Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 22 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 “Walaalayaalow, i dhageysta aniga oo hortiina isku difaacaya.”

2 Markey maqleen inuu Cibraaniga ku hadlo ayey wada aamuseen. Kadib Bawlos wuxuu yiri,

3 “Waxaan ahay Yuhuudi, waxaan ku dhashay Tarsos oo ku taalo Kilikiya, laakiin waxaan ku koray magaaladan. Waxaan akhristay Gamalii’eel oo sharciga awoowayaasheen ayaa si fiican la iigu tababaray. Illaaheyna xamaasad ayaa u leeyahay sida mid kasta oo idin ka mid ah uu yahay maanta.

4 Dad badan oo Ciise raacsanna waan silciyay illaa dhimashada, rag iyo dumarba intaan qabto ayaan xabsiga ku tuuri jiray,

5 wadaadkii sare iyo kuwii hogaamiyayaasha wey ka marqaatifuri karaan. Xitaa waxey ii dhiibeen warqad ku socota walaalaheena Yuhuudda ah ee Dimishaq jooga, intaan halkaas aaday ayaan rabay inaan keeno iyagoo silsilado ku xirxiran Yeruusaalem si loo ciqaabo.

6 “Duhuradii markii la joogay ayaan ku dhawaaday Dimishaq, isla markiiba waxaa samada ka shidmay iftiin badan oo agteyda ku iftiimay.

7 Markaas ayaan dhulka ku dhacay oo cod ayaa igu yiri, ‘Sawlosow! Sawlosow! Maxaad ii silcineysaa?’

8 “Markaas ayaan weydiiyay, ‘Yaa tahay, Sayidow?’ “Wuxuu ku jawaabay, ‘Waxaan ahay Ciisihii reer Naasared, kan aad silcineysid.’

9 Kuwii ila joogay wey arkeen iftiinka, laakiin ma fahmin codka kan ila hadlayay.

10 “ ‘Markaas ayaan weydiiyay, maxaan sameeyaa, Rabbiyow?’ “Markaas ayaa Rabbigu igu yiri, ‘Kac, oo tag Dimishaq. Halkaas ayaa laguugu sheegi doonaa waxyaalahaad sameyn lahayd.’

11 Kuwii ila joogay ayaa gacanta intey i qabteen illaa Dimishaq i geeyay, waayo dhalaalkii iftiika ayaa indhoole iga dhigay.

12 “Magaaladaas waxaa ku noolaa nin la yiraahdo Ananiyas, nin diin jecel ayuu ahaa oo xitaa sharcigeena ilaaliya dadkii Yuhuudda ahaa ee halkaas deganaa wey xushmeyn jireen.

13 Intuu i ag istaagay ayuu igu yiri, ‘Walaal Sawlos, aragaaga hel!’ Isla markiiba waa arki karay isaga.

14 “Kadibna wuxuu igu yiri, ‘Illaahii awoowayaasheen ayaa kuu doortay inaad ogaatid doonistiisa iyo inaad aragtid kuwa xaqa ah oo aad hadalka afkiisa ka maqashid.

15 Qof walba ayaad uga marqaatifuri doontaa waxyaalahaad aragtay oo aad maqashay.

16 Haddaba maxaad sugeysaa? Kac, ha lagu baabtiiso oo dembiyadaada iska nadiifi, adigoo magaciisa ku duceysanaya.’

17 “Markaan Yeruusaalem ku soo laabtay oo aan macbadka ku duceysanayay, ayaan riyooday.

18 Waxaan arkay Rabbiga oo i dhahaya, ‘Dhaqso Yeruusaalem ka tag, waayo dadka meeshan ma ogolaan doonaan marqaatiga aad ii furaysid.’

19 “Markaas ayaan ku dhahay, ‘Rabbiyow iyaga xitaa wey ogyihiin inaan sunagogyada oo dhan mari jiray oo dadka halkaas jooga ee ku aaminsan aan dili jiray oo aan xabsiga gelin jiray.

20 Oo goortii dhiigga shahiidkaaga Istefanos la daadshay, halkaas ayaan joogay oo waan agtaagnaa, aniga oo ku raacsan oo weliba dharkii kuwii isaga dilay ilaalinaya.’

21 “Kadib ayaa Rabbigu ii jawaabay oo igu yiri, ‘Bax, waxaan kuu diri doonaa meel fog oo ey joogaan dad aan Illaahey garaneyn.’  ”


Bawlos oo ah wadani reer Rooma ah

22 Dadkii wey dhageysteen Bawlos illaa uu waxyaalahaas ka dhahay, kadib ayey qayliyeen iyagoo leh, “Dhulka ha laga saaro! Uma qalmo inuu sii noolaado!”

23 Goortii ey qaylinayeen dharkoodiina ey iska tuurayeen oo busta dhulka ka kicinayeen,

24 markaas ayaa ninkii hogaamiyihii Rooma ahaa amar ku bixiyay in Bawlos xerada la geeyo. Wuxuuna yiri ninkan ha la wareysto oo ha la ogaado sababta ey dadkan ku haystaan.

25 Markey Bawlos xireen oo la dili rabay ayuu boqol u taliyihii agtaagnaa ku yiri, “Sharci miyaa in nin reer Rooma ah la dilo isaga oo aan qalad lagu arkin?”

26 Boqol u taliyihii markii uu waxaan maqlay ayuu u tagay kii hogaamiyaha ahaa oo ku yiri, “Maxaad sameyn doontaa? Waayo ninkan waa shacabka Rooma.”

27 Ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa intuu Bawlos u imaaday ayuu weydiiyay, “Bal ii sheeg, miyaad tahay reer Rooma?” Bawlosna wuxuu ku jawaabay, “Haa, waan ahay.”

28 “Markaas ayaa ninkii hogaamiyaha ahaa yiri, wadaninimadeyda waxaan ku bixiyay lacag badan.” Bawlosna wuxuu yiri, “Laakiin anigu waan u dhashay.”

29 Isla markiiba kuwii isaga su’aali rabay ayaa iska dhaafay. Xitaa ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa isku naxay markii uu ogaaday inuu Bawlos oo reer Rooma ah xiray.


Bawlos shirka hortiisa la keenay

30 Ninkii hogaamiyaha ahaa ayaa ogaan rabay Bawlos sababta ey Yuhuudda u dacweynayeen. Maalintii ku xigtay ayuu Bawlos soo daayay oo wuxuu amray gudoomiyayaashii wadaaddada iyo xubnihii shirka oo dhan iney isku yimaadaan. Kadibna Bawlos ayuu iyagii hor keenay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan