Luukos 13 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubToobadkeena ama waad lumi doontaan 1 Isla waqtigaas dad ayaa Ciise u sheegay in Bilaatos uu amray in la dilo dad reer Galili ah iyagoo allabari bixinaya dhiigoodina wuxuu ku darsamay allabarigoodii. 2 Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Miyaad u malaynaysaan in dadkan reer Galili ee dhintay ey ka dembi badnaayeen kuwa Galili jooga oo dhan silicay u dhinteen dartiis? 3 Waxaan idin ku leeyahay, maya! Laakiin illaa aad toobadkeentaan maahee, idinkuna sidoo kale waad lumi dootaan. 4 Ama siddeed iyo tobankii qof ee dhintay markii taaladii Siloo’am ku soo dul dhacday, miyaad u maleyneysaan iney ka dembi badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan? 5 Waxaan idin ku leeyahay, maya! Laakiin illaa aad toobadkeentaan maahee, idinkuna sidoo kale waad lumi doontaan.” 6 Kadib Ciise wuxuu u sheegay tusaalahaan, “Nin ayaa lahaa geed berde ah oo beertiisa canabka ah ka dhex baxayay, maalin ayuu beerta yimid si uu mirro uga gurto laakiin wax mira ah kama uusan helin. 7 Markaas ayuu ninkii beerta ka shaqeynayay ku yiri, ‘Waxaan beertan imaanayay muddo saddex sano ah si aan geedkan berdaha ah mirro uga helo waana ka waayay. Jar muxuu dhulka u qasaarinayaa?’ 8 “Ninkii ayaa ku jawaabay, ‘Mudane, daa hal sano ha sii beernaadee, aniga ayaana geesaha ka qodi doona oo bacrimin doona. 9 Hadduu mirro lahaado sanadka dambe, waa wanaag! Haddii kalase, waad jari doontaa.’ ” Ciise oo bogsiiyay naag dhabarka ka qaloocan maalintii Sabtida 10 Maalintii Sabtida, Ciise wuxuu wax ku barayay mid ka mid ah sunagogyada Yuhuudda, 11 waxaa halkaas joogtay naag ey ruux xun dhabarkeeda ka qaloocisay siddeed iyo toban sano. Wey isku soo qaloocneyd oo si toos ahna uma istaagi karin. 12 Markii uu Ciise arkay naagtii, wuu u yeeray wuxuuna ku yiri, “Hadda waad bogsatay.” 13 Kadibna gacantuu dusheeda saaray, isla markiina wey toosantay oo Illaah ammaantay. 14 Maamulihii sunagogga ayaa ka xanaaqay inuu Ciise wax bogsiiyay maalintii Sabtida, wuxuuna dadkii ku yiri, “Waxaa jira lix maalmood oo aan shaqayno. Haddaba kaalaya mid ka mid ah maalmahaas ha la idin bogsiiyee, laakiin ha imaanina maalinta Sabtida.” 15 Sayid Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Labawejiilayaal yahow! Miyuunan midkiin maalinta Sabtida xarigga ka furin dibigiisa ama dameerkiisa xeradana kasoo bixin oo u kaxeyn inuu waraabiyo? 16 Haddaba miyaysan haweeneydan oo ah ina Ibraahim, taas oo uu Shaydaanku xiray muddo siddeed iyo toban sano ah xor laga dhigi karin maalinta Sabtida?” 17 Markii uu sidan yiri, cadowgiisii oo dhan wey ceeboobeen, laakiin dadkii kale wey ku farxeen waxyaalihii cajiibka ahaa ee uu sameeyay. Tusaalihii iniin khardal ah iyo khamiir 18 Kadib Ciise ayaa weydiiyay, “Sidey u egtahay boqortooyada Illaah? Maxaan u ekeysiin karaa? 19 Waxey u egtahay iniin khardal ah, oo uu nin beertiisa ku beeray. Wey baxday waxeyna noqotay geed weyn, shimbirruhu cirka duulayana laamihiisa ayey buulal ka dhisteen.” 20 Kadib Ciise mar kale ayuu weydiiyay, “Maxaan u ekeysiin karaa boqortooyada Illaahey? 21 Waa sida haweeney khamiir ku qastay labaatan iyo toddoba kiiloo bur ah illaa uu cajiinkii oo dhan ka faxay.” Albaabka ciriiriga ah 22 Kadib Ciise wuxuu maray magaalooyin iyo tuulooyin isaga oo wax baraya illaa uu ka tagay Yeruusaalem. 23 Qof ayaana weydiiyay, “Sayidow, ma dad yar kaliya ayaa badbaadaya?” Wuxuu ku yiri, 24 “Wax walboo aad awoodid samee si aad uga gasho albaabka ciriiriga ah, maxaa yeelay, waxaan kuu sheegayaa, in badan ayaa isku dayi doonta iney ka gasho umana suurtoobi doonto. 25 Markii uu qofka guriga leh istaago oo uu albaabka xiro, waxaad istaagi doontaan banaanka idinkoo garaacaya oo leh, ‘Sayidow, albaabka naga fur.’ “Laakiin wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘Idin ma aqaan mana aqaan meeshaad ka timaadeen.’ 26 “Kadibna waxaad dhihi doontaan, ‘Waan kula cabnay waana kula cunnay, waxaadna wax ku bari jirtay wadooyinkeena.’ 27 “Laakiin wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘idin ma aqaan mana aqaan meeshaad ka timaadeen. Iga taga kuligiin, xumaan falayaal yahow!’ 28 “Waad barooran doontaan, oo ilkaha ayaad isku qaban doontaan, markaad ku dhex aragtaan Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyadoo dhan boqortooyada Illaah, laakiin idinkana banaanka ayaa la idin ku tuuri doonaa. 29 Dadka waxey ka imaan doonaan bariga, galbeedka, waqooyi iyo koonfur, waxeyna dhex fariisan doonaan dabaaldaga ka jira boqortooyada Illaah. 30 Dhab ahaantii waxaa jira kuwa hooseeya oo sareyn doona iyo kuwa sareeya oo hooseyn doona.” Ciise oo u murugooday Yeruusaalem 31 Waqtigaas Farrisiinta qaar ka mid ah ayaa Ciise u yimid oo ku yiri, “Ka tag meeshan oo meel kale aad. Herodos inuu ku dilo ayuu rabaa.” 32 Wuxuu ugu jawaabay, “Baxa oo u sheega dawacaas, ‘Waan sii wadi doonaa inaan saaro ruuxyada wasakhda leh oo aan dadkana bogsiiyo maanta iyo berri, maalinta saddexaadna waan gaari doonaa hadafkeyga.’ 33 Si kastey ahaataba, waa inaan sii socdo maanta, berri iyo berri dambe. Ma wanaagsana in nebi ku dhinto meel Yeruusaalem ka baxsan! 34 “Yeruusaalemey, Yeruusaalemey, tan disha nebiyadaay oo dhagaxeysa kuwa loo soo diray, intee ayaan sugayay inaan isku keeno caruurtaada, sida ey digaagadu iskugu keento jiijiilayaasheeda baalasheeda hoostooda, adiguna ma aadan rabin. 35 Fiiri, waa lagaaga tagay gurigaaga oo waa laguu cidleeyay. Waxaan kugu leeyahay, ima arki doontid mar dambe illaa aad ka tiraahdo, ‘Waxaa barakeysan midka ku yimaada magaca Sayidka.’ ” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.