Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Qirashadii Sawlos

1 Sawlos wuxuu sii waday inuu xertii Sayid Ciise dil ugu hanjabo oo wuxuu u tagay wadaadkii sare,

2 oo wuxuu weydiistay warqad uu la tago sunagogga Dimishaq ku yaal, si haddii uu halkaas ku arko qof Ciise raacsan rag iyo dumarba uu Yeruusaalem xoog ugu soo celiyo iyagoo silsilado ku xirxiran.

3 Markii uu Dimishaq ku dhawaa ayaa isla markiiba waxaa samada ka shidmay iftiin oo agtiisa ku iftiimay.

4 Wuxuu ku dhacay dhulka wuxuuna maqlay cod ku dhahaya, “Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcineysaa?”

5 Sawlos ayaa weydiiyay, “Yaa tahay, Sayidow?” Wuxuu ku jawaabay “Waxaan ahay Ciise, kan aad silcineysid.

6 Haddaba kac oo magaalada aad, waa laguu sheegi doonaa waxaad sameyn doontid.”

7 Nimankii Sawlos la safrayay ayaa hadalkii ku dhegay. Wey maqleen codka, laakiiin qofna ma eysan arkin.

8 Sawlos ayaa dhulka ka kacay, laakiin markii uu indhihiisi furay waxba ma uusan arki karin. Markaas ayey gacanta qabteen illaa Dimishaq.

9 Saddex maalin ayuu indhola’aa, waxna ma cunin mana cabin.

10 Dimishaq waxaa joogay nin xerta ka tirsan oo la yiraahdo Ananiyas. Sayidka ayaa kula hadlay riyo oo ku yiri, “Ananiyasow!” Markaas ayuu ku jawaabay, “Hee Sayidow.”

11 Sayidka ayaa ku yiri, “Aad guriga Yuudas oo ku yaala wadada toosan waxaadna weydiisaa nin reer Tarsos ah oo la yiraahdo Sawlos, oo duceysanaya.

12 Wuxuuna riyo ku arkay nin la yiraahdo Ananiyas oo u yimaaday gacantiisana saaray si uu ugu soo celiyo aragiisa.”

13 Ananiyas ayaa ku jawaabay, “Sayidow, waxaan maqlay warbixin badan oo ku saabsan ninkan iyo dhibaatada uu ku hayo dadkaaga quduuska ah ee Yeruusaalem dagan.

14 Wuxuuna halkan la yimid awood fasax uu ka haysto gudoomiyayaasha wadaaddada si uu u xiro dhamaan inta magacaaga ku dhawaaqda.”

15 Laakiin Sayidka ayaa Ananiyas ku yiri, “U tag! Ninkan waxaan u doortay si uu magacayga ugu sheego dadka aan Yuhuudda ahayn, boqoradooda iyo dadka Israa’iil.

16 Waxaan tusi doonaa intuu u dhibaatoon doono magacayga dartiisa.”

17 Ananiyas ayaa gurigii tagay oo galay. Markii uu gacantiisa saarayay Sawlos, wuxuu ku yiri, “Walaal Sawlosow, Sayid Ciise kii isku kaa muujiyay intaad wadada ku soo jirtay ayaa isoo diray waxaa laga yaabaa inaad dib wax u aragto oo Ruuxa Quduuska ahna lagaa buuxiyo.”

18 Isla markiiba wax qolof oo kale ah ayaa kasoo dhacay Sawlos indhihiisa, dib ayuuna wax u arkay. Wuu istaagay waana la baabtiisay.

19 Kadib markii uu wax cunay wuxuu dib u helay awoodiisi. Sawlos ayaa maalmo badan la joogay xertii joogtay Dimishaq.


Sawlos oo ka wacdiyay Dimishaq iyo Yeruusaalem

20 Markaas ayuu bilaabay inuu kaga wacdiyo sunagogyada inuu Ciise yahay Wiilka Illaah.

21 Dhamaan kuwii maqlay wey yaabeen oo waxey weydiiyeen, “Kani miyuusan ahayn kii Yeruusaalem ku baabi’in jiray kuwa magacan ku dhawaaqa? Oo miyuusan halkan u imaan inuu iyaga maxaabiis uga dhigo gudoomiyayaasha wadaaddada?”

22 Balse Sawlos wuu sii xoogsatay oo wuxuu wareeriyay Yuhuuddii ku noolayd Dimishaq isaga oo cadaynaya Ciise inuu yahay Masiixa.

23 Maalmo badan markey kasoo wareegatay, waxey Yuhuuddii u dhigeen shirqool ey ku dilaan.

24 Laakiin Sawlos wuu ku fahmay qorshahoodi. Maalin iyo habeen waxey aad u ilaaliyeen albaabada magaalada si ey u dilaan.

25 Laakiin xertiisi ayaa intey dambiil weyn ku rideen habeen ka dajiyeen darbiga magaalada.

26 Markii uu yimid Yeruusaalem, wuxuu isku dayay inuu ku soo biiro xerta, laakiin dhamaantood wey ka cabsadeen, maxaa yeelay ma eysan aaminsaneyn inuu yahay xer dhab ah.

27 Kadib Barnabas ayaa kaxeeyay oo u geeyay rasuulladii. Wuxuuna u sheegay sida uu Sawlos markii uu safarka ku jiray uu Sayidka u arkay iyo siduu Sayidka ula hadlay, iyo siduu Dimishaq uga wacdiyay magaca Ciise si cabsi la’aan ah.

28 Kadib Sawlos ayaa la joogay iyaga oo si xor ah ayuu ugu dhex socday Yeruusaalem, isaga oo qof walba u sheegaya magaca Sayidka.

29 Wuxuu la hadlay oo uuna la dooday Yuhuuddii Gariigga ahayd, laakiin waxey isku dayeen iney dilaan.

30 Markey walaalihii ogaadeen arintan, waxey keeneen Kaysariya oo waxey u direen Tarsos.

31 Kadib kaniisadihii Yahuudiya, Galili iyo Samaariya ayaa nabad noqotay oo wey xoogeysteen. Iyagoo ku nool cabsida Sayidka iyo dhiirigelinta Ruuxa Quduuska ah, weyna bateen.


Butros oo bogsiiyay Ayne’as

32 Butros oo waddanka ku dhex safraya, ayaa soo booqday dadkii Sayidka ee ku noolaa Ludda.

33 Halkaas wuxuu ku arkay nin la yiraahdo Ayne’as, oo naafo ahaa oo siddeed sano sariir ku jiray.

34 Butros ayaa ku yiri “Ayne’asow, Ciise Masiix ayaa ku bogsiiyay, kac oo qaado derintaada.” Isla markiiba Ayne’as wuu kacay.

35 Dhamaan kuwii ku noolaa Ludda iyo Sharoon wey arkeen oo Sayidka ayey u toobadkeeneen.

36 Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay mid ka mid ah xerta oo la yiraahdo Tabita, afka Gariigana magaceedu waa Dorkas, mar walba waxey sameyn jirtay wax fiican waxeyna caawin jirtay masaakiinta.

37 Xiligaas wey xanuusatay weyna dhimatay, meydkeediina waa la dhaqay oo waxaa la geeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga.

38 Ludda waxey u dhawayd Yaafaa, oo markey xertii maqleen in Butros uu joogo Ludda, waxey u direen laba nin waxeyna nimankii ku dhaheen, “Fadlan hal mar imow!”

39 Butros ayaa raacay, markii uu yimidna waxaa loo kaxeeyay qol ku yaalay qeybta sare ee guriga. Dumarkii carmalada ahaa oo dhan ayaa hareeraha ka taagnaa, iyagoo ooynaya oo tusaya xargihii iyo dharkii ey Dorkas sameysay intey noolayd.

40 Butros ayaa dhamaantood banaanka u saaray kadibna intuu jilba jabsaday ayuu duceeyay. Intuu meydkii kor yimid, ayuu yiri, “Tabitay, kac.” Indhaha ayeyna furtay, markey Butros aragteyna wey fariisatay.

41 Intuu gacanta qabtay ayuu istaajiyay. Kadib ayuu walaalihii iskugu yeeray, gaar ahaan Dumarkii carmalada ahaa, iyaga ayuuna ku wareejiyay iyadoo nool.

42 Arintan waxaa laga ogaaday Yaafaa oo dhan, dad badanna waxey rumeysteen Sayidka.

43 Oo Butros wuxuu muddo sii joogay Yaafaa, wuxuuna la joogay nin magdeeye ah oo la dhihi jiray Simoon.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan