Falimaha 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubButros iyo Yooxanaa oo la hor geeyay golihii odayaasha 1 Butros iyo Yooxanaa oo weli dadkii la hadlaya ayaa waxaa yimid wadaaddadii, sarkaalkii ilaaliyayaasha macbadka iyo qaar ka mid ah Sadukiintii. 2 Aad ayey u xanaaqsanaayeen sababtoo ah rasuulladu waxey dadka barayeen in Ciise dhimashada ka sarakacay eyna cadayneyso dadka dhintay iney sarakici doonaan. 3 Sidaa darteed waxey qabteen oo xabsiga galiyeen Butros iyo Yooxanaa illaa maalintii xigtay maxaa yeelay waxey ahayd waqti habeen ah. 4 Laakiin dad badan oo maqlay fariinta warka wanaagsan ayaa aaminay, tirada masiixiyiintuna waxey gaartay ku dhawaad shan kun. 5 Maalintii ku xigtay waxaa Yeruusaalem ku kulmay hogaamiyayaashii, odayaashii iyo macalimiintii sharciga. 6 Waxaa kale oo joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, Kayafas, Yooxanaa, Aleksanderos iyo kuwa kale oo qoyska wadaadka sare ka tirsan. 7 Waxey hortooda keeneen Butros iyo Yooxanaa waxeyna weydiiyeen, “Awoodee ama magacee ayaad waxan ku samayseen?” 8 Kadib Butros oo uu Ruuxa Quduuska ah ka buuxo ayaa ku yiri, “Hogaamiyayaashii iyo odayaashii, dadkow! 9 Haddii maanta su’aal nalaga weydiiyo ficilada wanaagsan ee loo sameeyay nin curyaan ah iyo sidii loo bogsiiyay, 10 haddaba waa inaad ogaataan idinka iyo reer binu Israa’iil oo dhan, ninkan idin hor taagan waxaa lagu bogsiiyay awoodda magaca Ciise Masiixii reer Naasared, kii aad iskutallaabta ku qodobteen laakiin uu Illaahey dhimashada ka sarakiciyay. 11 Ciise waa “ ‘Tiirkii idinkan guriga dhisaya aad diideen, kaasoo noqday udub dhaxaadka guriga.’ 12 Badbaadaduna gacantiisa ayey ku jirtaa, magac aan magaciisa ahayn oo lagu badbaadi karana aduunka kama jiro.” 13 Markey arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiiranaantooda oo eyna ogaadeen iney niman caadiya oo aanan wax baran yihiin, aad ayey u yaabeen, waxeyna garteen iney Ciise la joogi jireen. 14 Laakiin waxba ma eysan weydiin karin waayo waxey arkayeen ninkii la bogsiiyay oo Butros iyo Yooxanaa la taagan. 15 Haddaba waxey amreen iney qolka shirka ka baxaan waxeyna bilaabeen iney dhexdoodi is weydiiyaan, 16 “Maxeynu ku sameynaa nimankan? Waayo qof walboo Yeruusaalem jooga wuu og yahay iney mucjiso weyn sameeyeen, mana dafiri karno. 17 Laakiin si uusan warkan ugu sii faafin dadka dhexdooda, waa inaan uga dignaa in eysan mar dambe qofna kala hadlin magaca Ciise.” 18 Markaas ayey mar labaad soo galiyeen Butros iyo Yooxanaa qolkii shirka waxeyna ku amreen in eysan mar dambe ka hadlin, dadkana barin wax ku saabsan magaca Ciise. 19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa ugu jawaabay, “Midee ayaad u aragtaan iney xaq ka tahay Illaahey agtiisa, inaan idinka idin adeecno mise inaan Illaahey adeecno? Idinku xukuma. 20 Waayo ma joojin karno inaan ka hadalno waxyaalihii aan aragnay oo aan maqalnay.” 21 Markaas ayey cabsi galiyeen oo sii daayeen. Waayo ma eysan ciqaabi karin, sababtoo ah dadka oo dhan waxey Illaahey ku ammaanayeen wixii dhacay. 22 Ninkii mucjisadan lagu bogsiiyayna wuxuu curyaan ahaa in ka badan afartan sano. Masiixiyiintii oo Illaahey ka baryay dhiiranaan 23 Isla markii la sii daayay Butros iyo Yooxanaa waxey dib ugu laabteen dadkoodi waxeyna u sheegeen wax walboo ey gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii iyaga ku yiraahdeen. 24 Markey mu’miniintii maqleen arintan, waxey baryeen Illaahey oo waxey yiraahdeen, “Rabbiyow, waxaad tahay kan sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku jira. 25 Waxaad tahay kii kaga dhex hadlay Ruuxa Quduuska ah adeegahaagi aabaheena Daa’uud isaga oo leh, “ ‘Quruumuhu maxey u caroodaan dadkuna maxey ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? 26 Boqorrada dhulku dagaal ayey isku diyaariyeen taliyayaashuna wey is urursadeen iyagoo kasoo hor jeeda Illaahey iyo Masiixiisa.’ 27 Run ahaantii Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ey la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo reer binu Israa’iil ayaa kulmay, iyagoo kasoo hor jeeda Ciise adeegahaaga quduuska ah ee aad dooratay. 28 Waxeyna sameeyeen wixii aad awoodaada iyo xigmaddaada mar hore ku go’aansatay iney dhacaan. 29 Haddaba, Rabbiyow arag sida ey noo cabsi gelinayaan oo adeegayaashaada sii dhiiranaan ey ereygaaga ku sheegaan. 30 Noo ogolow inaan wax ku bogsiino kuna sameyno mucjisooyin iyo yaabab magaca adeegahaaga quduuska ah ee Ciise.” 31 Markey duceysteen kadib, meeshey ku shirayeen ayaa gariirtay. Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney ku wacdiyaan ereyga Illaahey si dhiiranaan ku jirto. Xertii oo hantidooda wadaagtay 32 Dhamaan rumeystayaashu wey ahaayeen isku maan iyo isku qalbi. Mana jirin qof hantidiisa kaligiis lahaa, laakiin wey wadaageen wax walboo ey lahaayeen. 33 Si awood leh ayey rasuulladu uga marqaatifurayeen sarakicidda Sayid Ciise. Nimcada Illaahna si xoog leh ayey uga dhex shaqeyneysay iyagoo dhan. 34 Mana ka jirin dhexdooda qof baahan. Qof walboo dhul ama guri lahaa wuu gadayay wuxuuna keenayay lacagta. 35 Waxeyna u keenayeen rasuullada iyaguna waxey siinayeen kuwa u baahan. 36 Markaas ayaa Yuusuf oo ah reer Laawi oo ka yimid Qubrus oo ey rasuulladu ugu yeeri jireen Barnabas (taas oo macnaheedu yahay “dhiirigeliye”), 37 ayaa gaday dhul uu lahaa lacagtiina u keenay rasuullada. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.