Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 20 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bawlos wuxuu tagay Makedoniya iyo Gariigga

1 Markey Rabshadii dhamaatay, Bawlos wuxuu iskugu wacay xertii, kadib markii uu dhiirigeliyay ayuu macsalaameeyay oo aaday Makedoniya.

2 Intuu meeshaas joogay, wuxuu dhiirigeliyay walaalaha dhamaan magaalooyinka uu dhex maray. Kadibna wuxuu yimaaday Gariigga,

3 halkaas wuxuu joogay saddex bilood. Goortuu Suuriya tagi rabay ayuu wuxuu ogaaday in kuwo Yuhuud ah ey shirqool ku sameyn rabaan, markaas ayuu go’aansaday inuu ku laabto jidkii Makedoniya.

4 Waxaa la socday Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos, Sekundo oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, Timoteyos, Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.

5 Wey naga hor tageen oo Taroo’as ayey nagu sii sugeen.

6 Laakiin waxaan ka shiraacnay Filiboy kadib Dabaaldagii kibista aan khamiirka lahayn, shan maalmood kadibna kuwii kale ee Taroo’as joogay ayaan ku biirnay, halkaas ayaan joognay toddobo maalmood.


Booqashadii ugu dambaysay

7 Maalintii ugu horeysay ee usbuuc waan isku nimid si aan cashada Rabbiga u wadaagno. Bawlos dadkii ayuu la hadlay, waayo safar ayuu ahaa maalintii ku xigtay sidaa darteed illaa habeen barkii ayuu hadlayay.

8 Qolka ku yaalay qeybta sare ee guriga aan ku kulmeynay wuxuu lahaa feynuusyo badan.

9 Waxaa daaqada ku fadhiyay wiil dhaliyara ah oo la yiraahdo Yutukhos, hurda ayaa la sii tagaysay goortii Bawlos sii hadlayay. Markey hurdadii la tagtay ayuu wiilkii kasoo dhacay dabaqii saddexaad oo isaga oo mayd ah ayaa dhulka laga qaaday.

10 Markaas ayaa Bawlos intuu hoos aaday ayuu wiilkii habsiiyay. Wuxuuna dhahay, “Ha ka welwelina, waayo wuu nool yahay!”

11 Kadibna jaranjaradii ayuu sii fuulay, oo kibistii jabiyay oo cunay. Wuxuuna hadlayay illaa subixii, kadibna wuu tagay.

12 Dadkiina iyagoo aad u farxay ayey wiilkii isaga oo nool guriga geeyeen.


Taroo’as illaa Mileetos

13 Waxaan sii tagnay illaa markabka oo aan u safarnay Asos, halkaas ayaan Bawlos kasii qaadnay waayo isagu jidkaas ayuu isticmaalayay. Qorshahan oo dhan isaga ayaa sameeyay.

14 Markaan Asos iskula kulannay ayaan sii qaadnay oo illaa Mituleenee u safarnay.

15 Halkaas markaan ka safarnay ayaa maalintii ku xigtay waxaan gaarnay meel ku dhow khiyos. Maalin kadibna waxaan usii gudubnay Samos, maalintii ku xigtana waxaan imaanay Mileetos.

16 Haddaba Bawlos wuxuu go’aansaday inuu u safro Efesos waayo ma dooneynin inuu waqti ku sii dhameeyo waddanka Aasiya, waayo wuxuu u degdegsanaa inuu Yeruusaalem tago maalintii bentekoste hadday u suurtowdo.

17 Bawlos wuxuu Mileetos fariin uga diray odayaashii kaniisadda ee joogay Efesos si ey ula kulmaan.

18 Markey imaadeen wuxuu ku yiri, “Maalintii ugu horeysay ee aan imaaday Aasiya waad ogtihiin sida aan waqtigii aan idin la joogay u isticmaalay.

19 Yuhuudda qaar ayaa i shirqooleen oo dhibaato iyo silac badan ii keenay. Laakiin Rabbigaan si daacad ah ugu adeegayay.

20 Waad ogtihiin markaan wacdinayo inaan wax faa’iido idiin ah aanan idin ka qarinaynin, laakiin si caddaan ah ayaan wax idiin ku barayay guri illaa guri.

21 Yuhuudda iyo Gariigtaba waan u sheegay iney u toobadkeenaan Illaahey oo iimaankooda saartaan Rabbigeena Ciise Masiix.

22 “Haddaba aniga oo Ruuxu i hogaaminayo ayaan u socdaa Yeruusaalem, aniga oo aan garaneynin waxa igu dhici doona.

23 Magaalo walboo aan tago Ruuxa Quduuska ah wuu ii sheegaa in xabsiga la i gelin doono oo aan dhibaato la kulmi doono.

24 Laakiin nolosheydu macno ilama laha, waxa kaliya ee aan rabo waa inaan dhameystiro shaqadii Rabbigeena Ciise i siiyay inaan sameeyo, taas oo ah inaan wacdiyo warka wanaagsan ee nimcada Illaah.

25 “Haddaba waxaan ogahay in qof idin ka mid ah oo aan ku wacdin jiray waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Illaah uusan mar dambe i arki doonin.

26 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay maanta in aanan dembi ku laheyn dhiigiina mid ka mid ah.

27 Waayo waan idiin sheegay wax walboo uu Illaahey rabay inaad ogaataan.

28 Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday.

29 Waan ogahay kadib markaan tago in yeey cabsi leh idin kasoo dhex bixi doonto oo eysan dhaafi doonin idaha.

30 Haddaba waxaa imaan doona waqti kuwo idin ka mid ah ey been sheegaan si ey walaalahu iyaga u aaminaan.

31 Is ilaaliya! Xasuusta muddo saddex sano ah ayaan idin waaninaayay habeen iyo maalin aniga oo ilmaynaya.

32 “Haddana waxaan idinku amaano gelinayaa Illaahey iyo ereygiisa nimcada leh, kaasoo idin dhisa idinka oo dhanna idin siiya barakada ey helaan kuwa xaqa ah.

33 Weligey ma damcin qof qalinkiis ama dahabkiis ama dharkiis.

34 Waad ogtihiin inaan gacmaheyga ku shaqeysto waxaan u baahannahay aniga iyo kuwii ila joogayba.

35 Si walba waan idiin tusay inaad sidaas oo kale u shaqeysataan oo caawisaan kuwa danyarta ah, idinkoo xasuusta ereyadii Rabbi Ciise dhahay, ‘In wax lagu siiyo waxaa ka barakeysan inaad bixisid.’ ”

36 Bawlos markii uu hadalka dhameystay ayey jilibka dhulka wada dhigteen oo wey duceysteen.

37 Iyagii oo dhan ayaa wada ooynayay iyagoo hab siinayay oo shuminayay.

38 Waxey aad uga murugoodeen waa hadalkii uu dhahay oo ahaa, “Mar dambe ima arki doontaan.” Kadibna wey sagootiyeen illaa markabka.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan