Galatiya 6 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubWanaag u sameeya qof walba 1 Walaalayaalow, haddii walaal kale dembaabo, idinkan ruuxa ku socda waa inaad si qabow u waanisaan oo jidka kusoo celisaan. Idinkuna waa inaad is jirtaan si eydan jarribaadaas oo kale ugu dhicin. 2 Dhibkiina isla wadaaga, sidaas haddaad sameysaan sharciga Masiixa ayaad adeeceysaan. 3 Haddii aad isku maleyso inaad dadka kale ka qiima badan tahay, waad is khiyaantay waayo saas uma qiima badnid. 4 Qof walba waa inuu shaqadiisa tijaabiyaa. Kadibna waxaad ku faanto ayaad heleysaa, idinka oo aanan shaqadiina iyo kuwa kale shaqadooda is barbardhigin. 5 Waayo qof walba waa inuu culeyskiisa qaataa. 6 Laakiin kuwii ereyga Illaahey la baray waa iney waxyaalaha wanaagsan oo dhan la wadaagaan midka iyaga baray. 7 Yaan la idin khiyaanin, Illaahey laguma jeesjeesi karo. Qofku wuxuu gurtaa wixii uu abuurtay. 8 Mid walboo abuurtay inuu ka farxiyo jirka, jirka ayuu ka guran doonaa dhimasho iyo qurun, laakiin mid walboo abuura inuu Ruuxa ka farxiyo, Ruuxa ayuu ka guran doonaa nolosha weligeed ah. 9 Bal yaanan ka daalin inaan waxyaalo wanaagsan sameyno, waayo waqti fiican ayaan abuurka guran doonaa haddii aanan qalbi jabin. 10 Sidaa darteed waxaan heysanaa fursad aan wanaag qof walba ugu sameyno, siiba kuwa ka tirsan qoyska rumeystayaasha. Waanadii ugu dambeysay ee Bawlos 11 Bal fiiriya xarfahan waaweyn ee aan gacanteyda idiin kugu soo qoray! 12 Dadkaas raba iney idin gudaan, waxey rabaan iney dadka kale u arkaan iney yihiin dad wanaagsan. Ma rabaan in la silciyo iyagoo baraya in iskutallaabta Masiixa kaliya ey dadka badbaadineyso. 13 Xitaa kuwa la gudeyna ma ilaaliyaan sharciga, laakiin waxey rabaan iney idin gudaan si ey ugu faanaan gudniinka jirka ah. 14 Yaanan ku faanin wax kale waxaan ka ahayn iskutallaabta Rabbi Ciise Masiix. Waayo iskutallaabtaas darteed ayaan xiisahaan aduunka u qabay u qodbay, aduunkuna xiisuhuu ii qabay u qodbay. 15 Gudniin iyo gudniin la’aanba midkoodna waxba ma aha. Waxa muhiimka ah waa abuurka cusub. 16 Nabad iyo naxariis ha la jirto kuwa waxyaalahan sameeya. Waa Israa’iilka Illaahey. 17 Hadda laga bilaabo qofna yuusan dhibaato ii keenin, waayo jirkeyga waxaa ku yaala sumadihii Ciise. 18 Walaalayaalow nimcada Rabbigeena Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. Aamiin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.