Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Filiboy 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ereyada dhiirigelinta ah

1 Haddaba walaalayaalow, Rabbiga daacad u ahaada. Waan idin jeclahay waana u xiisay inaan idin arko, waayo waxaad tihiin farxadeyda iyo taajkeyga oo aan ka helay shaqadeyda.

2 Waxaan idinku leeyahay Yu’odiya iyo Suntukhee, inaad isku maan ka ahaataan Rabbiga.

3 Haa, waxaan adiga ku weydiisanayaa, wehelkeyga runta ah inaad caawisid labadan haweeney, waayo aad ayey ila dadaaleen markaan kuwa kale u sheegayay warka wanaagsan. Waxaa kale oo ey la shaqeeyeen Kaleemeentos iyo kuwa kale ee ila shaqeeya, kuwaasoo magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha.


Dhiirigelintii ugu dambeysay

4 Rabbiga ku farxa mar walba. Mar labaad ayaan idin dhahayaa ee farxa!

5 Intey dabacsanaantaadu la egtahay qof walba hakaa arko. Waayo Sayidku mar dhow ayuu imaan doonaa.

6 Waxna ha ka welwelina, laakiin xaalad walba, xagga ducada iyo codsi iyo mahadcelin uga hor gee Illaahey.

7 Nabadda Illaahey ee dhaaftay fikradaha binu aadanka oo dhan ayaa qalbigaaga iyo maskaxdaada ilaalin doonta adiga oo ku dhex nool Ciise Masiix.

8 Ugu dambeentii walaalayaalow, wax walboo run ah, wax walboo sharaf leh, wax walboo saxan, wax walboo saafi ah, wax walboo la jeclaado, wax walboo qofka soo jiidanaya. Haddii ey jiraan wax aad u fiican ama wax u qalma ammaan, waxyaalahan oo kale ka fikira.

9 Wax walboo aad iga barateen ama iga hesheen ama iga maqasheen, ama iga aragteen ku dhaqma. Illaaha nabadda ahna wuu idin la jiri doonaa.


Waad ku mahadsantihiin hadiyada

10 Aad ayaan Illaahey ugu farxaa waayo mar kale ayaad iga welwelsantihiin. Waan ogahay inaad mar walba iga welweshaan laakiin ma eydan lahayn fursad aad igu tustaan.

11 Waxyaalahan uma dhahayo inaan baahanahay darteed, laakiin waxaan bartay inaan ku qanacsanaado xaalad walba.

12 Waan garanayaa sida ey tahay markaan baahanahay, iyo markaan heysto wax badan. Laakiin waxaan bartay sirta loogu qanacsanaado xaalad walba. Haddii aad si fiican wax u cuntid ama haddii aad gaajooto, haddii aad wax badan leedahay ama haddii aad waxba lahayn.

13 Waayo wax walba waan sameyn karaa aniga oo u maraya Ciise kaasoo i xoogeynaya.

14 Xitaa aad ayaad wanaag u sameyseen markaad ila wadaagteen dhibkeyga.

15 Waad ogtihiin, idinkan ah reer Filiboy ayaa lacag i siiyay markii ugu horeysay ee aan warka wanaagsan idiin keenay, oo kadibna ka safray Makedoniya. Ma jirin kaniisad kale oo aan ila qeybsatay wax ku saabsan bixinta iyo helida.

16 Xitaa markaan joogay Tesaloniika waxaad ii soo dirteen caawimaad in ka badan hal mar markaan caawimaad u baahnaa.

17 Ma aha inaan jeclahay hadiyadiina, waxaan aad u rabaa inaad in ka badan heshaan.

18 Haddaba waan helay wax walboo aad iisoo dirteen oo waxaan haystaa in badan. Waayo Ebafroditos waan ka helay hadiyadaad iisoo dirteen. Waa allabariyo udgoon, taas oo Illaahey aqbalayo oo uuna ku farxayo.

19 Illaaheyna wuu idin siin doonaa waxyaalahaad u baahantihiin oo dhan, sida ey tahay taajirnimada ammaantiisa taas oo na la siiyay anaga oo u mareyna Ciise Masiix.

20 Haddaba ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha Aabaha ah! Aamiin.


Dardaaranka ugu dambeeya

21 Iigu salaan dadka Illaahey ee rumeysan Ciise Masiix. Walaalaha ila jooga waxey idiin soo direen salaan.

22 Dadka Illaahey ee halkan jooga oo dhan waxey idiin soo direen salaan, siiba kuwa ka tirsan reerka Kaysar.

23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. Aamiin.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan