Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Galatiya 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Iimaanka kaliya ayaa lagu badbaadaa

1 Nacasyaal yahow reer Galatiya! Yaa idin sixray? Si iney hortiina ku dhacday oo kale ayaan idiin kugu sharaxay dhimashada Ciise Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay.

2 Bal hal su’aal ayaan idin weydiinayaa, Ruuxa Quduuska ah ma waxaad hesheen markaad sharciga adeecdeen? Mise markaad aaminteen fariinta ku saabsan Masiixa?

3 Sidee ayaad sidan doqomo ugu noqoteen? Intaad Ruuxda ku bilowdeen miyaad haddana ku dhameyn rabtaan jirka?

4 Waxyaalahaas oo dhan ma micno la’aan ayaad u marteen? Runtii micno la’aan ma ahayn.

5 Haddana waxaan idin weydiinayaa, Illaahey miyuu Ruuxiisa idin siiyay oo mucjisooyin idin ka dhex sameeyay isaga oo isticmaalaya shaqada sharciga? Waa maya! Waxaad ku aaminteen wacdiga aad maqasheen ee ku saabsan Masiixa.

6 Sidoo kale, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay.”

7 Haddaba waa inaad fahantaan, in kuwa iimaanka leh ey yihiin caruurta Ibraahim.

8 Waqti hore qorniinku wuxuu sheegay, Illaahey inuu dadka aan Yuhuudda ahayn iimaankooda dartiis xaq uga dhigi doono. Illaahey waqti hore ayuu warkan wanaagsan u sheegay Ibraahim isaga oo dhahaya, “Aduunkoo dhan adiga ayey kugu barakoobi doonaan.”

9 Sidaa darteed kuwa iimaanka leh oo dhan wey ku barakoobo doonaan Ibraahim, aabaha iimaanka.

10 Laakiin kuwii shaqada sharciga isku haleeyay oo dhan inkaar ayey ku hoos jiraan, waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waxaa inkaaran mid walboo aan adeecin waxyaalaha kitaabka sharciga ku qoran oo dhan.”

11 Waa hubaal in kuwii sharciga isku haleeyay oo dhan eysan kuwa xaq ah ku noqon doonin Illaahey hortiisa, waayo “Kuwa xaqa ah waxey ku noolaan doonaan iimaan.”

12 Waayo sharciga iyo iimaanka wey kala duwan yihiin, sharcigu wuxuu dhahaa, “Qofkii waxyaalahan sameeya, sharciga ayuu ku noolaan doonaa.”

13 Masiixu wuu naga furtay sharciga inkaartiisa, markii uu darteen u noqday mid inkaaran. Waayo qoraalku wuxuu leeyahay, “Waxaa inkaaran mid walboo iskutallaabta lagu qodbo.”

14 Wuxuu noo furtay waa in barakadii Ibraahim la siiyay ey gaarto dadka aan Yuhuudda ahayn Ciise Masiix dartiis. Si aan iimaanka ku helno ballan qaadkii Ruuxa.


Sharciga iyo ballanqaadka

15 Walaalayaalow bal tusaale aan kasoo qaadano nolol maalmeedka. Qof hadduu wax ogolaado, qof kale ma baddeli karo mana burburin karo axdigaas. Arintaanna sidaas ayey la mid tahay.

16 Illaahey wuxuu ballantan siiyay Ibraahim iyo cunuggiisa. Bal fiiri qorniinku ma dhahayo, “Caruurtiisa,” oo micnaheedu yahay dad badan, laakiin qoraalku wuxuu leeyehay, “Cunugaaga,” taas oo micnaheedu yahay hal qof, kaasoo ah Masiixa.

17 Waxaan leeyahay, sharciga ma burburinayo mana baddalayo axdigii Illaahey kaasoo ahaa 430 sano ka hor intaan sharciga la keenin.

18 Waayo haddii dhaxalka lagu heli lahaa sharciga, barakadaas kuma imaan lahayn axdiga Illaahey. Laakiin Illaahey naxriistiisi darteed ayuu ku siiyay Ibraahim ballanqaadka.

19 Haddaba micnaha sharcigu waa maxey? Waxaa loo keenay dembiyadeena dartood illaa ey iniintii la ballan qaaday ka timaado. Sharciga waxaa loo dhiibay malaa’igta kuwaasoo u gudbiyay Muuse, isaguna wuxuu noqday mid dhaxdhexaadiya Illaaha iyo dadka.

20 Midka dadka iyo Illaahey u dhaxeeyo wuxuu ka dhex shaqeeyaa dad badan, laakiin Illaahey waa hal.

21 Haddaba sharciga iyo ballantii Illaahey ma iska soo hor jeedaan? Waa maya! Haddaba haddii sharciga nolol na siin lahaa, Illaahey xaq ayuu naga dhigi lahaa haddaan sharciga adeecno.

22 Laakiin qorniinku wuxuu leeyahay, anaga oo dhan ayaa maxaabiis u ah dembiga. Sidaa darteed ballanta Illaahey ee xornimada waxaan ku heleynaa oo kaliya inaan rumeysano Ciise Masiix.


Caruurta Illaahey

23 Laakiin intaan iimaanku imaanin ka hor waxaa na lagu hoos hayay sharciga, anaga oo xiran illaa iimaankii imaan lahaa la muujiyay.

24 Sidaa darteed sharcigu wuxuu ahaa macalinkeena illaa uu Masiixa ka yimid si aan iimaanka ugu noqono kuwa xaq ah.

25 Haddaba iimaankan wuu yimid, sidaa darteed macalin kuma hoos jirno.

26 Sidaa darteed idinkoo dhan ayaa iimaankii aad Ciise Masiix saarateen dartiis ku noqday caruurta Illaahey.

27 Waayo kuwiinan Masiixa lagu baabtiisay oo dhan, waxaad u gashateen Masiixa sida dhar cusub oo kale.

28 Ma jiro Yuhuud ama dad aan Yuhuud ahayn, ama kuwa adoon ah ama kuwa xor ah, nin ama naag, waayo idinkoo dhan waxaad jirka Ciise Masiix ku noqoteen hal.

29 Haddaad tihiin kuwii Masiixa waxaad ka mid noqoteen reer Ibraahim, waana la idin siin doonaa wixii Illaahey ka ballan qaaday Ibraahim.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan