Galatiya 5 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubXoriyadda Masiixa lagu helo 1 Waa xoryad Masiixu nagu xoreeyay. Haddaba ku adkeysta, mar kalana naftiina ha u ogolaanina culeyska harqoodka adoonsiga. 2 Dhageysta, aniga Bawlos ah waxaan idin ku leeyahay, haddii aad isku haleyneysaan gudniinka si aad Illaahey hortiisa kuwo xaq ah ugu noqotaan, Masiixu micno la’aan ayuu idiin ahaanayaa. 3 Haddana waxaan idin leeyahay nin walboo gudniinka maro wuxuu ku qasbanyahay inuu adeeco sharcigoo dhan. 4 Waayo haddii aad isku daydo in aad xaq ku noqoto adigoo adeecaya sharciga, ajnabi ayaad ka tahay Masiixa oo waadna ka fogaatay nimcadiisa. 5 Waxaan xaga Ruuxa si xamaasad leh rumeysad ugu sugeynay xaqnimada taas oo aan rajeyneyno. 6 Waayo xagga Ciise Masiix Gudniin iyo gudniin la’aanba midkoodna waxba kama aha. Waxa kaliya oo muhiimka ah waa iimaanka kaasoo kaa dhigaya inaad kuwa kale jeclaatid. 7 Si wanaagsan ayaad u ordeyseen. Yaa gadaal idiin reebay si eydan runta u raacin? 8 Qanaacada noocaas ah ka ma imaan midka idiin yeeray. 9 “Khamiir yar ayaa faxiya cajiin badan.” 10 Waxaan ku kalsoonnahay Illaahey inuu idin ka ilaaliyo wax baritaanka beenta ah. Illaahey wuu xukumi doonaa qofkaas, qof alla qofka uu yahayba waa la ciqaabi doonaa. 11 Walaalayaalow haddii aan weli ku wacdinayo waxa ku saabsan gudniinka maxaa la ii silcinayaa? Xaaladaas darteed dembiga iskutallaabta waa la baabi’iyay. 12 Waxaan jeclaan lahaa kuwa dhibka wada oo idin gudi raba iney iyagana is gudaan. Ku noolaashada Ruuxa 13 Walaalayaalow waxaa la idiin kugu yeeray inaad xor ahaataan. Laakiin xornimadiina ha u isticmaalina inaan jirkiina kaga farxisaan. Laakiin dhexdiina iskugu adeega indinkoo jaceyl istusaya. 14 Waayo sharcigoo dhan wuxuu ku dhaboobaa halkaas amar haddii la ilaaliyo, “U jeclaw deriskaaga sida aad isu jaceshahay.” 15 Laakiin haddii aad isku weerartaan sida xayawaan duureedka, waa inaad is ilaalisaan waayo waad is dhameyn doontaan. 16 Sidaa darteed waxaan idin leeyahay Ruuxa ku socda. Markaasna ma sameyneysaan waxyaalaha uu jirkiinu rabo. 17 Waayo jirku wuxuu rabaa wax ka duwan Ruuxa, Ruuxuna wuxuu rabaa wax ka duwan jirka. Wey iska soo hor jeedaan, si aadan u sameynin waxyaalaha aad rabto. 18 Laakiin haddii uu Ruuxu ku hogaaminayo sharciga kuma hoos jirtid. 19 Waxyaalaha uu jirku rabo waa, sinada, wasakhnimo, dhaqan xumo, 20 sanam caabudida iyo sixir, naceyb, khilaaf, maseyr, xanaaq, hamiga, daneysiga, kala qeybsamid. 21 Damac, sarqaamid, rabshooyin iyo dembiyo kale oo la mid ah. Waan idin waaninayaa mar labaad, kuwa xaaladdaas ku nool ma dhaxli doonaan boqortooyada Illaahey. 22 Laakiin hadiyada Ruuxa waa jaceyl, farxad, nabad, isu dulqaadashado, naxariis, wanaag, aaminaad, 23 dabacsanaanta iyo is celinta. Waxyaalahan sharci ma aha. 24 Kuwa Ciise Masiix raacsan wey qodbeen jirkooda iyo waxyaalihii uu jirkoodu rabay. 25 Haddii aan Ruuxa ku nool nahay, Ruuxu ha nagu hogaamiyo waxyaalaha aan nolosheena ka sameyno oo dhan. 26 Yaanu kibrin oo aan kuwa kale xumaan dareensiinin, anaga oo isku arkayna inaan iyaga ka fiicannahay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.