Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 21 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos oo u socda Yeruusaalem

1 Goortaan iyagii macsalaamayney kadib ayaan toos u safarnay illaa Koos. Maalintii ku xigtayna waxaan gaarnay Rodos, halkaasna waan ka tagnay illaa Batara.

2 Waxaan helnay markab u socdo Foynike, waana la sii safarnay.

3 Waxaa noo muuqday Qubrus, markaas ayaa dhinaca koonfurta ka marnay illaa Suuriya. Waxaan ku degnay Turos, meeshaas oo markabka alaab ku dejinayay.

4 Halkaas ayaan waxaan ku aragnay walaalaha oo waxaan la joognay muddo hal isbuuc ah. Iyagoo Ruuxa Quduuska ah hogaaminayo ayey waxey Bawlos ku dheheen ha tagin Yeruusaalem.

5 Maalmihii meesha aan joognay markey dhamaadeen ayaan baxnay oo safarkeeni sii waddanay, markaas ayaa nimankii, xaasaskooda iyo ilmahooda oo dhan na soo raaceen illaa badda qarkeeda, halkaas ayaan anaga oo dhan wada dhiganay jilbaha oo aan ku duceysanay.

6 Markaan is macsalaamaynay kadib ayaan markabkii qaadanay oo iyagana waxey u laabteen guryahoodi.

7 Waxaan ka safarnay Turos illaa Botolemays, walaalihii halkaas joogay ayaan salaanay oo hal maalin la joognay.

8 Maalintii ku xigtayna halkaas ayaan ka tagnay, oo waxaan soo gaarnay Kaysariya meeshaasna waxaan joognay gurigii Filibos kii wacdin jiray, wuxuu ka mid ahaa toddobadii nin ee rasuullada caawin jiray.

9 Wuxuu lahaa afar gabdhood oo weli la guursanin, kuwaas oo wax sii sheegi jiray.

10 Oo goortii aan dhowr maalmood halkaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la yiraahdo Agabos.

11 Wuu noo imaaday oo Bawlos suunkiisi intuu qaaday oo gacmahiisi iyo lugahiisi iska xiray ayuu dhahay, “Ruuxa Quduuska ah wuxuu dhahay, ‘Sidan oo kale ayaa kuwa Yuhuudda madaxda u ah ee jooga Yeruusaalem u xiri doonaan qofka suunkaan leh oo waxey u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn.’ ”

12 Goortaan arintaas maqalnay, anaga iyo kuwa kale waxaan ka barinay Bawlos in uusan tagin Yeruusaalem.

13 Markaas ayaa Bawlos ku jawaabay oo yiri, “Maxaad u ooyneysaan oo qalbiga iiga jabinaysaan? Xiritaan kaliya maahee waxaan diyaar u ahay inaan Yeruusaalem ku dhinto magaca Rabbi Ciise daraadiis.”

14 Markaan niyadiisi badali weynay ayaan ka quusanay oo waxaan dhahnay, “Doonistii Rabbiga ha ahaato.”

15 Kadibna waxaan isku diyaarinay inaan tagno Yeruusaalem.

16 Oo walaalaha qaar oo Kaysariya joogayna wey na soo raaceen, oo waxey na keeneen illaa guriga Manasoon, halkii aan joogi lahayn. Ninkan wuxuu ahaa reer Qubrus oo xertii hore ka mid ahaa.


Bawlos oo imaaday Yeruusaalem

17 Markaan imaanay Yeruusaalem walaalaha si fiican ayey noosoo dhaweeyeen.

18 Maalintii ku xigtay Bawlos wuu na raacay wuxuu doonayay inuu soo arko Yacquub, oo kuwii kaniisadda hogaaminayayna kuligood wey na la joogeen.

19 Bawlos markii uu iyagii salaamay kadib ayuu warbixin faahfaahsan ka siiyay wuxuu Illaahey isaga adeegiisa ugu isticmaalay waxyaalihii uu ka dhex sameeyay dadka aan Yuhuudda ahayn.

20 Markey arintaas maqleen Illaahey ayey wada ammaaneen. Oo waxey Bawlos ku dheheen, “Haddaba ma u jeedaa walaal, kumanaan qof oo Yuhuud ah ayaa Rabbiga aaminay, iyagoo weliba xamaasad u qaba sharciga.

21 Laakiin waxaa iyaga loo sheegay inaad dadka Yuhuudda ah ee dhex degan dadka aan Yuhuudda ahayn bartid iney sharciga Muuse ka jeestaan, adiga oo ku dhahaya caruurtiina ha gudina oo caadadana ha xajinina.

22 Oo haddaba maxaan sameeyna? Waayo wey maqli doonaan inaad timaaday,

23 sidaa darteed waxaan ku dhahno samee. Waxaa na la jooga afar nin kuwaas oo dhaar galay.

24 Ee haddaba nimankan raac oo kubiir dabaaldegga nadiifinta kana bixi kharashka si madaxa looga xiiro. Kadibna qof walba wuu ogaan doonaa iney waxyaalaha kugu saabsan oo ey maqleen ey been tahay, weyna ogaan doonaan inaad sharciga Muuse adeeceysid.

25 Laakiin dadkii aan Yuhuudda ahayn oo aaminsan, waxaan u qornay warqad oo waxaan ku dhahnay go’aankeenu waxaa waaye in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga, ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada.”

26 Maalintii ku xigtay ayaa Bawlos nimankii waday oo ey is soo nadiifiyeen. Kadibna wuxuu galay macbadka oo dadkii u sheegay waqtiga uu dabaaldegga dhamaan doono iyo waqtiga uu qof walba allabariga bixin doono.


Bawlos oo la xiray

27 Muddo toddoba maalmood oo dabaaldeggii nadiifinta markey dhamaaneysay, kuwa Yuhuudda oo reer Aasiya ayaa Bawlos ku arkeen macbadka. Intey dad badan iskugu yeereen ayey Bawlos qabteen,

28 iyagoo ku qaylinaya, “Dadkii Israa’iilow, kaalaya na caawiya! Waa kan ninkii meel walba aadayay oo dadkeena, sharciga Muuse iyo macbadka wax xun ka sheegayay. Wuxuu ceebeeyay macbadka quduuska ah waayo wuxuu meesha keenay Gariig.”

29 Qaarkood waxey u maleeyeen Bawlos inuu Torofimos oo reer Efesos ah macbadka keenay, waayo mar hore ayey magaalada ku arkeen iyagoo isla jooga.

30 Magaaladii oo dhan ayaa wada kacday, dadkii oo dhan ayaa isku imaaday iyagoo kala meel ka socdaan, oo intey Bawlos qabteen ayey jiideen oo ey ka saareen macbadka, isla markiina albaabka macbadka waa la xiray.

31 Dadkii iney Bawlos dilaan wax yar ayaa ka dhineed, markaas ayaa warkii wuxuu gaaray ninka ciidanka Rooma hogaamiya in Yeruusaalem oo dhan kacsantahay.

32 Isla markii ayuu intuu askar qaatay u yimaaday iyagii. Dadkiina markey arkeen inuu askar soo watay ayey joojiyeen iney Bawlos dilaan.

33 Kii hogaamiyaha ciidanka ahaa ayaa wuxuu amray in Bawlos la qabto oo laba silsilad lagu xiro. Kadibna wuxuu weydiiyay, yaa tahay oo maxaad sameysay.

34 Qaar dadkii ku dhex jiray ayaa ku qaylinayeen, qaar kalana wax kale ayey ku qaylinayeen. Markii uu ogaan waayay waxa dhacay ayuu amray Bawlos in la geeyo xerada ciidanka.

35 Markey jaranjaradii gaareen ayaa rabshadii dadka badatay markaas ayaa askartii isaga qaaday.

36 Dadkii iyaga raacayay ayaa qaylinayay iyagoo leh, “Isaga ha la dilo!”


Bawlos wuu is difaacay

37 Markii Bawlos la geynayay xeradii ayuu weydiiyay ninkii hogaamiyaha ahaa, “Wax ma ku dhihi karaa?” Markaas ayuu ninkii ku jawaabay “Miyaad ku hadashaa Gariigga?”

38 “Ma tihid miyaa kii Masriga ahaa ee waqti hore kiciyay rabshada ee afar kun oo argagaxisada cidlada u kaxeeyay?”

39 Markaas ayaa Bawlos ugu jawaabay, “Waxaan ahay Yuhuudi reer Tarsos taas oo Kilikiya ku taalo, ahna magaalo muhiim ah. Fadlan ii ogolaada inaan la hadlo dadka.”

40 Goortii fasax la siiyay ayaa Bawlos intuu jaranjarada istaagay dadka gacanta u taagay. Markey wada aamuseen ayuu iyagii kula hadlay af Cibraani.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan