Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Filiboy 3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Haku kalsoonaanina jirka

1 Walaalayaalow wax walboo dhaca, ku farxa Rabbiga. Kamana daalayo inaan waxyaalahan idiin sheego, waxaan u sameynayaa inaan ilaaliyo iimaankiina.

2 Iska ilaaliya eeyahaas, kuwa sharta sameeya, kuwaasoo jirka iska jara.

3 Waayo anaga oo Illaahey ku caabudna Ruuxa ayaa ah kuwa runta ah ee gudan. Waxaan isku halleynaa waxa Ciise Masiix noo sameeyay. Kumana kalsoonin dadaalka binu aadanka.

4 Haddii uu qof isku kalsoonaan lahaa anigu waan isku kalsoonaan lahaa dadaalkeyga dartiis. Haddii uu qof kale u maleeyo inuu jirkiisa ku kalsoonaan karo, aniguba wax badan ayaan leeyahay.

5 Waxaa la i guday aniga oo siddeed maalmood jira, waxaanna ahay Israa’iili asal ah oo kana tirsan qabiilka Benyaamiin, waxaan ahay Cibraani ka mid ah Cibraaniyada, xagga sharciga Muusana waxaan ahay Farrisi.

6 Daacadnimo darteed ayaan kaniisadda u ciqaabi jiray. Xaga xaqnimada sharcigana waxaan ahay eed la’aan.

7 Laakiin wax walboo faa’iido ii ahaa, haddaba Masiixa dartiis ayaan u qaatay qasaaro.

8 Intaas kaliya maahane, wax walba waxaan u qaatay qasaaro markaan is barbardhigay qiimaha aan dhamaaneynin ee qirashada Ciise Masiix oo ah Sayidkeyga. Waayo dartiis ayaan wax walba iskaga tuuray, waxaan u qaatay qashin, si aan u helo Masiixa.

9 Isaga ayaana la midoobay, mar kale iskuma xisaabinayo mid xaq ku noqday adeecidda sharciga Muuse, laakiin waxaan xaq ku noqday aaminka aan aaminay Masiixa, taas oo ah xaqnimada ka timaada Illaahey oo ku saleysan iimaanka.

10 Waxaan rabaa inaan garto Masiixa, haa, inaan ogaado xoogga sarakacidiisa oo aan ka qeyb qaato siliciisa, oona la wadaago dhimashadiisa.

11 Aniga oo rajeynaya in dhimashada la iga soo sarakiciyo oo aan nolol helo.

12 Ma aha inaan waxyaalahan oo dhan helay, ama aan kaamil noqday. Laakiin waxaan ku dadaalayaa si aan u helo abaalmarinta uu Ciise Masiix horay dartey ugu guuleystay.

13 Walaalayaalow weli ma helin, laakiin hal wax ayaan sameynayaa, si aan u ilaawo waxa iga dambeeya oo aan ugu dadaalo waxa iga horeeya.

14 Waxaan ku dadaalayaa si aan u helo abaalmarin xagga samada ka timid taas oo Illaahey iigu yeeray shaqada Ciise Masiix qabtay darteed.


Raaca tusaalaha Bawlos

15 Kuweenan ku koray ruuxa waa inaan isku af garanaa waxyaalahan. Haddii aad isku af garan weydaanna waxaan aaminsanahay inuu Illaahey idiin cadeyn doono.

16 Laakiin waa inaan ku sii soconaa horumarki aan sameynay.

17 Walaalayaalow tusaalahayga raaca. Kana barta kuwa raacsan tusaalaha saxda ah ee aan idin barnay.

18 Waayo sidii aan mar hore idiin sheegay marar badan haddana waan idiin sheegayaa aniga oo ilmeynaya, badi waxey u nool yihiin sida cadowyada iskutallaabta Masiixa.

19 Waxey ku dambeyn doonaan burbur, illaahoodu waa calooshooda, ammaantooduna waa ceebtooda. Waxey ka fikiraan oo kaliya waxyaalaha aduunka.

20 Dhalashadeenuna waa tan xagga samada. Aad ayaan Badbaadiyaheena halkaas uga sugnaa kaasoo ah Rabbi Ciise Masiix.

21 Kaasoo xoogiisu kaga dhigay wax walba iney hoostiisa yimaadaan, ayaa beddeli doona jirkeenan daciifka ah si uu u ahaado sida jirkiisa ammaanta leh oo kale.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan