Galatiya 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Warqaddan waxey ka socotaa rasuul Bawlos, kaasoon ka imaanin xagga dadka ama uusan ku imaanin xoogga binu aadanka. Laakiin waxaa doortay Ciise Masiix iyo Illaaha Aabaha ah, kaasoo Ciise dhimashada ka sarakiciyay. 2 Iyo dhamaan walaalaha ila jooga. Waxaan warqaddan u direynaa kaniisadda ku taala Galatiya. 3 Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. 4 Ciise wuxuu noloshiisa u bixiyay dembigeena dartiis, sidii uu Illaaha Aabaheen ah u qorsheeyay, si uu nooga badbaadiyo dunidan sharta leh ee aan ku nool nahay. 5 Ammaan oo dhan Illaahey ayaa leh weligiis. Aamiin. Ma jiro injiil kale 6 Waxaan la yaabanahay sida dhaqsaha ah ee aad Illaahey uga laabaneysaan, kaasoo nimcada Masiixa idin kugu yeeray. Waxaad aaminteen injiil ka duwan. 7 Taas oo aan ahayn injiilka runta ah, waa hubaal dadkaas iney idin khiyaanayaan iyagoo og in runta ku saabsan Masiixa ey beddelayaan. 8 Inkaarta Illaahey haku dhacdo mid walba, kuwaas oo xitaa anaga iyo malaga Illaahey ee samada joogo aan ku jirno, haddii aan ku wacdino warka wanaagsan ee ka duwan midkii aan horey idiin kugu wacdinay. 9 Sidii aan markii hore u dhahnay, qof walboo idiin wacdiya warka wanaagsan ee ka duwan midka aad aaminteen inkaarta Illaahey haku dhacdo. 10 Runtii ogolaasho kama doonayo dadka, laakiin Illaahey ayaan ka rabaa. Haddii ey ujeedadeydu tahay dad ka farxis ma aanan ahaan lahayn adeegaha Masiixa. Bawlos Illaahey ayaa doortay 11 Walaalayaalow waxaan rabaa inaad ogaataan, injiilka aan wacdiyay kama imaanin binu aadanka. 12 Mana ka helin xagga dadka, mana la i barin, laakiin muujinta Ciise Masiix ayaan ka helay. 13 Waad ogtihiin waxaan ahaa markaan raacsanaa diinta Yuhuudda, sidii aan u silcin jiray kaniisadda Illaahey si aan u burburiyo. 14 Dadkii Yuhuudda oo aan isku da’da ahayn ayaan aqoonta ka badin jiray. Waxaan aad xamaasad ayaan u lahaa dhaqamada awoowayaashey. 15 Laakiin inta aanan dhalanin ka hor ayuu Illaahey i doortay, naxariistiisa darteed ayuu iigu yeeray oo adeegahiisa iga dhigay, tanina isaga ayey ka farxisay. 16 Inuu Wiilkiisa ii muujiyo si aan warka wanaagsan kaga dhex wacdiyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxyaalahan markey dhaceen kuma degdegin inaan binu aadan la tashto. 17 Sidoo kale ma tagin illaa Yeruusaalem si aan rasuulladii iga horeeyay ula tashado, laakiin waxaan tagay waddanka Carabta. Kadibna waxaan tagay Dimishaq. 18 Saddex sano kadib ayaan booqday Keeyfas ee jooga Yeruusaalem waxaanna la joogay shan iyo toban maalmood. 19 Rasuulka kaliya ee aan arkay waa Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis. 20 Waxaan Illaahey hortiisa ugu dhaaranayaa in waxa aan idiin soo qorayo eysan been ahayn. 21 Kadibna waxaan tagay Suuriya iyo Kilikiya. 22 Walaalaha aaminsan Masiixa ee jooga kaniisaddii ku taalay Yahuudiya ima aqoonin. 23 Waxa kaliya oo ey maqleen waa, “Ninkii na soo ciqaabi jiray, hadda wuxuu wacdiya iimaankii uu isku dayay inuu burburiyo.” 24 Illaahey ayey ammaaneen dartay. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.