Luukos 14 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo jooga gurigii Farrisiga 1 Maalin Sabti ah, markii uu Ciise tagay inuu wax ka cuno guriga nin Farrisi ah oo madax ah, si fiican ayaa kor loogala socday. 2 Hortiisa waxaa joogay nin la xanuusan barar aan caadi ahayn oo ku dhacay jirkiisa. 3 Ciise ayaa weydiiyay Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga, “Miyay banaantahay in wax la daweeyo Sabtida mise ma banaana?” 4 Laakiin wey aamuseen. Markaas ayuu Ciise taabtay ninkii, wuuna bogsiiyay oo fasaxay. 5 Kadibna wuxuu iyaga weydiiyay, “Midkiin hadduu leeyahay cunug ama dibi oo uu ceel kaga dhex dhaco maalinta Sabtida ah, miyuusan isla markiiba kasoo saari lahayn?” 6 Weyna ka jawaabi kari waayeen tan. 7 Markii uu ogaaday in martidii ey qaadatay boosaskii fiicnaa ee miiska, wuxuu u sheegay tusaalahaan, 8 “Markii uu qof kaa martiqaado xaflad aroos ah, ha fariisan meesha marti sharafta, waxaa laga yaabaa qof kaa sharaf badan in sidoo kale la martiqaaday. 9 Haddii ey taas dhacdo, qofkii labadiinaba idin martiqaaday ayaa intuu kuu yimaado kugu dhahaya, ‘Sii qofkan kursigaaga.’ Bahdilaad kadib, waxaad fariisan doontaa meesha ugu hooseysa. 10 Laakiin marka lagu martiqaado, fariiso meesha ugu hooseysa, si marka qofka ku martiqaaday uu yimaado, kuu yiraahdo, ‘Saaxiib, soo fariiso meesha fiican.’ Kadib waxaad xushmad ku dhex yeelan doontaa martida kaloo dhan dhexdooda. 11 Dhamaan kuwa isa sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa.” 12 Kadib Ciise ayaa ku yiri kii martiqaaday, “Marka aad bixineysid qado ama casho, ha marti qaadin saaxiibadaa, walaalahaa iyo qaraabadaada, ama deriskaaga lacagta leh, haddii aad saas samaysid waxaa laga yaabaa iney iyaguna markooda ku marti qaadaan oo sidaas ayaa abaalkaagi laguugu guday. 13 Laakiin marka aad rabtid inaad bixisid martiqaad, waxaad marti qaadaa danyarta, curyaanka, jiiska iyo indhoolka, 14 waadna barakoobi doontaa, in kastoo eysan kuu gudi karin, waxaa lagugu abaalmarin doonaa sarakicinta kuwa xaqa ah.” Tusaalihii martiqaadkii weynaa 15 Markii uu mid ka mid ah kuwii miiska wax kula cunayay Ciise uu maqlay arintaas, wuxuu Ciise ku yiri, “Waxaa barakeysan midka wax ka cuni doona xafladda boqortooyada Illaah.” 16 Ciise ayaa ku jawaabay, “Nin ayaa diyaarinayay martiqaad aad u weyn waxa uuna martiqaaday marti aad u fara badan. 17 Markii waqtigii la gaaray wuxuu diray adoonkiisii si uu ugu yiraahdo kuwii uu martiqaaday, ‘Kaalaya, wax walba waa diyaar.’ 18 “Laakiin dhamaantood waxey bilaabeen iney ka cududaartaan. Kii koowaad ayaa yiri, ‘Beer ayaan hadda dhow gatay waana qasab inaan baxo oo soo fiiriyo. Fadlan iga raalinoqo.’ 19 “Kii kale ayaa yiri, ‘Hadda dhow ayaan shan dibi oo beerta lagu falo soo gatay, waxaana u socdaa si aan u tijaabiyo. Fadlan iga raalinoqo.’ 20 “Waliba mid kale ayaa yiri, ‘Hadda dhow ayaan guursaday, sidaa darteed ma imaan karo.’ 21 “Adoonkii ayaa soo laabtay warbixintanna siiyay sayidkiisi. Kadib ninkii guriga lahaa ayaa xanaaqay oo ku yiri adoonkiisii, ‘Dhaqso banaanka aad wadooyinka iyo luuqyada magaalada oo ii keen danyarta, curyaanka, indhoolka iyo jiisaska.’ 22 “Adoonkii ayaa yiri, ‘Mudane, waan sameeyay sidaad amartay, laakiin weli qol ayaa banaan.’ 23 “Kadib sayidkii ayaa ku yiri adoonkiisii, ‘Orod oo aad wadooyinka iyo jidadka kuna soo qasab iney yimaadaan, waxaan rabaa inuu gurigeyga buuxsamo. 24 Waxaan idiin sheegayaa, in mid ka mid ah kuwii aan martiqaaday uusan dhadhamin doonin martiqaadkayga.’ ” Micnaha ey leedahay ka mid noqoshada xerta 25 Dad aad u fara badan ayaa Ciise la socday, intuu u soo jeestay ayuu ku yiri, 26 “Kama mid noqon kartaan xerteyda illaa aad i jeclaataan in ka badan inta aad jeceshihiin aabayaashiin iyo hooyooyinkiin, xaasaskiina iyo caruurtiina, walaalihiin wiilal iyo gabdhaba. Iimana imaan kartaan illaa aad naftiina iga jeclaataan. 27 Mid walboo aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo isoo raacin ma noqon karo xerteyda. 28 “Kasoo qaad mid idin ka mid ah ayaa raba inuu dabaq dhisto. Marka hore miyuusan fariisanayn oo xisaabineyn qiimaha ku baxaya si uu u ogaado inuu haysto lacag ku filan oo uu ku dhameeyo? 29 Balse haddii aad aasaaska dhigto oo aad awoodi weyso inaad dhamayso, soo qof walboo arka kuguma jeesjeesayo, 30 iyagoo leh, ‘Qofkan wuxuu bilaabay inuu dhiso wuuna dhameystiri waayay.’ 31 “Ama kaba soo qaad boqor ayaa wuxuu rabaa inuu aado dagaal uu la galayo boqor kale. Miyuusan marka hore fariisanayn si uu uga fikiro inuu awoodo toban kun oo nin inuu kaga hor imaan karo kan la imaanaya labaatan kun oo nin? 32 Haddii uusan awoodin, wuxuu diri doonaa ergo inta uusan kan kale soo dhawaanin waxa uuna codsan karaa nabad. 33 Sidaas oo kale kuwa idin ka mid ah ee aanan ka tagin wax walboo ey haystaan ma noqon karaan xerteyda. 34 “Cusbadu wey fiican tahay balse haddii ey weyso dhanaankeeda, sidee ayaa dhanaan looga dhigi karaa mar kale? 35 Umana fiicna carrada ama bacriminta, waana la daadiyaa. “Mid walboo dheggo wax lagu maqlo leh ha maqlo.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.