Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dhalashadii Ciise

1 Maalmahaas Kaysar Agustus ayaa amar ku bixiyay in dhulka Roomaanka oo dhan tirakoob lagu sameeyo.

2 Tani waxey ahayd Tirakoobkii ugu horeeyay ee dhacay Kuranayos goortii uu xukumi jiray Suuriya.

3 Dadkoo dhanna waxey u laabteen magaaladoodi si ey isku diiwaan geliyaan.

4 Yuusufna wuxuu ka tagay magaalada Naasared ee Galili wuxuu tagay Yahuudiya, illaa magaaladii Daa’uud oo ahayd Beytlaxam, waayo wuxuu ahaa dhashii Daa’uud.

5 Halkaas waxey isla tageen Maryan oo u doonaneyd si ey isku diiwaan geliyaan, iyadoo waliba uur lahayd.

6 Iyagoo weli meeshaas jooga ayaa waqtigii Maryan umuli lahayd la gaaray,

7 waxeyna umushay wiilkeedi curadka ahaa. Markaas ayey maro ku duuduubtay oo ey dhex jiifisay qabaal, waayo hoteeladii oo dhan ayey meel ey jiifsadaan ka waayeen.

8 Halkaas waxaa joogay arijirro habeenkii arigooda ilaalinayay.

9 Malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa iyaga u muuqday, markaas ayaa ammaanta Rabbigu agtooda ka iftay, aad ayeyna u cabsadeen.

10 Markaas ayaa malagii ku yiri, “Ha cabsanina, waayo waxaan idiin keenay war wanaagsan oo qof walba farxad badan u keeni doona.

11 Maanta magaalada Daa’uud waxaa idin kugu dhashay badbaadiyaha Masiixa Rabbiga ah.

12 Calaamadahan ayaad ku garan doontaan, waxaad arki doontaan cunug maro lagu duuduubay oo la dhex seexiyay meesha xoolaha cawska loo dhigo.”

13 Isla markiiba malaa’igo kale oo fara badan ayaa la soo muuqday malagii iyagoo Illaahey ammaanaya oo leh,

14 “Ammaan ha u sugnaato Illaahey isaga oo jooga meelaha ugu sareeya, xagga dhulkana nabad ha u ahaato kuwii nimcada Rabbiga helay.”

15 Markii malaa’igtii ey ka tageen oo u laabteen samada, arijirradii ayaa waxey is dheheen, “Bal aan tagno Beytlaxamtan oo aan soo aragno waxyaalahan dhacay oo Rabbigu noo sheegay.”

16 Isla markii ayey tageen oo waxey arkeen Maryan iyo Yuusuf, iyo cunuggii oo dhex jiifa meesha xoolaha cawska loogu guro.

17 Markey isaga arkeen ayey arijirradii faafiyeen warka ku saabsan cunuggaan iyo wixii malaa’igtii u sheegtay.

18 Dadkii maqlay oo dhan ayaa ka yaabeen wixii ey arijirradii u sheegeen.

19 Laakiin Maryan hadaladan oo dhan ayey xasuusatay aad ayeyna uga fikiraysay.

20 Arijirradiina wey laabteen iyagoo Illaah ammaanaya oo ku weyneynaya waxyaalihii ey arkeen oo eyna maqleen taas oo noqotay sidii ey malaa’igtii ugu sheegtay.

21 Siddeed maalmood kadib, cunuggii waa la guday, waxaana loo bixiyay Ciise, magacii malagu siiyay ka hor inta uusan uurka hooyadiis gelin.


Ciise waxaa la keenay macbadka

22 Goortii xafladii dabaaldegga nadiifinta la gaaray sidii sharciga Muuse ku qornayd, Yuusuf iyo Maryan waxey cunugga geeyeen Yeruusaalem si ey Rabbiga ugu keenaan.

23 Sida uu sharciga Rabbiga ugu qoran yahay, “Curad walboo lab ah waxaa gooni loogu bixinayaa Rabbiga,”

24 waana iney allabari bixiyaan sida ku qoran sharciga Rabbiga, “laba qoolley ama laba qoolley duureed oo yar yar.”

25 Haddaba Yeruusaalem waxaa joogay nin la yiraahdo Simecoon, wuxuu ahaa nin xaq ah oo Illaahey ka cabsada. Wuxuu sugayay nasteexada reer binu Israa’iil, Ruuxa Quduuska ah ayaa dul joogay.

26 Ruuxa Quduuska ah wuxuu u muujiyay in uusan dhiman doonin illaa Masiixa Rabbiga ah uu arko.

27 Maalintaas Ruuxa ayaa Simecoon u hogaamiyay macbadka. Markii Maryan iyo Yuusuf cunugga Ciise ah u keeneen Rabbiga si ey caadadii sharciga ugu sameeyaan.

28 Simecoon ayaa cunuggii gacantiisa ku xambaaray oo Illaah u mahadceliyay, isaga oo leh,

29 “Rabbiyow, sidii aad u ballan qaaday, haddaba adeegahaaga nabad haku dhinto.

30 Waayo indhahaygu waxey arkeen badbaadiyahaaga,

31 kan aad aduunka oo dhan ku hordiyaarisay,

32 oo ah iftiin u muujiya doonistaada dadka aan Yuhuudda ahayn, iyo ammaanta dadkaaga Israa’iil.”

33 Markaas ayaa Ciise waalidkiis ka yaabeen wixii laga sheegayay.

34 Kadibna Simecoon wuu barakeeyay wuxuuna ku yiri Maryan oo hooyadiis ah, “Cunugaan dartiis Illaahey wuxuu sababi doonaa kufida iyo kicida ee kuwo badan ee reer binu Israa’iil ah, wuxuuna ahaan doonaa calaamad Illaahey xaggiisa looga soo diray, laakiin badi wey kasoo horjeesan doonaan.

35 Qalbiya badan fikradahooda ayaa la muujin doonaa. Maryan adiguna waad murugoon doontaa waxaadna dareemi doontaa sidi in waran qalbiga lagaaga muday.”

36 Waxaana jirtay nebiyad Anna la dhihi jiray, inantii Fanuu’eel oo ahayd qoladii Aasheer. Wey da’ weyneyd, ninkeeda ayey la nooleyd toddoba sano markii la guursaday kadib.

37 Kadibna waxey ahayd carmalad illaa siddeetan iyo afar sanadood. Macbadkana kama bixi jirin halkaas ayey joogtay habeen iyo maalin, iyadoo soon iyo salaad Illaahey ku caabudeysay.

38 Waxey u timid Simecoon oo weli la hadlayay Maryan iyo Yuusuf, waxeyna bilowday iney Illaah u mahadceliso. Oo waxey kala hadashay kuwii sugayay furashada Yeruusaalem wax ku saabsan cunugga.

39 Goortii ey wax walboo uu sharciga Rabbiga ka rabay dhameeyeen Maryan iyo Yuusuf waxey u laabteen Galili magaaladoodi Naasared.

40 Ciisana wuu koray wuuna xooggeystay, waxaana ka buuxsamay xigmad, nimcada Illaahna wey dul joogtay.


Ciise oo jooga macbadka

41 Sanad walba Ciise waalidkiis waxey aadi jireen Yeruusaalem si ey ugu dabaaldegaan Iiddii Kormaridda.

42 Goortuu jiray toban iyo laba sano, sida caadadu ahayd waxey aadeen dabaaldeggii.

43 Dabaaldeggii markii uu dhamaaday, waalidkiis waxey u laabanayeen xaafada, wiilka Ciise ahaa wuxuu ku haray Yeruusaalem iyagoo aan ogayn.

44 Waxey u maleeyeen wiilku inuu la socdo, laakiin galabtii markii la gaaray wiilkiina la waayey ayey isku dayeen iney meelaha iyo qaraabada ka dhex raadiyaan.

45 Markey waayeen ayey u laabteen Yeruusaalem iney xaggaasna ka fiiriyaan.

46 Saddex maalmood kadib ayey ka heleen Macbadka dhexdiisa, isaga oo la fadhiya macalimiinta oo dhagaysanaya su’aalana weydiinaya.

47 Qof walboo isaga maqlay aad ayuu ula yaabay wax fahankiisa iyo siduu su’aalaha uga jawaabayo.

48 Waalidkiis markey arkeen wey yaabeen. Hooyadiis ayaa ku tiri, “Wiilkeygiyow, maxaad sidan noo yeeshay? Aabahaa iyo anigu aad ayaan u welwelsaneyn oo meel walba waan kaa raadinay.”

49 Markaas ayuu ku yiri, “Maxaad iga raadineyseen? Miyaadan garaneynin inaan joogo guriga Aabahay?”

50 Laakiin iyagu ma fahmin wuxuu ku dhahayay.

51 Markaas ayuu iyaga raacay oo ey tageen Naasared, wuuna ka dambeeyay. Laakiin hooyadiis hadalladii oo dhan ayey ka fikireysay.

52 Ciisana wuxuu ku koray xigmad, jir ahaan iyo nimcada Illaah iyo dadka hortoodaba.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan