Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Sawlos ayaana ku raacay dilkii ey u geysteen. Maalintaas silac weyn ayaa ka dhacay kaniisadda Yeruusaalem, dhamaantoodna waxaan ka ahayn rasuullada waxey u kala firdhismeen Yahuudiya iyo Samaariya.


Kaniisaddii ayaa la silciyay oo kala firdhisantay

2 Niman Illaahey yaqaana ayaa aasay Istefanos oo si aad ah ugu murugooday.

3 Laakiin Sawlos ayaa bilaabay inuu xertii laayo. Isaga oo guri ka guri iskugu maraya ayuu dhamaan rag iyo dumarba kasoo saaray guryaha wuxuuna iskugu geeyay xabsi.


Filibos oo jooga Samaariya

4 Kuwii soo kala firdhismay ayaa injiilka ka wacdiyay meel walboo ey tageen.

5 Filibos ayaa magaalada Samaariya galay oo dadka u sheegay wax ku saabsan Masiixa.

6 Dadkii badnaa markey maqleen Filibos oo ey arkeen mucjisooyinka uu sameeyay, ayey kuligood si taxadar leh u dhageysteen wuxuu sheegayo.

7 Markaas ayey qayliyeen, oo kuwo badan oo iyaga ka mid ah ayaa ruuxyo wasakh leh kasoo baxeen, kuwo kale oo badan oo curyaamo ahna wey bogsadeen.

8 Waxaana magaalada ka dhacday farxad weyn.


Simoonkii sixiroolaha ahaa

9 Waxaa jiray nin la yiraahdo Simoon oo sixir ku sameyn jiray magaalada kaasoo ka yaabiyay dadkii reer Samaariya. Wuxuu ku faani jiray inuu ahaa qof weyn,

10 dhamaan dadka, mid wax haysta iyo mid aan wax heysanba wey u jeesteen waxeyna ku dhawaaqeen, “Ninkan waxaa si xaq ah loogu yeeray Awoodda Weyn ee Illaahey.”

11 Weyna raaceen sababtoo ah wuxuu muddo dheer ayuu uga yaabiyay sixirkiisa.

12 Laakiin markey aamineen Filibos markii uu ku wacdiyay warka wanaagsan, boqortooyada Illaah iyo magaca Ciise Masiix, waa la baabtiisay dhamaan rag iyo dumarba.

13 Simoon xitaa wuu rumeystay oo waa la baabtiisay. Wuxuuna Filibos u raacay meel walba, isaga oo la yaaban calaamadaha waaweyn iyo mucjisooyinka uu arkay.

14 Markey rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in dadkii reer Samaariya ey aqbaleen ereyga Illaah, waxey Samaariya u soo direen Butros iyo Yooxanaa.

15 Markey yimaadeen, waxey halkaas ugu duceeyeen mu’miniintii cusbayd si ey Ruuxa Quduuska ah u helaan,

16 sababtoo ah Ruuxa Quduuska ah weli uma imaanin mid iyaga ka mid ah. Waxaana lagu baabtiisay magaca Sayid Ciise oo kaliya.

17 Kadib Butros iyo Yooxanaa ayaa gacmahooda saaray dadkii, waxeyna heleen Ruuxa Quduuska ah.

18 Markii uu Simoon arkay in Ruuxa lagu helo gacantii rasuullada ee dadka la saaray, wuxuu u soo bandhigay lacag wuxuuna yiri,

19 “Anigana i siiya awoodan si qof walboo aan gacanteyda dul saaro u helo Ruuxa Quduuska ah.”

20 Butros ayaa ugu jawaabay, “Lacagtaadu ha kula halaagsanto, sababtoo ah waxaad u maleysaa inaad hadiyada Illaah lacag ku iibsan karto!

21 Qeyb kama tihid oo waxna lama wadaagtid xertaan, sababtoo ah qalbigaaga Illaahey hortiisa xaq kama aha.

22 Ka toobadkeen xumaantan Rabbigana weydiiso oo ka rajee inuu kaa cafiyo fikirkan ku jira qalbigaaga.

23 Sidan arko waxaa kaa buuxa xumaan waxaadna maxbuus u tahay dembiga.”

24 Kadib Simoon ayaa ku jawaabay, “Rabbiga ii bari si eysan waxa aad dhahday iigu dhicin.”

25 Markey ku sii wacdiyeen ereyga Rabbiga oo eyna Ciise u marqaatifureen, Butros iyo Yooxanaa waxey u laabteen Yeruusaalem, iyagoo ku wacdinaya injiilka tuulooyin badan oo ka mid ah Samaariya.


Filibos iyo ninkii Itoobiyaanka ahaa

26 Malagii Rabbiga ayaa ku yiri Filibos, “Aad wadada dhinaca koonfureed. Wadada lama dagaanka ah ee kasoo baxda xagga Yeruusaalem aadana illaa Gaasa.”

27 Markaas ayuu safarkii bilaabay, wuxuuna wadada kula kulmay nin Itoobiyaan koron ah wuxuuna maamulayay qasnada Kandake oo ahayd boqoradii Itoobiyaanka. Ninkan wuxuu u aaday Yeruusaalem si uu ugu soo cibaadaysto,

28 intii uu usii socday gurigiisa wuxuu saarnaa gaari faraskiisi wuxuuna akhrinayay kitaabka nebi Isayos.

29 Ruuxa ayaa Filibos ku yiri, “Aad dhanka gaari faraska oo ag joog.”

30 Kadib Filibos ayaa tagay dhankii gaari faraska wuxuuna maqlay ninkii oo akhrinaya kitaabkii nebi Isayos. Markaas ayuu Filibos weydiiyay, “Ma fahmaysaa waxaad akhrinaysid?”

31 Wuxuuna ugu jawaabay, “Sidee ayaan u fahmi karaa, illaa uu qof ii sharaxo?” Markaas ayuu ka codsaday Filibos inuu gaari faraska la soo fuulo oo uu la fariisto.

32 Tani waa qeyb ka mid ah qorniinkii uu akhrinayay, “Sida laxdii waxaa loo waday meesha xoolaha lagu qalo, sida wankuna uu ugu aamuso kan dhogorta ka xiiraya hortiisa, isagu afkiisa ma uusan furin.

33 Isaga oo bahdilan ayaa xornimadana laga qaaday. Yaa ka hadli kara faraciisa? Kaasoo noloshiisa dhulka laga kaxeeyay.”

34 Ninkii ayaa Filibos weydiiyay, “Ii sheeg fadlan, waa kuma qofka uu nebigu ka hadlayo, ma isaga ayaa iska hadlaya mise qof kale?”

35 Kadib Filibos ayaa ku bilaabay qorniinkii uu akhrinayay una sheegay warka wanaagsan ee Ciise ku saabsan.

36 Intey wadada ku sii jireen, waxey soo agmareen meel biyo fadhiyaan ninkii ayaana yiri, “Fiiri, biyo waa kuwan, maxaa iga hor istaagi kara in la i baabtiiso?”

37 [Filibos ayaa ugu jawaabay, “Haddaad si dhab ah u aaminsantahay waa lagu baabtiisi karaa.” Ninkii ayaa yiri, “Waan aaminsanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Illaahey.”]

38 Wuxuuna amar ku bixiyay in gaari faraska la joojiyo. Kadibna labadoodi wey dagteen waxeyna galeen biyihii oo Filibos wuu baabtiisay.

39 Markey biyaha kasoo baxeen, Ruuxa Rabbiga ayaa isla markiiba Filibos qaaday, ninkiina ma arkin mar kale, laakiin wuu sii socday isaga oo faraxsan.

40 Si kastaba ha ahaatee, Filibos, ayaa ka dhex muuqday Asootos isaga oo sii safraya, wuxuu ku wacdinayay injiilka magaalooyinka oo dhan illaa uu ka gaaray Kaysariya.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan