Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Kolosay 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Sayidyadow, adeegayaashiina siiya waxa xaq ah oona saxda ah, waayo sidoo kale waad ogtihiin inaad Sayid xagga jannada ku leedihiin.


Ducada la isku dhiirigelinaya

2 Ku adkeysta ducada, idinka oo is ilaalinaya oona mahadcelinaya.

3 Anagana noosoo duceeya, inuu Illaahey albaab u furo fariinteena, si aan u wacdino waxa qarsoon ee ku saabsan Masiixa, taas oo darteed aan xabsiga ugu jiro.

4 Ii duceeya si aan fariintan si cad ugu wacdiyo.

5 Si xigmad leh ugu dhex noolaada kuwa aan aaminsaneyn, fursadaasna ka faa’iideysta.

6 Mar walba hadalladiina ha ahaadaan kuwo nimco leh oo dadka soo jiidanaya si aad u heshaan waxa saxda ah oo aad qof walba ugu jawaabtaan.


Salaantii ugu dambeysay

7 Tukhikos ayaa idiin sheegi doona war aniga igu saabsan. Isagu waa walaalkey qaali ah, adeege daacad ah oo aan Rabbiga u wada adeegno.

8 Waxaan isaga idin kugu u soo diray sababtan, inuu idiin sheego inaad ogaataan xaaladdeena oo uu qalbiyadiina dhiirigeliyo.

9 Waxaa kale oo aan idiin soo dirayaa Oneesimos, walaal qaali oo aamin ah, kaasoo idin ka tirsan. Isaga iyo Tukhikos wey idiin sheegi doonaan wax walboo halkan ka dhacaya.

10 Aristarkhos oo aan xabsiga iskula jirnana wuu idin soo salaamayaa, sidoo kale Markos oo Barnabas abti u yahay wuu idin salaamay. Sida horey la idin ku amray, Markos markii uu idin imaado soo dhaweeya.

11 Ciise, kaasoo aan ugu yeerno Yuustos, isaguna wuu idin soo salaamayaa. Kuwani waa kuwa Yuhuud ah oo ka mid ah kuwa igala shaqeeya xagga boqortooyada Illaahey, iyagoo dhanna wey i qalbi qaboojiyeen.

12 Ebafras, kaasoo idin ka tirsan oona ah adeegaha Ciise Masiix, isaguna wuu idin soo salaamayaa. Aad ayuuna idiin ku duceeyaa, si uu Illaahey idiin adkeeyo oo kaamil idinkaga dhigo, idinka oo si dhameystiran kalsooni u leh oo aadna doonista Illaahey u sameysaan.

13 Waxaan u marqaatifurayaa inuu aad idiin kugu duceynayo idinka iyo walaalaha La’odikiya iyo Hi’erabolis joogaba.

14 Luukos oo saaxiibkeena qaali ah oo dhakhtarna ah iyo Deemaas ayaa idin soo salaamaya.

15 Iigu salaama walaalaha jooga La’odikiya, Numfas iyo walaalaha gurigiisa ku kulma.

16 Markaad akhrisaan warqaddan u gudbiya kaniisadda kutaalo La’odikiya si ey iyaguna u akhristaan. Waa inaad warqadda aan soo qoray iyaga u akhrisaan.

17 Arkhibbosna waxaad ku dhahdaan, “Fiiri inaad dhameystirto adeega aad ka heshay Rabbiga.”

18 Aniga Bawlos ah, ayaa salaantan gacanteyda kusoo qoray. Xasuusta inaan xabsi ku jiro. Nimcada Illaahey ha idin la jirto.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan