Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Luukos 12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Digniin iyo dhiiragelin

1 Goortii ey waxyaalahan oo dhan dhacayeen ayaa intaasoo kun oo dadkii badnaa ah Ciise ku soo ag urureen iyagoo isku is istaagaya, markaas ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta! Waayo waa labawejiilayaal.

2 Wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, sir walbana waa la ogaan doonaa.

3 Wax walboo aad mugdiga ku dhahdeen iftiinka ayaa laga maqli doonaa, oo wixii aad si qarsoon dhegaha qolka gudihiisa iskugu sheegteenna maalin ayaa guryaha korkooda laga sheegi doonaan.

4 “Saaxiibadeydow, waxaan idin ku leeyahay, ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila kadibna wax kale aan ku sameyn karin.

5 Laakiin waxaan idin tusi doonaa kan aad ka cabsan lahaydeen, ka cabsada kan marka jirkiina la dilo awood u leh inuu naarta ku tuuro. Haa, waan idiin sheegaya, isaga ka cabsada!

6 Miyaan shan shimbirrood laba benni lagu gadin? Laakiin Illaahey midkoodna ma illoobo.

7 Xitaa timaha madaxaaga ku yaala wey tirsan yihiin. Sidaa darteed ha cabsanina, waayo waad ka qiimo badan tihiin shimbirro badan.

8 “Waxaan idin ku leeyahay, mid walboo dadka hortooda igu qirta, Wiilka Aadanahuna malaa’igta iyo Illaahey hortiisa ayuu ku qiran doonaa.

9 Laakiin mid walboo dadka hortooda igu inkira isagana Illaahey iyo malaa’igta hortooda ayaa lagu inkiri doonaa.

10 Qof walboo wax ka sheega Wiilka Aadanaha waa la cafin karaa, laakiin qofkii caaya Ruuxa Quduuska ah lama cafin doono.

11 “Haddii la idin hor keeno sunagogga, taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sida aad isku difaaci laheydeen ama waxaad dhihi laheydeen,

12 waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idiin sheegi doona waxaad dhahdaan.”


Tusaalihii taajirkii nacaska ahaa

13 Qof dadkii badnaa ku jiray ayaa Ciise ku yiri, “Macalinow, walaalkey u sheeg dhaxalka aabahay noo dhaafay inuu noo kala qeybiyo.”

14 Markaas ayaa Ciise u jawaabay oo ku yiri, “Yaa garsoore iiga dhigay si aan maslaxo kaga keeno dhexdiina?”

15 Kadibna Ciise wuxuu dadkii badnaa ku yiri, “Ha hunguri weynaanina! Waayo noloshu kuma xirna hantida badan ee aad leedahay.”

16 Markaas ayaa Ciise tusaalahaan iyaga u sheegay, “Waxaa jiri jiray nin taajir ah oo beertiisuna waxey bixin jirtay mirro fiican.

17 Markaas ayuu is dhahay, ‘Ma lihi meel aan waxan oo dhan dhigto, maxaan sameeyaa?’

18 “Kadibna wuxuu dhahay, ‘sidan ayaan sameynayaa, maqsinyadaydi oo dhan ayaan duminayaa oo mid kasii weyn ayaan dhisi doonaa, kadibna badarkeyga oo dhan wuu deeqi doonaa.

19 Kadibna waxaan nafteyda ku dhihi doonaa, “Waxaad leedahay waxyaalo fiican oo kugu filan sanado badan oo soo socda. Noloshu wey fududaatay, naso, cun, cab oo farax.” ’

20 “Laakiin Illaaheyna wuxuu ku yiri, ‘Doqon yahow! Caawa waad dhiman doontaa. Marka yaa lahaan doona waxaad meel dhigatay oo dhan?’

21 “Arintaas ayaa ku dhici doonta mid walboo wax kaligiis meel dhigta, oo Illaaheyna hortiisa miskiin ka ah.”


Ha welwelina

22 Ciise wuxuu xertiisa ku yiri, “Sidaas darteed ha ka welwelina noloshiina, waxaad cuntaan, ama jirkiina waxaad gashan doontaan.

23 Waayo noloshu wey ka qiimo badan tahay cunto, jirkuna wuu ka qiimo badan yahay dharka.

24 Bal fiiriya tukayaasha, waxna ma beertaan mana gooystaan, mana laha meel ey cunto ku urursadaan ama maqsin, laakiin Illaahey wuu quudiyaa. Idinkuna miyeydaan ka qiimo badneyn shimbirraha!

25 Yaa idin ka mid ah oo welwel dartiis maalmaha noloshiisa saacad ku dari kara?

26 Haddiiba waxyaalahan yar yar eydan sameyn karin maxaad uga welweshaan waxa kale?

27 “Bal ka fikira sida ey ubaxyada duurka u baxaan, ma shaqeystaan oo dharkooda ma sameystaan. Waxaan idin ku leeyahay xitaa Sulaymaan oo lahaa hantidaas oo dhan uma labis qurxoonayn sida mid ka mid ah ubaxyadan oo kale.

28 Haddaba haddii uu Illaahey sidaas ugu labiso caws duureedka, kaasoo maanta baxaya berrina dabka lagu tuurayo, sidaas si ka badan miyuunan idin ku labisi doonin kuwiinan iimaanka yarow!

29 Mar walbana ha ka welwelina inaad haysataan cunto ama cabitaan idin ku filan.

30 Waayo quruumaha dunidu aan Illaahey garaneyn ayaa waxyaalahan ka welwela. Laakiin Aabihiin wuu garanayaa waxaad u baahantihiin.

31 Laakiin marka hore raadiya boqortooyadiisa kadibna waxyaalahan oo dhan waa la idin siin doonaa.

32 “Xerteydiyeey ha cabsanina, waayo Aabihiin wuxuu raali ka yahay inuu idin siiyo Boqortooyada.

33 Maalkiina oo dhan iibiya oo lacagtana siiya masaakiinta. Oo boorsooyin aan idin ka duugoobeynin sameysta. Ku hubsada maalkiina jannada halkaasoo markii uu tuug ama cayayaan u dhowaado aan baabi’in.

34 Waayo meesha ey hantidaadu jirto ayuu qalbigaagu jiri doonaa.


Taxadarnimo

35 “Diyaar u noqda shaqada oo feynuustiina ha shidnaato,

36 sida adeegayaasha sugaya sayidkoodu inuu kasoo laabto xafladda arooska, markii uu yimaado oo albaabka garaaco isla markii ayey istaagaan oo albaabka ka furaan.

37 Wey u roontahay in adeegayaashu sayidkooda u yimaado iyagoo soo jeeda oo diyaar ah. Runtii waxaan idin ku leeyahay, adeegayaashaas wuu fariisin doonaa oo isagu intuu is diyaariyo ayuu u adeegi doonaa.

38 Wey u roontahay adeegayaasha uu sayidkoodu u yimaado iyagoo diyaarsan, xitaa hadduu habeen barkii yimaado ama waaberi.

39 Laakiin tan ogaada, haddii qofka guriga leh garan lahaa waqtiga uu tuugu imaanayo, ma u ogolaan laheyn inuu guriga ku soo jabiyo.

40 Sidaa darteed idinkuna waa inaad diyaar noqotaan, waayo Wiilka Aadanahu wuxuu imaan doonaa waqti aadan filaneynin.”

41 Markaas ayaa Butros weydiiyay Ciise, “Sayidow, tusaalahaan anaga miyaad noo sheegeysaa mise qof walba?”

42 Sayidkuna wuu u jawaabay oo ku yiri, “Waa kuma maamulaha aaminka ah ee xigmadda leh, oo uu sayidkiisu madax uga dhigay adeegayaasha kale si uu waqti fiican cuntadooda u siiyo?

43 Wey u roontahay adeegahaas oo markii sayidku soo laabto uu arki doono isaga oo waxyaalahan sameynayo.

44 Runtii waxaan idin ku leeyahay sayidku wuxuu adeegahaas masuul uga dhigi doonaa hantidiisa oo dhan.

45 Laakiin haddii adeeguhu is dhaho, ‘Sayidkeygi mar dhow ma soo laabanayo,’ oo bilaabo inuu garaaco adeegayaashii kale rag iyo dumarba, oo uu cuno, cabo oo sarqaamo.

46 Sayidkiisu wuxuu soo laaban doonaa maalin uusan filanayn, iyo waqti uusan ogayn. Adeegahaas waa la ciqaabi doonaa oo waxaa lala dajin doonaa kuwa aan iimaanka lahayn.

47 “Adeega walboo garanayo waxa sayidkiisu uga baahanyahay inuu sameeyo oo aan diyaar u noqoneynin ama sameyneynin waxa sayidku doonayo, aad ayaa loo garaaci doonaa.

48 Laakiin adeegaha aan garaneyn waxa sayidkiisu rabo inuu sameeyo, aad looma ciqaabi doono. Waayo mid walboo wax badan la siiyo, wax badan ayaa laga sugayaa, mid walboo wax badan lagu aaminay wax badan ayaa la weydiin doonaa.


Nabad la’aan iyo kala qeybsanaan

49 “Waxaan u imid inaan aduunka dab keeno, oo waxaan jeclaan lahaa dabkaan inuu horey u bilaabmay!

50 Silac daran ayaa la i marin doonaa, xanibaada isaaranna ilaa ey ka kaamilanto.

51 Miyaad u maleyneysaan inaan dunidan u imid inaan nabad keeno? Maya, waxaan u imid inaan dadka kala qeybiyo.

52 Hadda laga bilaabo, reerkii shan qof ka kooban, laba iyo saddex ayey u qeybsami doonaan oo iskaga soo horjeesan doonaan.

53 Aabaha iyo wiilashiisa, hooyo iyo gabdhaheeda ayaa iska soo horjeesan doona, xitaa soddohda iyo gabadheeda wey iska soo horjeesan doonaan.”


Sida waqtiga loo garto

54 Ciise ayaa dadka wuxuu ku yiri, “Goortaad daruur galbeedka ka aragtaan, isla markiiba waxaad is dhahdaan ‘Roob ayaa da’i doona,’ wuuna da’aa.

55 Oo markii dabeysha koonfurta ey dhacayso waxaad dhahdaan, ‘Kuleyl ayey noqon doontaa,’ waana ahaataa.

56 Labawejiilayaal yahow! Waad kala garaneysaan muuqashada dhulka iyo cirka. Sidee ayey ku noqotay in eydan kala garaneyn waqtigan la joogo?

57 “Maxeydan u qaadan weydeen go’aan saxda ah?

58 Qof hadduu wax kugu dacweeyo ku dadaal inaad xalisid intaan maxkamadda lagu geynin ka hor. Haddii aadan xalininna waxaa lagu horgeynayaa xaakimka, xaakimkuna wuxuu kuu sii dhiibayaa askariga, oo xabsi ayaa lagu gelin doonaa.

59 Waxaan kugu leeyahay ma ka bixi doontid illaa aad shilinka ugu dambeeya bixisid maahee.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan