Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Filiboy 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos iyo Timoteyos, kuwaas oo ah adeegayaashii Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa dhamaan dadka quduusiinta Ciise Masiix ah ee jooga magaalada Filiboy, hogaamiyayaasha kaniisadda iyo caawiyayaasha.

2 Nimco iyo nabad ka timid Illaaha Aabaheena ah iyo Sayid Ciise Masiix ha idin la jirto.


Mahadcelin iyo duco

3 Mar walboo aan idin xusuusto Illaahey ayaan u mahadceliyaa.

4 Waqti walboo aan duceystana, farxad ayaan idin kugu duceeyaa.

5 Waayo wehelnimada wadashaqeynta injiilka awadiis maalinti ugu horeysay illaa hadda.

6 Waxaan hubaa in Illaaheyga shaqadan wanaagsan idin ka dhex bilaabay uu sii wadi doono illaa ey ka dhamaato, taas oo ah maalinta soo noqoshada Ciise Masiix.

7 Wey wanaagsan tahay inaan sidan idin kaga fikiro waayo aad ayaan idin jeclahay. Waayo markii xabsi la i geliyay iyo markaan warka wanaagsan difaacayay waxaad ila wadaagteen nimcada Illaahey.

8 Illaahey ayaa marqaati iiga ah sida aan idiin kugu xiisoonayo, waayo waxaan idiin jeclahay sida uu Ciise Masiixuna idiin jeclahay.

9 Waxaan Illaahey ka baryayaa in jaceylkiinu aad iyo aad usii bato, iyo inaad ku kortaan aqoonta iyo fahanka.

10 Waayo waxaan rabaa inaad ogaataan waxa muhiimka ah, si aad u noolaataan idinkoo saafi iyo eed la’aan ah illaa maalinta uu Masiixa kasoo laabto.

11 Miraha xaqnimada ha idin ka buuxsamaan, xaqnimadaas oo ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey u keeneysa ammaan.


Farxada Bawlos waa in Masiixa la wacdiyo

12 Walaalayaalow hadda waxaan rabaa inaad ogaataan, waxa igu dhacay iney sababeen in injiilku sii faafo.

13 Taas oo keentay, iney si cad ugu muuqato waardiyayaasha qasriga oo dhan iyo qof kasta in aan u xiranahay Masiixa aawadiis.

14 Xabsiga la i geliyay dartiis ayaa walaalo badan ku heleen kalsooni ey ku wacdiyaan fariinta Illaahey iyagoon cabsaneynin.

15 Waa run in kuwa qaar ey u wacdiyaan Masiixa maseyr iyo tartan dartiis. Laakiin kuwa kalana daacadnimo ayey u wacdiyaan.

16 Wey i jecelyihiin sababtaas ayey u wacdiyaan, waayo wey garanayaan in la ii doortay inaan difaaco warka wanaagsan.

17 Laakiin kuwa kale uma wacdinayaan waxa ku saabsan Masiixa si daacad ah. Laakiin waxey u wacdiyaan dantooda darteed, dhib ayey ii keeni rabaan intaan xabsiga ku jiro.

18 Laakiin taas muhiim ma aha. Haddii ey iska yeelyeel tahay ama haddii ey dhab ka tahay, fariinta ku saabsan Masiixa waa la wacdiyay. Sidaa darteed waan ku faraxsanahay. Waana sii farxi doonaa,

19 waayo waan ogahay intaasi samatabixin ii noqoneyso xagga ducadiina iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix.

20 Waxaan rajeynayaa in aanan weligey ceeb dareemin, laakiin waan sii wadayaa inaan mid geesi ah u noqdo Masiixa sidii aan horeyba u ahaan jiray. Waxaanna aaminsanahay in nolosheydu ey sharaf u keeneyso Masiixa haddaan noolahay iyo haddaan dhintaba.

21 Waayo anigu Masiixa ayaan u noolahay, dhimashaduna faa’iido ayey ii tahay.

22 Haddaan noolaado shaqo wanaagsan ayaan u sameynayaa Masiixa. Sidaa darteed ma ogi tan ii roon.

23 Wey igu adagtahay middii aan dooran lahaa. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhinto oo aan Masiixa u tago, waayo taasi aad ayey u wanaagsan tahay.

24 Laakiin dartiin waa inaan usii noolaado.

25 Aniga oo waxyaalahan aaminsan, waa inaan sii noolaado oo aan idinku sii caawiyo inaad kortaan oo aadna ku faraxdaan iimaankiina.

26 Markaan mar kale idin soo booqdo, waxaad lahaan doontaan sabab wanaagsan oo aad Ciise Masiixa ugu faantaan, wuxuu aniga iga dhex sameeyay darteed.


Nolosha u qalanta injiilka

27 Wax walboo dhaca ku haga noloshiina nolol istaahisha injiilka Masiixa. Haddii aan idiin imaado ama aan imaan waayo, waan maqli doonaa dhamaantiin inaad hal ruux iyo hal ujeedo leedihiin. Idinkoo u dagaalamaya iimaanka kaasoo ah warka wanaagsan.

28 Ha ka cabsanina cadawyadiina. Waayo taasi waxey tuseysaa inaad iyaga baabi’in doontaan, waana badbaadi doontaan. Waxyaalahan oo dhan Illaahey ayaa sameyn doona.

29 Waayo waxaa la idin siiyay mudnaan aad Masiixa ku aamintaan iyo in dartiis la idiin silciyo.

30 Dhibaatadan waan iskula jirnaa. Waad aragteen dhibkaan soo maray, waana ogtihiin inaan weli ku jiro.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan