Galatiya 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBawlos oo ey rasuulladii aqbaleen 1 Toban iyo afar sano kadib ayaan mar labaad tagey Yeruusaalem aniga oo la jira Barnabas. Tiitosna wuu na soo raacay. 2 Waxaan halkaas u tagay Illaahey ayaa ii muujiyay inaan tago. Intaan halkaas joogay waxaan la kulmay kuwa kaniisadda hogaamiya, waxaana iyaga la wadaagay injiilka aan u wacdinayay dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxaan ka hubinayay in shaqada aan sameynayo ey micno daro ahayn. 3 Xitaa Tiitos oo ila socda, isaga oo Gariig ah laguma qasbin in la gudo. 4 Waxaan halkaas u tagnay waa kuwa iska dhigay iney yihiin walaalaha oo nagu dhex dhuuntay oo jaajuusiin ah. Waxey u yimaadeen iney naga qaadaan xorriyadda Ciise Masiix uu na siiyay oo eyna naga dhigaan adoon. 5 Laakiin waan ka diidnay inaan wax ka maqalno, waxaan rabnay inaan idiin ilaalino fariinta runta ah ee injiilka. 6 Kuwa kaniisadda hogaamiya ma hayaan wax ey ku daraan waxyaalaha aan wacdiyo. Wax walboo ey ahaayeen waxba ilama aha, waayo Illaahey qofna uma eexdo, fariinteydana waxba kuma kordhiyaan. 7 Laakiin waxey arkeen in Illaahey igu aaminay waajibaadka injiilka loogu wacdiyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Sidii uu Butros uu u siiyay masuuliyad uu uga wacdiyo Yuhuudda. 8 Waayo Illaaheyga Butros ka dhex shaqeynaya inuu Yuhuudda rasuul u noqdo, sidoo kale ayuu aniga xitaa iiga dhex shaqeeyaa inaan rasuul u noqdo dadka aan Yuhuudda ahayn. 9 Yacquub, Keeyfas iyo Yooxanaa kuwaas oo kaniisadda tiirar u ah ayaa aqoonsadeen nimcada Illaahey i siiyay, aniga iyo Barnabasna waxey na siiyeen gacanta midigta ee wehelnimada. Waxeyna nagu dhiirageliyeen inaan usii wacdino dadka aan Yuhuudda ahayn, oo iyaguna wey kasii shaqeynayaan Yuhuudda. 10 Waxa kaliya ey doonayeen waa iney masaakiinta Yeruusaalem joogta caawiyaan, taas oo aan ku dadaalay inaan sameeyo. Bawlos oo diiday Butros 11 Waxaa jiray waqti uu Keeyfas booqday Antiyokh, hortiisa ayaan ku diiday, waayo wuu eedeysanaa. 12 Waayo markii hore uu yimid wuxuu la cunteyn jiray dadka aan Yuhuudda ahayn kuwaas oo aan la gudin. Laakiin markii saaxiibadii Yacquub yimaadeen Butros wuu diiday inuu wax la cuno dadka aan Yuhuudda ahayn. Wuxuu ka cabsaday kuwii la guday iney ku jeesjeesaan. 13 Yuhuudda kalana waxey ku darsoomeen khiyaanadiisa, khiyaanadooda darteed xitaa Barnabas wuu ku biiray. 14 Markaan arkay iney raaceynin fariinta runta ah ee injiilka ayaan Keeyfas oo iyagoo dhan hor jooga ku iri, “Waxaad tahay Yuhuudi, laakiin waxaad u nooshahay sida dadka aan Yuhuudda ahayn. Haddaba sidee ayaad uga dhaadhicin kartaa dadka aan Yuhuudda ahayn iney raacaan caadada Yuhuudda?” 15 “Aniga iyo adiga Yuhuudnimada waan ku dhalanay, mana nihin dembiilayaal sida dadka aan Yuhuudda ahayn. 16 Laakiin waan ognahay in uusan qofku xaq ku noqoneynin shaqada sharciga, laakiin uu mid xaq ah ku noqonayo iimaanka uu ku qabo Ciise Masiix. Sidaa darteed anaga oo dhan waxaan iimaankeena saarnay Ciise Masiix si aan kuwa xaq ah ugu noqono iimaanka aan Masiixa saaranay darteed, oo aan ahayn shaqada sharciga. Waayo shaqada sharciga qofna kama dhigeyso mid xaq ah.” 17 Anaga Yuhuud ahaan haddii aan raadino si Illaahey xaq nooga dhigo, waxaan ogaaneynaa inaan nahay dembiilayaal. Masiixu miyuu yahay adeegaha dembiga? Waa maya! 18 Laakiin haddii aan dhiso wixii aan horey u dumiyay, taasi waxey tuseysaa inaan markii hore qaldanaa. 19 Waayo sharciga ayaa ku dhintay, si aan Illaahey ugu noolaado. 20 Waxaa iskutallaabta la igula qodbay Masiixa sidaa darteed ma isu nooli, laakiin Ciise ayaa igu dhex nool. Nolosha aan hadda ku noolahay, waxaan ku noolahay iimaanka aan saartay Wiilka Illaahey dartiis. Kaasoo i jeclaaday oo darteyda isu bixiyay. 21 Nimcada Illaahey burin maayo, waayo haddii xaqnidama sharciga lagu helo, Masiixa micno la’aan ayuu u dhintay! |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.