Luukos 19 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubSakhayos canshuur qaadihii 1 Ciise ayaa galay Yerixoo isaga oo sii dhex maraya. 2 Nin Sakhayos la yiraahdo ayaa halkaas joogay wuxuu ahaa taajir, wuxuuna ahaa gudoomiyaha canshuur qaadayaasha. 3 Wuxuu rabay inuu arko Ciise qofka uu yahay, laakiin gaabnaantiisa daraadeed ma uusan awoodin inuu dadka badan ka dhex arko. 4 Markaas ayuu intuu orday ayuu fuulay sukomoor geed berde u eg oo weyn si uu u arko, ileen Ciise wuxuu ku soo socday wadadaas. 5 Markii uu Ciise soo gaaray meeshii, ayuu kor fiiriyay wuxuuna ku yiri, “Sakhayosow, dhaqso hoos u soo dag. Waa qasab inaan gurigaaga joogo maantay.” 6 Markiiba intuu soo dagtay ayuu si farxad leh u soo dhaweeyay. 7 Dadkii oo dhan ayaa arkay oo waxey bilaabeen iney hoos u dhahaan, “Wuxuu u baxay inuu marti u noqdo dembiile.” 8 Laakiin Sakhayos ayaa istaagay oo ku yiri Sayidka, “Fiiri, Sayidow! Hadda halkan hantideyda bar waxaan siiyay masaakiinta, haddii aan qof wax ka khiyaameyna, waxaan u celinayaa afar jibaar intey ahayd.” 9 Ciise ayaa ku yiri, “Maanta badbaado ayaa timid gurigaan, maxaa yeelay ninkan, isaguba, waa cunuggii Ibraahim. 10 Sababtoo ah Wiilka Aadanaha wuxuu u yimid inuu raadiyo uuna badbaadiyo kuwa lumay.” Tusaalihii tobankii shaqaale 11 Intey dhagaysanayeen, wuxuu u sheegay tusaale, sababtoo ah wuxuu joogay Yeruusaalem agteeda dadkuna waxey u haysteen in boqortooyada Illaahey ey hal mar soo muuqanayso. 12 Wuxuu ku yiri, “Amiir ayaa u socday waddan fog si boqornimo uu isugu caleemo saaro kadibna u soo laabto. 13 Wuxuu iskugu yeeray toban ka mid ah shaqaalihiisi wuxuuna mid walba siiyay mina, ‘Wuxuu ku yiri, ku shaqeeya lacagtan, illaa aan kasoo laabto.’ 14 “Laakiin dadkii waddankiisa ayaa necbaa waxeyna u soo direen ergo si uu ugu dhaho, ‘Ma rabno ninkan inuu noo noqdo boqor.’ 15 “Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga dhigay boqor, wuxuuna ku soo laabtay gurigiisi. Kadibna wuxuu u yeeray shaqaalihiisi kuwii uu lacagta siiyay, si uu u ogaado faa’iidada ey heleen. 16 “Midkii ugu horeeyay ayaa yimid oo ku yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey dhashay faa’iido tobon jibaar ah.’ 17 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, adeege fiican ayaa tahay! Sababtoo ah waxaad noqotay qof wax yar lagu aamini karo, waxaad xukumeysaa toban magaalo.’ 18 “Midkii labaad ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, lacagtaadii waxey faa’iido dhashay shan jibaar.’ 19 “Sayidkiisi ayaa ku jawaabay, ‘Adigana shan magaalo ayaad xukumaysaa.’ 20 “Kadib shaqaalihii kale ayaa yimid oo yiri, ‘Mudane, waa tan lacagtaadii, maro ayaan ku duuduubay oo meel ayaan dhigay. 21 Waan kaa cabsaday, sababtoo ah waxaa tahay nin ad adag. Waxaad qaadataa wax aadan lahayn waxaadna gurataa wax aadan beeran.’ 22 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Waxaan kugu xukumayaa ereyadaada, shaqaala yahow xun! Soo ma aadan ogayn inaan aniga ahay nin ad adag, oo aan qaato wax aanan lahayn oo aan gurto wax aanan beeran? 23 Maxaad lacagteyda u dhigi weyse bangiga si markaan imaado aan u urursado faa’iidada?’ 24 “Kadib ayuu ku yiri waardiyayaashiisii, ‘ka qaada mina oo siiya midka haysta toban mina.’ 25 “Waxey yiraahdeen, ‘Mudane, toban ayuu haystaa kaas!’ 26 “Wuxuu ugu jawaabay, ‘Waan idiin sheegay mid walboo haysta wax badan, wax badan ayaa la siinayaa, laakiin midka aan waxba haysanin, xitaa wuxuu haystana waa laga qaadi doonaa. 27 Laakiin cadowgayga kuwa aanan rabin inaan boqor u noqdo inta ii keena oo horteyda ku dila.’ ” Ciise ayaa Yeruusaalem u yimid sidii boqorkii 28 Kadib Ciise markii uu intaas yiri, horay ayuu usii socday, isaga oo aadaya illaa Yeruusaalem. 29 Markii uu kusoo dhawaaday Beytfaage iyo Beytaniya buurta la yiraahdo Buur Saytuun, wuxuu diray laba ka mid ah xertiisi, waxa uuna ku yiri, 30 “Baxa oo tuulada idin ka horaysa taga, oo markaad gashaan, waxaad arki doontaan dameer halkaas ku xiran, kaasoo qofna kaxaynin weligiis. Xarigga kasoo fura oo halkan keena. 31 Haddii uu qof idin weydiiyo, ‘Maxaad xarigga uga furaysaan?’ Ku dhaha, ‘Sayidka ayaa u baahan.’ ” 32 Kuwii loo diray ayaa tageen oo ka heleen meeshii uu u sheegay. 33 Iyagoo xarigga ka furaya dameerka, dadkii lahaa ayaa weydiiyeen, “Maxaad xarigga uga furaysaan dameerka?” 34 Waxey ku jawaabeen, “Sayidka ayaa u baahan.” 35 Ciise ayey u keeneen, dharkoodi intey dusha ka saareen qeyl dameer ayey Ciise fuuliyeen. 36 Intii uu sii socday dadkii ayaa maryahoodii wadada goglay. 37 Markii uu u soo dhawaaday meeshii ey wadada ka aadaysay dhinicii Buur Saytuun, dadkii xertiisa ahaa oo dhan waxey bilaabeen iney si farxad leh oo cod dheer Illaahey ugu ammaanaan mucjisooyinkii ey arkeen dartood, 38 “Waxaa barakeysan boqorka ku yimaada magaca Rabbiga!” “Nabadda jannada haku ahaato ammaanna ha u ahaato kan ugu sareeya!” 39 Qaar ka mid ah Farrisiintii dadka ku dhex jiray ayaa Ciise ku yiraahdeen, “Macalin, canaano xertaada hanaga aamusaane!” 40 Wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan idiin sheegayaa, haddii ey aamusaan, dhagaxaanta ayaa qaylin doona.” 41 Markii Ciise soo galay Yeruusaalem oo uu arkay magaalada, wuu ku dul ooyay. 42 Kadibna wuxuu yiri, “Haddii aad idinku xitaa ogaan lahaydeen maalintan waxa kaliya ee nabad idiin keeni kara! Laakiin hadda wey ka qarsoontahay indhihiina. 43 Waxaa imaan doona maalmaha ey cadowgiinu darbi idin ka dhex dhisi doonaan oo ey idin kaga soo wareejin doonaan dhinac walba. 44 Dhulka ayey idin galin doonaan idinka iyo ilmihiina. Kamana tagi doonaan dhagax dhagax kale dul saaran, sababtoo ah ma eydan garan waqtiga uu Illaahey idiin yimid.” Ciise oo macbadka jooga 45 Markii uu Ciise soo galay macbadka dhexdiisa, wuxuu bilaabay inuu kala ceyriyo kuwii meesha wax ku gadanayay. 46 Wuxuuna iyagii ku yiri, “Waxaa qoran, ‘Gurigeyga waxaa loogu yeeri doonaa meel qof walba yimaado oona ku duceysto.’ Laakiin waxaad ka dhigteen ‘Xerada tuugada.’ ” 47 Maalin walba wuxuu wax ku bari jiray macbadka. Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiinta sharciga Muuse iyo hogaamiyayaasha dadka dhexdooda waxey isku dayayeen iney dilaan. 48 Mana eysan helin qaab ey u sameeyaan, sababtoo ah dadka oo dhan ayaa dhagaysanayay hadaladiisa. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.