gurashada wuxuu u soo diray kiroolayaashii mid shaqaalihiisi ka mid ah si uu xoogaa canab ah uga soo qaado. Laakiin kiroolayaashii ayaa garaacay ninkii oo diray isagoon waxba wadin.

11 Wuxuu diray shaqaale kale, laakiin isagiina wey garaaceen oo aflagaadeeyeen direenna asoon waxba wadin.

12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, balse isagiina wey dhaawaceen oo soo ceyriyeen.

13 “Kadibna ninkii beerta canabka lahaa ayaa yiri, ‘Maxaan sameeyaa? Aniga ayaa aqaan waxaan sameyn doono. Waxaan dirayaa wiilkeyga aan jeclahay, waxaa laga yaabaa iney xushmeeyaan.’

14 “Laakiin kiroolayaashii markey arkeen ninkii beerta lahaa wiilkiisa, waxey isku yiraahdeen, ‘Kani waa kii dhaxli lahaa beerta, kaalaya aan dilnee kadibna aan dhaxalno beerta.’

15 Markaas ayey beerta canabka ah banaanka uga baxsheen oo dileen, “Maxey kula tahay ninka beerta lahaa wuxuu iyaga ku sameyn doono?

16 Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha, beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.” Markey dadkii sheekadan maqleen, waxey yiraahdeen, “Illaahey naguma keeno!”

17 Ciise ayaa ku jeestay oo weydiiyay, “Haddaba maxey idin la tahay macnaha waxa kitaabka ku qoran, “ ‘Dhagaxii ey kuwa guriga dhisaya diideen, ayaa noqday dhagaxa ugu muhiimsan dhismaha guriga,’

18 Qof walboo dhagaxaas ku dul kufa wuu jajabi doonaa, kii uu ku soo kor dhacana wuu burburin doonaa.”

19 Macalimiintii sharciga Muuse iyo gudoomiyayaashii wadaaddada ayaa isku dayay iney Ciise isla waqtigaas qabtaan, waayo wey ogaadeen inuu tusaalahaan iyaga kaga hadlayay. Laakiin waxey ka cabsanayeen dadka meeshaas joogay.


Canshuurta Kaysar la siiyo

20 Kuwii Ciise cadowgiisa ahaa ayaa ilaalinayay isaga, waxeyna u soo direen jaajuusiin iska dhigay kuwa daacad ah. Laakiin waxey rabeen iney Ciise hadalkiisa qalad ka helaan, oo ey u gacan galiyaan taliyaha iyo amarka madaxda dowladda.

21 Markaas ayey jaajuusiintii Ciise weydiiyeen, “Macalinow, waan ognahay inaad ku hadashid oo aad dadka bartid runta, qofna aadan u eexan balse aad barto wadada Illaah ee runta ah.

22 Haddaba ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaano?”

23 Ciise wuu gartay khiyaanadoodi wuxuuna ku yiri,

24 “Diinaar i tusa.” Wey tusiyeen, intuu fiiriyay ayuu iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisaba ku dul yaalaa diinaarkan?” Waxey yiraahdeen, “Kaysar.”

25 Markaas ayuu ku yiri, “Haddaba wuxuu Kaysar leeyahay siiya Kaysar, wuxuu Illaahey leeyahayna siiya Illaahey.”

26 Wey ku heli waayeen wax qalad ah dadka hortooda. Weyna la cajabeen jawaabtiisa oo hadalkii ayaa ku dhagay.


Su’aal ku saabsan sarakicidda

27 Qaar ka mid ah Sadukiinta, kuwaasoo aan aaminsaneyn sarakicidda dhimashada, ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay.

28 “Macalinow, Muuse wuxuu inoo qoray haddii nin uu dhinto xaasna ka tago balse uusan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajib ah inuu carmalada walaalkiis dumaalaa uuna ka dhalaa caruur walaalkiis dhaxasha.

29 Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah. Kii ugu weynaa ayaa guursaday naag kadibna dhintay isagoon caruur dhalin.

30 Kii labaad ayaa dumaalay

31 isaguna wuxuu dhintay caruur la’aan kadibna kii saddexaad ayaa dumaalay haweeneydii, sidaas ayeyna ku wadeen illaa kii toddobaad uu dhintay, iyagoo aanan wax caruur ah ka tagin.

32 Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay.

33 Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta? Ileen toddobadooduba wey guursadeene.”

34 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dadka aduunkan joogaa wey is guursadaan.

35 Laakiin kuwa istaahila iney ka qeyb qaataan waqtiga soo socdo iyo kasoo sarakicidda dhimashada ma guursan doonaan lamana guursan doono,

36 mana dhiman doonaan. Waxeyna noqon doonaan sida malaa’igtoo kale waxeyna ahaan doonaan caruurta Illaahey, maxaa yeelay waxey ka sarakaceen dhimashada.

37 Muuse ayaa tilmaamay in dhimashada laga sarakacayo, xiligii uu geedka gubanayay, isaga oo ugu yeeray Rabbiga ‘Illaaha Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub.’

38 Sidaa darteed Illaahey ma aha Illaaha kuwa dhintay, balse waa Illaaha kuwa nool, waayo wax walba xaggiisa wey ka nool yihiin.”

39 Markaas ayaa qaar ka mid ah macalimiintii sharciga ku yiraahdeen Ciise, “Si fiican ayaad uga jawaabtay macalin!”

40 Kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin.


Su’aal ku saabsan Masiixa

41 Kadib Ciise ayaa iyagii weydiiyay, “Maxey u yiraahdaan Masiixu waa wiilka Daa’uud?

42 Daa’uud ayaa ku yiri kitaabkii Sabuurradda, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig

43 Illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’

44 Daa’uud ayaaba ugu yeeraya ‘Sayid.’ Haddaba sidee ayey ku noqon kartaa inuu yahay wiilkiisa?”


Digniin macalimiinta sharciga ka dhan ah

45 Dadkii oo dhagaysanaya, ayuu Ciise xertiisi ku yiri,

46 “Iska ilaaliya dhaqanka macalimiinta sharciga Muuse! Maxaa yeelay waxey ka helaan iney meelaha ku maraan khamiisyo dhaadheer oo qaali ah, waxeyna jecelyihiin in si xushmad leh loo salaamo markey suuqa marayaan. Waxeyna jecelyihiin iney fariistaan safka hore markey joogaan sunagogyada iyo meelaha ey xafladaha ka jiraan.

47 Waxey carmalada ka khiyaanaan guryahooda, kadibna salaadda ayey dheereeyaan markey tukanayaan si ey dadka isku tustusaan. Macalimiintan ciqaabtoodu aad ayey u darantahay.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan