Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 17 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Dembi, iimaan, waajibaad

1 Ciise ayaa ku yiri xertiisa, “Waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan ayaa soo socda, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan.

2 Iney kuwan yar yar turuntureeyaan waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro iyaga oo dhagax culus qoorta looga xiray.

3 Haddaba is ilaaliya. “Haddii uu walaalkaa ama walaashaa midkood qalad kaa galo, iska canaano, haddii ey ka toobadkeenaan iska cafi.

4 Xitaa haddii ey maalintii toddoba mar kugu qaldamaan oo ey toddoba mar kuu soo laabtaan iyagoo ku dhahaya ‘Waan ka toobadkeenay qaladkayga,’ waa qasab inaad cafisid.”

5 Rasuulladii ayaa ku yiraahdeen Sayidka, “Iimaanka noo kordhi!”

6 Wuxuu ugu jawaabay, “Haddii aad lahaan lahaydeen iimaan u yar sida iniinta khardalka, waxaad ku dhihi kartaan geedkan sukamin ah, ‘Ruq oo badda ku beeran,’ wuuna idin adeeci lahaa.

7 “Kasoo qaad midkiin ayaa leh shaqaalo beerta u fala ama idaha u ilaaliya. Miyuu ku dhahayaa shaqaalihiisa marka uu beerta ka yimaado, ‘Kaalay soo fariiso oo wax cun’?

8 Miyuusan ku dhahaynin, ‘Ii diyaari casho, oo isku diyaari inaad isugto intaan ka cunayo oo wax ka cabayo, markaas kadib ayaa laga yaabaa in aad wax cunto oo aad wax cabto’?

9 Miyuu u mahadcelinayaa shaqaalihiisa sababtoo ah wuxuu sameeyay wixii lagu yiri samee?

10 Marka idinkuna sidoo kale, markaad sameysaan wax walboo la idin ku yiri sameeya, waa inaad dhahdaan, ‘Waxaan nahay adeegayaal aan qiimo lahayn, kaliya waxaan sameynay wixii na la faray.’ ”


Ciise oo bogsiiyay toban nin oo baras qaba

11 Haddaba isaga oo usii socda Yeruusaalem, Ciise wuxuu ku safray xuduuda u dhaxaysa Samaariya iyo Galili.

12 Wuxuu soo galay tuulo, kadibna waxaa la kulmay toban nin oo baras qaba. Waxey ka istaageen meel xoogaa u jirta

13 waxeyna kor ugu dhawaaqeen, “Ciisow, Sayidow, noo naxariiso!”

14 Markii uu arkay, ayuu ku yiri, “Taga oo is tusa wadaaddada.” Isla markey baxeen ayey nadiifsameen.

15 Mid ka mid ah baras layaashii markii uu arkay inuu bogsaday, wuu soo laabtay, isaga oo cod dheer Illaahey ku ammaanaya.

16 Wuxuu isku tuuray Ciise cagahiisa wuuna u mahadceliyay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.

17 Ciise ayaa weydiiyay, “Tobankiiba ma nadiifsamin miyaa? Aaway sagaalkii kale?

18 Ajnabigan maahee mid iyaga ka mid ah miyuusan u soo laabanin inuu Illaahey ammaano?”

19 Kadib wuxuu ku yiri, “Kac oo soco, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.”


Imaanshaha boqortooyada Illaah

20 Mar ey Farrisiintii weydiiyeen goorta ey boqortooyada Illaah imaaneyso, Ciise ayaa ugu jawaabay, “Imaanshaha boqortooyada Illaah ma aha mid la arki karo,

21 mana aha wax ey dadka dhihi karaan, ‘Waa tan,’ ama ‘Waa taas,’ sababtoo ah boqortooyada Illaah wey idin dhex joogtaa.”

22 Kadib wuxuu xertiisi ku yiri, “Waxaa imaanaya waqti aad sugi doontaan maalinta aad arki doontaan Wiilka Aadanaha, laakiin ma arki doontaan.

23 Dadka waxey idin ku dhihi doonaan, ‘Waa kaas!’ Ama ‘Waa kan!’ Ha ka daba ordina.

24 Maxaa yeelay maalinta Wiilka Aadanaha waxey noqon doontaa sida hilaac iftiimiyay cirka dhinac walba.

25 Laakiin marka hore waa inuu rafaadaa oo dadka waqtigan jooga dhexdooda laga diidaa.

26 “Sida ey ahayd maalmihii Nuux, sidaas oo kale ayey noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.

27 Dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta. Kadibna uu daadkii yimid uuna baabi’iyay dhamaantood.

28 “Sidaa si la mid ah ayey ahayd maalmihii Luud. Dadku wax ayey cunayeen oo cabayeen, wax ayey iibsanayeen weyna gadayeen, wax ayey beeranayeen oo wax ayey dhisayeen.

29 Laakiin maalintii uu Luud ka tagay Sodom, dab iyo baaruud ayaa roob oo kale cirka uga soo da’ay oo baabi’iyay dhamaantood.

30 “Sidaas oo kale ayey noqoneysaa maalinta Wiilka Aadanaha la muujin doono.

31 Maalintaas ma jiro mid saaran gurigiisa korkiisa, oo wax uu leeyahay ey gudaha kaga jiraan, intuu soo dagto doonan kara. Sidaas oo kale, ma jiro qof beerta jooga oo guriga u noqon doona.

32 Xasuuso Luud xaaskiisii!

33 Qofkii isku daya inuu naftiisa ilaaliyo wuu lumin doonaa, qofkii naftiisa lumiyana wuu dhowri doonaa.

34 Waxaan idiin sheegayaa, habeenkaas laba qof oo sariir ku wada jiifa ayaa mid la qaadan doonaa kan kalana waa laga tagi doonaa.

35 Laba dumar ah oo badar wada shiidaya ayaa mid la qaadan doonaa tan kalana laga tagi doonaa. [

36 Laba nin ayaa beer ka wada shaqeyn doona, mid waa la qaadi doonaa midka kalana waa laga tagi doonaa.”]

37 Markaas ayey weydiiyeen, “Halkee, Sayidow?” Wuxuu ku jawaabay, “Meesha uu meydku yaalo haaddu wey iskugu soo ururtaa.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan