Kolosay 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubKu noolaashada nolol cusub 1 Haddaba waxaad la soo sarakacdeen Masiixa, sidaa darteed qalbigiina saarta waxyaalaha samada, halkaas oo Masiixu fadhiyo meel sharaf leh oo ah gacanta midig ee Illaahey. 2 Bal ka fikira waxyaalaha jannada, hana ka fikirina waxyaalaha aduunka. 3 Waayo waad u dhimatay, oo noloshaadana waxaa lagu qariyay tan Masiixa oo ku jirto Illaahey. 4 Markii Masiixa oo ah noloshaada uu soo muuqdo, adiguna sidoo kale ammaantiisa ayaad kula soo muuqan doontaa. 5 Sidaa darteed ha sameynina waxyaalaha sharta ah ee dabeecada dunida, siiba sinada, wasakhnimo, damaca, rabitaanka sharta ah iyo hungurinimada taas oo ah sanam caabudida. 6 Waxyaalahan dartood carada Illaahey wey soo socotaa. 7 Waxyaalahan ayaad sameyn jirteen markii noloshiinu ahayd mida aduunka. 8 Laakiin waa inaad iska saartaan dhamaan waxyaalaha sida, xanaaqa, carada, xumaan iyo caay, iyo hadallo xun xun oo afkiina kasoo baxa. 9 Been ha isku sheegina, waayo waxaad iska siibteen dabeecadiini hore iyo dhaqankeediba. 10 Gasho dabeecadaada cusub, taas oo loo cusbooneysiinayo aqoonta muuqaalka abuuraheeda. 11 Noloshan cusub micno ma sameyneyso haddii aad Yuhuud tahay ama dadka aan Yuhuudda ahayn, mid la guday ama mid aan la gudin, shisheeye ama reer Iskutees, adoon ama xor. Laakiin Masiixa ayaa wax walba ah, anaga oo dhan ayuu nagu dhex nool yahay. 12 Haddaba, Illaahey wuu idin doortay si aad u noqotaan dadkiisa quduuska ah ee uu aadka u jecel yahay, isu naxariista, is hooseysiiya iskuna dulqaata. 13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo haddii aad isu gefteen. U cafi siduu Rabbigu adigaba kuu cafiyay. 14 Waxyaalahan oo dhan waxaa ka muhiimsan in aad is jeclaataan, waayo haddii aad sidaas sameysaan si kaamil ah ayaad u midoobi doontaan. 15 Nabadda xagga Masiixa ka timaada qalbiyadeena ha u taliso, waayo sida kuwo ka tirsan hal jir waxaa na loogu yeeray inaan nabad ku noolaanno. Mar walbana noqda kuwa mahadceliya. 16 Fariinta Masiixuna ha idin ku dhex jirto. Wax is bara oo isku canaanta xigmadda uu idin siiyay oo dhan. Illaahey ku amaana heeso Sabuurradda, heesa qasiidooyin iyo kuwa ruuxi ah idinka oo qalbiyadiina ka mahadcelinaya. 17 Wax walboo aad sameysaan ama aad dhahdaan, sameeya idinkoo ku sameynaya magaca Sayid Ciise dartiis, idinka oona u maraya isaga u mahadceliya Illaaha Aabaha ah. Tilmaamaha laga rabo reerka masiixiyiinta ah 18 Xaasasyahow, nimankiina ka dambeeya, waayo taasi waa shaqadiina sida kuwa ka tirsan masiixinimada oona ka farxisa Rabbiga. 19 Nimankow, xaasaskiina jeclaada si xunna ha ula dhaqmina. 20 Caruur yahow, waalidkiina ku adeeca wax walba, waayo tani Rabbiga ayey ka farxisaa. 21 Aabayaashow, ha ka xanaajinina caruurtiina, si eysan u niyad jabin. 22 Adeegayaalow, mudanayaashiina aduunka waxaad sameysaan oo dhan ku adeeca. Markey idin arkayaan kaliya maahee isku daya inaad mar walba ka farxisaan, cabsida Rabbiga darteed qalbi daacad ah ugu adeega. 23 Wax walboo aad sameysaan, qalbigiina oo dhan ka sameeya, si inaad Sayidka u shaqeyneysaan oo kale, ma aha inaad binu aadan u shaqeysaan oo kale. 24 Xasuusta inuu Rabbigu dhaxal idiin siin doono abaalgud ahaan, oo Mudanaha aad u adeegtaanna waa Masiixa. 25 Qof walboo wax xun sameeya xumaantaas ayaa laga abaalmarin doonaa, waayo Illaahey ma yaqaano eexasho. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.