Galatiya 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Waxaan idin leeyehay, midka maalka waalidkiis dhaxli lahaa intuu yaryahay wuxuu yahay sida adoon oo kale, inkastoo uu hantida oo dhan isagu leeyahay. 2 Waa iney adeecaan ilaaliyahooda illaa ey ka gaaraan sanadkii uu aabahood ku ballamiyay. 3 Anagu sidaas ayaan ahayn inta uusan Masiixu imaanin ka hor. Waxaan ahayn sida caruurta, waxaan adoon ku ahayn waxyaalaha aasaaska aduunka. 4 Laakiin waqtigii nagala ballan qaaday markii la gaaray, Illaahey wuxuu soo diray Wiilkiisa, kaasoo naag ka dhashay, Wiilkiisana sharciga wuu adeecayay. 5 Si uu anaga nooga furto sharciga, si aan u noqono caruurta Illaahey. 6 Waxaan nahay caruurtiisa sidaa darteed Illaahey wuxuu qalbiyadeena geliyay Ruuxa Wiilkiisa, Ruuxaas oo dhahaya “Aabba, Aabbe.” 7 Sidaa darteed adoon ma tihiin laakiin waxaad tihiin caruurta Illaahey, haddaba haddaad tihiin caruurtiisa Illaahey wuxuu idin ka dhigay kuwa isaga dhaxli doono. Bawlos welwelka uu u qabo reer Galatiya 8 Inta eydan Illaahey garanin ka hor, waxaad adoon u ahaydeen illaahyo aan run ahayn. 9 Laakiin hadda Illaahey waad garaneysaan Illaaheyna wuu idin garanayaa, maxaad u laaban rabtaan oo aad adoon ugu noqoneysaan kuwaas daciifnimo iyo awoodaha darxumada? Miyaad jeceshihiin iney mar kale idin adoonsadaan. 10 Waxaad dabaaldegtaan maalmo, bilo, xiliyo iyo sanado si aad Illaahey u raali gelisaan. 11 Waxaan ka cabsanayaa in shaqadii aan idin ka dhex shaqeeyay ey micno la’aan noqoto. 12 Walaalayaalow waxaan idin ka baryayaa inaad sideyda oo kale noqotaan, waayo waan noqday sidiina mana i xumeynin. 13 Runtii waad ogtihiin markii hore ee aan injiilka idiin wacdiyay inaan xanuusanaa. 14 Inkastoo xaaladeydu xumeyd ma eydan i diidin mana i quursan. Waxaad iisoo dhaweyseen sida malaa’igta Illaahey oo kale, ama sida Ciise Masiix. 15 Haddaba aaway barakadiinii aan idin ku lahaa? Waxaan ka marqaatifuri karaa haddii aad sameyni lahaydeen sidaas, waa hubaal in aad indhihiina iska saartaan oo aad isiin lahaydeen. 16 Miyaan noqday cadowgiina markaan runta idiin sheegay? 17 Macalimiintan beenta ah waxey u dadaalayaan iney qalbigiina beddelaan, ujeedadoodu ma wanaagsana. Waayo waxey rabaan iney xiriirkeena gooyaan si aad iyaga waqti u siisaan. 18 Wey wanaagsan tahay haddii uu qofku dadaalo oo ujeedadiisuna wanaagsan tahay inuu sidaa sii wado xitaa haddii aanan joogin. 19 Caruurteydiyey, dartiin ayaan u dareemayaa xanuunka dhalitaanka, sidan ayaan sii dareemi doonaa illaa aad u noolaataan sida uu Masiixu rabo. 20 Waxaan jaclaan lahaa inaan idin la joogo oo aan sida aan u hadlayo beddelo, waayo waan idinku wareersanahay. Haagaar iyo Saarah 21 Bal ii sheega idinkan hoos joogi raba sharciga, miyaadan garaneyn wuxuu sharcigu dhahayo? 22 Qoraalku wuxuu dhahayaa, Ibraahim wuxuu lahaa laba wiil, hal waxaa dhalay naag adoon ah midka kalana waxaa dhalay naag xor ah. 23 Wiilkiisa ka dhashay naagta adoonta ah waxaa lagu helay xoogga binu aadanka, laakiin wiilkiisa kale ee ka dhashay naagta xorta ah waxaa lagu helay oofinta ballanka Illaahey. 24 Waxyaalahan oo dhan waxey leeyihiin micno kale. Labada naag waxey u taaganyihiin laba axdi, naagta ugu horeyso, Haagaar waxey u taagan tahay Buur Siinay halkaasoo ey dadka ku heleen sharciga iyaga adoonsaday. 25 Haagaar waa sida Buur Siinay oo ku taalo dalka Carabta, taas oo u taagan magaalada Yeruusaalem waayo iyada iyo caruurteedaba waxey ku nool yihiin adoonsiga sharciga. 26 Laakiin naagta kale, Saarah waxey u taagan tahay Yeruusaalem. Waa naag xor ah, waana hooyadeen. 27 Waayo waxaa qoran, “Faraxsanow, naag yahay madhalaysta ah, adiga oo aan cunug weligaa dhalin, farxad ku qayli, oo cod dheer ku ooy, adigan aan weligaa xanuunka dhalitaanka marin, waayo waxaad lahaan doontaa caruur ka badan naag horay u guursatay.” 28 Walaalayaalow, haddaba waxaad tihiin caruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. 29 Waqtigaas cunuggii jir ahaan lagu dhalay ayaa silciyay cunuggii lagu dhalay xoogga Ruuxa. Ilaa maanta sidaas oo kale ayaa jirta. 30 Laakiin qorniinku muxuu leeyahay? “Iska saara naagta adoonta ah iyo wiilkeeda, waayo wiilka naagta adoonta ah lama wadaagi doono dhaxalka wiilka naagta xorta ah dhashay.” 31 Walaalayaalow sidaa darteed anagu ma nihin caruurta naagta adoonta ah, laakiin waxaan nahay kuwa naagta xorta ah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.