Luukos 1 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubHordhac 1 Ku socota mudane Te’ofilos. Dad badan ayaa isku dayay iney wax ka qoraan waxyaalihii ka dhacay dhexdeena ee la hubsaday. 2 Sida ey noogu soo dhiibeen kuwii hore waxey ahaayeen marqaatiyaal iyo adeegayaal ereyga. 3 Sidaas darteed aniguna waxaan si taxadar leh ku sameeyay baaritaan wax walba leh illaa bilowgii, waxeyna ila ekaatay iney fiican tahay inaan si habeysan kuugu soo qoro, mudane Te’ofilosow, 4 si aad adiguba u ogaato runta waxyaabihii lagu soo baray. Dhalashada Yooxanaa Baabtiisaha oo la sii sheegay 5 Waqtigii Herodos ahaa boqorka Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la yiraahdo Sakariyas oo ka mid ahaa wadaaddadii Abiya. Xaaskiisa Elisabedna waxey ahayd farcankii Haaruun. 6 Labadooduba Illaahey hortiisa waxey ku ahaayeen kuwa xaq ah, wey adeeci jireen amarrada Illaah oo eed la’aan ayey ku noolaayeen. 7 Laakiin ilmo ma haysan, waayo Elisabed waxey ahayd madhalays, labadooduna wey da’ weynaayeen. 8 Maalin maalmaha ka mid ah Sakariyas wuxuu qabanayay shaqadiisii wadaadnimada, oo Illaahey ayuu u adeegayay. 9 Sida caadadii wadaadnimada u ahayd maalintaas isaga ayaa la doortay inuu macbadka Rabbiga galo oo foox ka shido. 10 Waqtigii fooxa la shidayay markii la gaaray, kuwii cibaadeysanayay ayaa banaanka iney ku duceystaan isugu yimid. 11 Markaas ayaa waxaa Sakariyas u muuqday malag xagga Rabbiga ka yimid, kaasoo taagnaa dhinaca midig ee meesha fooxa lagu shido. 12 Sakariyas goortuu arkay wuu isku naxay, cabsi ayaana gashay. 13 Laakiin malagii ayaa ku yiri “Sakariyas ha cabsan, waayo Illaahey wuu maqlay ducadaadi. Xaaskaaga Elisabed waxey kuu dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Yooxanaa. 14 Dhalashadiisuna aad ayey kaaga farxin doontaa, dad badanna sidoo kale wey ku farxi doonaan dhalashadiisa. 15 Waayo qof weyn ayuu Illaah hortiisa ku ahaan doonaa. Mana cabi doono khamri ama cabitaan kale oo la khamiiriyay, inta uusan dhalan ka hor ayaa Ruuxa Quduuska ah ka buuxsami doonaa. 16 Dad badan oo reer binu Israa’iil ah ayuu Illaaha Rabbigooda ah ku soo celin doonaa. 17 Wuxuuna kasoo hor mari doonaa Rabbiga isaga oo leh ruuxii iyo xooggii Eliyaas. Si uu quluubta waalidka ugu soo jeediyo caruurtooda, kuwii caasiyeyna wuxuu ku celin doonaa xigmadda xaqa ah, si uu dadka Rabbiga ugu diyaariyo.” 18 Sakariyas wuxuu malagii weydiiyay, “Sidee ayaan ku garan karaa tani iney dhici doonto? Waayo waxaan ahay nin oday ah xaaskeyguna sidoo kale wey da’ weyn tahay.” 19 Malagii ayaa ugu jawaabay, “Waxaan ahay Jibriil, adeegihii Illaah waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan kuu sheego warkan wanaagsan. 20 Haddaba waad aamusnaan doontaa, illaa maalinta ey waxaan ka dhacayaan, waayo ma aadan aaminin hadalkeyga kaasoo rumoobi doona waqtiga loogu talagalay.” 21 Dadkii ayaa Sakariyas banaanka ku sugayay weyna la yaabeen wuxuu macbadka ugu soo daahay. 22 Markii uu banaanka u soo baxay, ma la hadli karin iyaga. Markaas ayey ogaadeen inuu macbadka wax ku soo arkay, waayo gacmaha ayuu wax ugu tilmaamayay laakiin wax ma dhihi karin. 23 Goortii waqtigiisi uu macbadka ka shaqeynayay dhamaaday ayuu guriga u laabtay. 24 Kadibna xaaskiisi Elisabed wey uuraysatay oo shan bilood ayey is qarineysay. 25 Waxeyna tiri, “Arintan Rabbiga ayaa ii sameeyay. Waqtigan naxariistiisi ayuu i tusay oo wuxuu iga qaaday ceebteydi ilma laanta ahayd.” Dhalashada Ciise oo la sii sheegay 26 Markii Elisabed uurkeedu bishii lixaad marayay, ayaa Illaah wuxuu u soo diray malag Jibriil magaalo la yiraahdo Naasared oo ku taalay Galili. 27 Wuxuuna u soo diray gabar bikro ahayd oo u doonaneyd nin la dhihi jiray Yuusuf, kaasoo ahaa dhashii Daa’uud. Gabadhaas bikrada ahayd magaceedu wuxuu ahaa Maryan. 28 Malagii ayaa u yimid oo ku yiri, “Waan ku salaamay, adigan aadka loogu nimceeyay! Rabbiga ayaa kula jira.” 29 Maryan aad ayey hadalkii malaga uga welweshay waxeyna istiri salaantan maxey noqon kartaa. 30 Laakiin malagii ayaa ku yiri, “Ha cabsan Maryaney, waayo nimco ayaad Illaah ka heshay. 31 Waxaad dhali doontaa wiil, waxaadna u bixin doontaa Ciise. 32 Qof weyn ayuu noqon doonaa, waxaana loogu yeeri doonaa Wiilka Illaaha ugu Sareeya. Rabbiga Illaaha ah ayaa wuxuu siin doonaa carshiga aabihiis Daa’uud. 33 Wuxuuna weligiis boqor u ahaan doonaa dhashii Yacquub oo boqortooyadiisuna ma dhamaan doonto weligeed.” 34 Markaas ayey Maryan weydiisay malagii, “Sidey arintan ku dhici kartaa, waayo waxaan ahay bikro?” 35 Malagii ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, xoogga Kan ugu Sareeya ayaad hoos tagi doontaa. Sidaa darteed kan quduuska ah ee dhalan doona waxaa loogu yeeri doonaa Wiilka Illaah. 36 Xitaa Elisabed oo aad qaraabo tihiin waxey dhali doontaa ilmo iyadoo da’ weyn, dadku madhasho ayey ugu yeeri jireen laakiin hadda wey uuraysatay oo bishii lixaad ayey u tahay. 37 Waayo ma jiro erey ka yimid xagga Illaahey oo weligiis fashilmo.” 38 Markaas ayaa Maryan ku tiri, “Waxaan ahay adeegaha Rabbiga, hadalkaad igu tiri oo dhan ha ii rumoobo.” Kadibna malagii wuu ka tagay. Maryan waxey booqatay Elisabed 39 Maalmo kadib Maryan ayaa si dhaqso ah u tagtay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. 40 Waxey tagtay gurigii Sakariyas deganaa, wey soo gashay waxeyna salaantay Elisabed. 41 Elisabed markey maqashay salaantii Maryan cunuggii uurkeeda ku jiray ayaa ku dhex boodbooday, Elisabedna Ruuxa Quduuska ah ayaa ka buuxsamay. 42 Markaas ayey cod dheer ku tiri, “Illaahey dumarka oo dhan dhexdooda ayuu kaa barakeeyay, waxaana barakeysan ilmaha aad dhali doonto. 43 Laakiin maxaa sidan oo dhan la iigu nimceeyay, oo Rabbiga hooyadiis ii soo booqatay? 44 Isla markaan codkaaga maqlay ayaa ilmihii uurkeyga ku jiray farxad la boodbooday. 45 Waxaa barakeysan tan aamintay in Rabbigu u sameyn doono wuxuu ka ballan qaaday.” Heesihii Maryan 46 Maryanna waxey tiri, “Nafteydu Rabbigey ammaantaa. 47 Ruuxdeydana waxey ku faraxdaa Illaaha ah badbaadiyaheyga. 48 Waayo wuu u naxariistay adeegtadiisa is hooseysiisa. Hadda laga bilaabo qarniyada oo dhan waxey iigu yeeri doonaan tan barakeysan. 49 Waayo Kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyay, magaciisu waa Quduus. 50 Naxariistiisu waxey gaartaa kuwa isaga ka cabsada, jiil ka jiil. 51 Waxyaalo waaweyn ayuu gacantiisa ku sameeyay, wuxuuna kala firdhiyay kuwii ka kibrey fikradihii qalbigooda. 52 Boqorro ayuu carshigoodi ka qaaday, laakiin kuwii hooseeyayna wuu sareeysiiyay. 53 Kuwii gaajeysnaa ayuu wax wanaagsan ka dherjiyay oo kuwii taajirka ahaana wax la’aan ayuu diray. 54 Wuxuu caawiyay adeegihiisi Israa’iil, oo xasuustay ballantii uu ka qaaday oo ahayd inuu u naxariisto. 55 Waayo ballan ayuu ka qaaday Ibraahim iyo dhashiisii weligoodba, sidii uu ballanta uga qaaday awoowayaasheen.” 56 Maryanna waxey Elisabed la joogtay muddo saddex bilood ah, kadibna waxey u noqotay gurigeeda. Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha 57 Haddaba waxaa la gaaray waqtigii Elisabed umuli lahayd, oo waxey dhashay wiil. 58 Deriskeedii iyo qaraabadii oo dhan markey maqleen Rabbigu inuu naxariistiisi tusay, iyagiina wey la farxeen. 59 Cunugu markii uu jiray siddeed maalmood ayaa dadkii yimaadeen si ey u gudaan. Waxeyna rabeen iney ku samiyaan magaca aabihiis Sakariyas. 60 Laakiin hooyadiis ayaa hadashay waxeyna tiri, “Maya! Yooxanaa ayaa loo bixinayaa.” 61 Dadkii ayaa waxey ku yiraahdeen, “Laakiin qof magacaas leh reerkiina kuma jiro.” 62 Markaas ayey aabihiis tilmaan ku weydiiyeen magaca uu doonayo in cunugga loo bixiyo. 63 Markaas ayuu weydiistay loox wax lagu qoro, wuxuuna qoray, “Magaciisu waa Yooxanaa.” 64 Isla markii ayaa afkiisi furmay oo carrabkiisuna dabcay, wuxuuna bilaabay inuu hadlo isaga oo Illaah ammaanaya. 65 Dadkii oo dhan ayaa cabsi gashay, oo wixii halkaas ka dhacayna waxaa lagaga hadlay magaaladii buuraha lahayd ee Yahuudiya. 66 Qof walboo warkan maqlayna aad ayuu ula yaabay oo waxey is weydiiyeen, “Cunugaan muxuu noqon doonaa?” Waa hubaal Rabbigu wuu la jiray. Heesihii Sakariyas 67 Yooxanaa aabihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, wuxuuna bilaabay inuu wax sii sheego, 68 “Ammaan ha u ahaato Rabbiga, Illaaha Israa’iil, waayo dadkiisi ayuu caawiyay oona madax furtay. 69 Badbaadiye xoog leh ayuu noosoo diray kan ka imaanaya reerkii adeegihiisa Daa’uud. 70 Sidii uu ku sheegay nebiyadiisi hore ee quduuska ahaa. 71 Haddaba wuxuu naga badbaadin doonaa cadowyadeena, iyo kuwa na neceb oo dhan. 72 Inuu u naxariisto awoowayaasheen oo uuna xasuusto axdigii quduuska ahaa. 73 Axdigii uu ugu dhaartay aabaheen Ibraahim. 74 Inuu naga badbaadiyo gacanta cadowyadeena, oo na siiyo awood aan cabsi la’aan ugu adeegno, 75 si aan anaguna hortiisa quduusnimo iyo xaq ugu noolaan lahayn weligeen. 76 “Adiguna, wiilkeygiyow, waxaa lagugu yeeri doonaa nebiga Kan ugu Sareeya, waayo waxaad ka hor mari doontaa Rabbiga oo jidka ayaad usii diyaarin doontaa. 77 Waxaad dadkiisa ogeysiin doontaa sida badbaadada dembidhaafka loo helo. 78 Naxariista iyo jaceylka Illaaheena ayaa qoraxda samada nooga soo ifin doona. 79 Si ey ugu iftiinto kuwa mugdiga iyo hooska dhimashada ku nool, oo iftiinkuna wuxuu u ifayaa inuu nagu hogaamiyo jidka nabadda.” 80 Yooxanaana wuu koray wuxuuna ku xooggeystay Ruuxa Illaahey. Wuxuuna joogay cidlada illaa maalintii uu shaqada Illaah si cabsi la’aan ah uga bilaabay reer binu Israa’iil dhexdooda. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.