Filemon 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Warqaddan waxey ka socotaa Bawlos oo maxbuus u ah wacdinta injiilka Ciise Masiix dartiis. Iyo walaalkeen Timoteyos oo ila jooga. Waxaan warqaddan ku salaameynaa Filemon oo ah saaxiibkeen qaaliga ah oo aan isla shaqeyno. 2 Sidoo kale waxaan salaameynaa Afiya oo ah walaasheen iyo Arkhibbos oo aan isla shaqeyno, iyo walaalaha gurigaaga ku kulma. 3 Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Mahadcelin iyo duco 4 Illaah ayaan u mahadceliyaa mar walboo aan kugu xasuusto baryadeyda, 5 maxaa yeelay waxaan maqlay jaceylka aad u qabto dadka Illaahey oo dhan iyo sida aad u rumeysantahay Rabbi Ciise. 6 Waxaan Illaahey ka baryayaa in wehelmida wadashaqeynta ee iimaanka inuu lahaado saameyn ku xiran fahanka waxyaalaha wanaagsan ee aan ku wadaagno Masiixa dartiis. 7 Jaceylkaagu wuxuu i siiyay dhiiranaan iyo farxad badan, walaalkeygiyow naxariistaadu waxey sababtay inaad dadka Illaahey u adeegtay. Bawlos oo ka baryay Filemon inuu cafiyo Oneesimos 8 Sidaa darteed, inkastoo aan Masiixa ku leeyahay geesinimo aan idinku amro waxaad sameyn lahaydeen. 9 Laakiin jaceylkeena dartiis ayaan si fudud wax kugu weydiinayaa. U arag codsi aniga iga yimid oo kale, aniga oo ah Bawlos nin duqana ah oo xitaa injiilka Ciise Masiix dartiis maxbuus u ah. 10 Waxaan kaa codsanayaa inaad naxariis tusto cunuggeyga Oneesimos, kaasoo wiilkeyga noqday intii aan xabsiga ku jiray. 11 Oneesimos intii uusan badbaadin ka hor wuxuu ahaa mid aan waxtar lahayn, laakiin hadda aad ayuu waxtar noogu yahay labadeenaba. 12 Inkastoo aan aad u jeclahay Oneesimos haddana dib ayaan kuugu soo dirayaa. 13 Waxaan jeclaan lahaa inuu ila joogo si uu iigu noqdo mid i caawiya beddelkaaga intaan xabsiga ugu jiro injiilka dartiis. 14 Laakiin ma aanan dooneynin inaan sameeyo wax adiga aadan raali ka ahayn. Waxaan rabay in waxa wanaagsan aad sameysid ey qalbigaaga ka yimaadaan ee aan lagugu qasbin. 15 Laga yaabaa sababta uu in yar kaaga maqnaa iney tahay inuu dib kuugu soo laabto oo aad weligiin isla joogtaan. 16 Isagu mar dambe adoon kuuma aha, laakiin wuu ka weyn yahay adoon. Aniga wuxuu ii yahay walaal qaali ah, laakiin adiga wuxuu kuu yahay ayaa kasii weyn, gaar ahaan sida nin kula mid ah iyo mid raacsan Rabbiga. 17 Haddaba haddii aan nahay kuwa isla shaqeeya, u soo dhawee Oneesimos sidii aad aniga ii soo dhaweyn laheyd. 18 Haddii uu ku xumeeyay ama wax aad ku leedahay, aniga ii xil saar. 19 Aniga Bawlos ah ayaa warqaddan gacanteyda kusoo qoray. Waana bixin doonaa waxaad isaga ku leedahay, aniga oo aan ka hadlin waxaan kugu leeyahay. 20 Waxaan jeclaan lahaa walaalkeygiyow, fadlan arintan iigu samee Rabbiga dartiis. Igusii dhiiranaantan xagga Masiixa. 21 Waan ku kalsoonaa markaan warqaddan kuusoo qoray inaad sameyn doonto waxaan ku weydiisto iyo weliba wax kasii badan. 22 Sidoo kale fadlan ii diyaari qolka martida, waayo waxaan rajeynayaa inuu Illaahey kaa aqbalo baryadaada oo aan dhaqso kuugu soo noqdo. 23 Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo maxbuus igula ah injiilka Ciise Masiix dartiis. 24 Sidoo kale Markos, Aristarkhos, Deemaas iyo Luukos ayaa ku soo salaamay, kuwaas oo ila shaqeeya. 25 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ruuxdiina ha la jirto. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.