Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Kolosay 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Waxaan rabaa inaad ogaataan sida dadaalka badan ee aan idinka iyo dadka La’odikiya iyo dhamaan kuwa aan weligood i arkinba ugu shaqeeyay.

2 Ujeedadeydu waa iney qalbiyada ka dhiiranaadaan oo ey ku midoobaan jaceylka. Waxaanna rabaa iney kalsooni dhameystiran ku qabaan fahanka qorshaha Illaahey ee qarsoon, taas oo ah Masiixa.

3 Isaga waxaa ku dhex qarsoon maalka oo dhan kaasoo ah xigmad iyo aqoon.

4 Waxaan waxyaalahan idiin kugu sheegaya si aan la idin ku khiyaanin dood been ah xitaa haddii ey idin qanciso.

5 Waayo inkastoo aan idin ka maqanahay, laakiin ruuxdeyda wey idin la jirtaa. Waana ku faraxsanahay markaan arko idinka oo edeb leh oo iimaankiinana Masiixa ku adagyahay.


Ku xorooba amarrada iyo nolosha cusub ee laga dhex helo Masiixa

6 Sidaa darteed, sida aad ugu aqbasheen Ciise Masiix sida Rabbigiina, sidaa oo kale isaga ku sii dhex noolaada.

7 Xididyadiina haku dhex baxaan, oo noloshiinana isaga ku dul dhisa. Kadibna iimaankiinu wuxuu ku adkaan doonaa runta la idin baray, mahadcelintiinuna wey badnaan doontaa.

8 Iska jira qofna yuusan idin ku khiyaanin waxbaridiisa beenta ah, taas oo ku xiran xagga binu aadanka iyo xoogaga aasaasiga ruuxiga ee ka yimaada dunidan beddelkii Masiixa.

9 Waayo Ciise kaamilnimada Illaahey oo dhan ayaa jirkiisa ku jirta.

10 Sidaa darteed idinkuna Ciise dartiis ayaa la idin ka dhigay kuwa kaamil ah. Wuxuuna madax u yahay awood walba iyo amar walba.

11 Isaga dartiis ayaa la idiin guday laakiin ma aha gudniinka jirka la iska gooynayo. Masiixu wuxuu nagu guday gudniin ruuxi ah, kaasoo naga gooyay dabeecadeena dembiga leh.

12 Waayo markii la idin baabtiisay waxaa la idin la duugay Masiixa. Haddana isaga ayaad nolol cusub ula soo sarakacdeen iimaankiina dartiis, waayo waxaad aaminteen awoodda weyn ee Illaah.

13 Markii aad dembiyadiina iyo jirkiina oo aan la gudin ku dhimateen, Illaahey wuxuu idin ku nooleeyay Masiixa. Isaga ayaa naga cafiyay dembiyadeena oo dhan.

14 Wuxuu naga tirtiray dembiyadeeni iyo wixii nagula eedeeyay, wuu naga qaaday oo wuxuu ku qodbay iskutallaabta.

15 Siiba Illaahey wuxuu ka guuleystay awoodda iyo amar, wuxuuna dadweynaha tusay inuu ka guuleystay taas oo ka timaaday wuxuu Ciise sameeyay darteed.


Ka xorowga amarrada binu aadanka

16 Sidaa darteed ha u ogolaanina inuu qofna idin ku xukumo waxaad cuntaan ama cabtaan, ama in eydan dabaaldegin Iidda ama dabaaldegga dayaxa cusub ama maalinta Sabtida.

17 Waayo waxyaalahan waa hooska waxa xaqiiqda ah ee imaan doona. Oo Masiixa ayaa ah xaqiiqdaas.

18 Dadka iska dhig dhiga iney is hooseysiiyaan oona caabudaan malaa’igta yeysan idin khiyaanin. Waxey ku faanaan iney wax arkaan laakiin waxaas waxba kama jiraan waayo waxaa iyaga ka buuxa rabitaan daneysi ah.

19 Mana ku xiriirsana Masiixa oo ah madaxa jirka. Waayo wuxuu isku hayaa jirka iyo xubnaha oo dhan, weyna koraan iyagoo Illaahey uu nafaqeynayo.

20 Waxaad la dhimateen Masiixa, wuxuuna idin ka xoreeyay xoogaga aasaasiga ruuxiga ee dunidan. Sidaa darteed maxaad ugu nooshihiin amarrada dunidan oo leh,

21 “Ha qaban! Ha dhedhemin! Ha taaban!”

22 Amaradaan oo kale waa baritaanka binu aadanka oo halaabaya markaan isticmaalno.

23 Amaradaan waxey u egyihiin wax xigmad leh waayo waxey u baahanyihiin duco istustus oo ey isu sameeyaan, is hooseysiinta beenta ah, sida adag ey jirka wax ugu sameeyaan. Laakiin amaradaan dadka kuma caawiyaan in eysan sameyn waxyaalaha dembiga ah taas oo uu jirku rabo inuu sameeyo.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan