Falimaha 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubRuuxa Quduuska ah oo yimid maalintii Bentekoste 1 Markii la gaaray maalintii Bentekoste, xertii oo dhan meel ayey wada joogeen. 2 Kadib si kadis ah ayey u maqleen qeylo ka timid samada oo u eg dabayl xoog leh waxeyna buuxisay gurigii ey ku jireen. 3 Markaas ayey arkeen wax u eg carrabyo dab ah oo kala qeybsamaya carrab walbana wuxuu ku dul degay mid kastoo iyaga ka mid ah. 4 Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney afaf kale ku hadlaan sidii uu Ruuxa Quduuska ah ku hogaamiyay. 5 Waqtigaasna waxaa Yeruusaalem ku noolaa wadaaddo diimeed oo Yuhuud ah kana yimid meel walboo aduunka ka mid ah. 6 Oo markey maqleen qayladii xerta, dad badan ayaa isku yimaaday weyna yaabeen, waayo mid walboo dadkii ka mid ah wuxuu maqlay iyagoo ku hadlaya luuqadiisa. 7 Wey wada naxeen oo yaabeen, waxeyna is weydiiyeen, “Kuwan hadlaya oo dhan miyeysan ahayn reer Galili? 8 Haddaba sidee ayey ku dhacday mid walboo naga mid ah inuu maqlay iyagoo ku hadlaya afkiisa hooyo? 9 Qaarkeen waxeynu ka kala nimid, Bartiya, Mediya iyo Ceelaam. Qaar kalana waxey ka kala yimaadeen Mesobotamiya, Yahuudiya, Kabbadokiya, Bontos, Aasiya, 10 Farugiya, Bamfuliya, Masar iyo qeybo ka mid ah Liibiya oo u dhow Sayriin, iyo kuwo ka yimid Rooma. 11 Qaarkeen waxey ka yimaadeen Kereetee iyo Carabta. Waxeynu isugu jirnaa Yuhuud iyo dad diinta Yuhuudnimada qaatay. Haddana kuligeen waxaan maqalnay iyagoo ku sheegaya afafkeena hooyo waxyaalihii waaweynaa ee uu Illaahey sameeyay!” 12 Markaas ayey yaabeen oo wareereen, waxeyna isweydiiyeen, “Tani maxey la micnatahay?” 13 Qaar kalana waxey yiraahdeen iyagoo ku jeesjeesaya xerta, “Waxey ku sarqaameen khamri cusub.” Butros oo la hadlay dadkii isku yimid 14 Kadib Butros ayaa la istaagay kow iyo tobankii kale ee xerta ahaa, wuxuuna cod dheer kula hadlay dadkii meesha joogay oona yiri, “Walaalaheyga Yuhuudda ahow iyo qof walboo magaalada Yeruusaalem daganow, aan idiin sharaxo ee si fiican u dhagaysta waxaan idinku leeyahay. 15 Ma aha sida aad u malaynaysaan oo dadkani ma sarqaansana. Sababtoo ah waa saddex saac oo subaxnimo! 16 Laakiin tani waa wixii uu nebi Yoo’eel sheegay isaga oo leh, 17 “ ‘Illaahey ayaa yiri, maalmaha ugu dambeeya, dadka oo dhan waxaan siin doonaa Ruuxeyga. Wiilashiina iyo gabdhahiina wax ayey sii sheegi doonaan, raggiina dhalinyarada ahna wax ayey arki doonaan, odayaashiinuna riyooyin ayey arki doonaan. 18 Maalmahaas adeegayaasheyda niman iyo naagaba, waxaan siin doonaa Ruuxeyga, wax ayeyna sii sheegi doonaan. 19 Oo waxaan samada ka muujin doonaa yaabab dhulkana calaamooyin, dhiig, dab iyo qiiq aad u weyn. 20 Qoraxdu wey madoobaan doontaa dayaxuna wuxuu u ekaan doonaa dhiig inteysan imaan maalinta uu Rabbigu dadka oo dhan xukumi doono. 21 Kadibna qof walboo Rabbiga caawimaad weydiista wuu badbaadi doonaa.’ 22 “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, warkan maqla Ciisihii reer Naasared wuxuu ahaa nin Illaahey idiin soo diray in la idinku tuso mucjisooyin, yaabab iyo calaamado, taas oo uu Illaahey isaga ku dhex sameeyay, sida aad idinkuba ogtihiin. 23 Qorsho uu Illaahey horay u gaaray ayaa la idin ku gacan galiyay. Idinkuna waxaad ku disheen iskutallaabta idinka oo kaashanaya dad aan xaq ahayn. 24 Laakiin Illaahey ayaa ka xoreeyay dhimashada oo dib u soo sarakiciyay, maxaa yeelay dhimashadu ma hayn karin isaga. 25 Daa’uud ayaa isaga ka hadlay oo yiri, “ ‘Mar walba Rabbiga ayaa i ilaaliya. Wuxuu joogaa dhinacayga midig, waxna ka cabsan maayo. 26 Sidaa darteed qalbigaygu wuu farxaa carrabkayguna wuu reynreeyaa, jirkayguna raja ayuu ku nasan doonaa, 27 maxaa yeelay Rabbiyow iguma dhaafi doontid qabriga, umana ogolaan doontid kaaga quduuska ah inuu jirkiisu qurmo. 28 Waxaad i tustay jidadka nolosha, ag joogaaguna wuxuu iga buuxin doonaa farxad.’ 29 “Walaalaheyga reer binu Israa’iilow, waxaan si kalsooni ku jirto idiin ku sheegi karaa in awoowgeen Daa’uud uu dhintay oona la aasay, xabaashiisuna illaa hadda halkan ayey ku taalaa. 30 Laakiin Daa’uud wuxuu ahaa nebi wuxuuna ogaa in Illaahey ka ballan qaaday axdina kula galay inuu carshigiisi siin doono mid farcankiisa ka mid ah. 31 Wuuna ogaa in waxan dhici doonaan, sidaa daraadeed wuxuu ka hadlay sarakicidda Masiixa, oo ah inaan lagu dhaafin qabriga, jirkiisuna uusan qurmin. 32 Ciisahanna Illaahey ayaa sarakiciyay, kuligeenna marqaati ayaan ka nahay. 33 Waxaana loo qaaday kor oo la fariisiyay gacanta midig ee Illaah, wuxuuna ka helay Illaaha Aabaha ah ballankii Ruuxa Quduuska ahaa wuuna na siiyay oo waa waxa aad hadda arkeysaan oo aad maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay Daa’uud samada kor looguma qaadin, haddana wuxuu yiri, “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Dhinacayga midig fariiso 35 illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ 36 “Sidaa darteed qof walboo reer binu Israa’iil ah waa inuu ogaadaa xaqiiqdii, Illaahey ayaa Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen ka dhigay Sayid iyo Masiix labadaba.” 37 Markey dadkii hadalkan maqleen, wey qalbi jabeen waxeyna Butros iyo rasuulladii kale ku yiraahdeen, “Walaalayaalow, hadda maxeynu sameynaa?” 38 Butros ayaa ugu jawaabay, “Toobadkeena oo qof walboo idin ka mid ah halagu baabtiiso magaca Ciise Masiix si la idin kugu dembi dhaafo. Kadib ayaana la idin siin doonaa hadiyada Ruuxa Quduuska ah. 39 Ballanka idinka iyo caruurtiina ayaa leh. Waxaana leh qof walboo uu Illaahey doorto, meel walboo uu joogaba.” 40 Kadibna Butros hadallo badan ayuu uga digay dadkii waxa uuna yiri “Nafsadiina ka badbaadiya ciqaabta xun ee ku dhici doonta dadkan sharta leh.” 41 Maalintaas waxaa hadalkii Butros aqbalay ku dhawaad saddex kun oo qof waana la baabtiisay. Sidii ey masiixiyiintu u soo wada joogi jireen 42 Waxey waqtigooda ku qaadan jireen iney wax ka bartaan rasuullada waxeyna ahaayeen sida hal qoys, iyagoo wada duceysanaya oo wadaagaya cashada Rabbiga. 43 Qof walbana waxaa ka buuxsantay cabsi, mucjisooyinka iyo yaababka ey rasuullada sameynayeen dartood. 44 Rumeystayaashu badanaa wey wada joogeen wax walboo ey haystaanna wey wadaageen. 45 Waxeyna gadayeen dhulalkooda iyo hantidooda si ey lacagta u siiyaan kuwa u baahan. 46 Maalin walba waxey ku kulmayeen macbadka. Waxey guryahooda ku diyaarinayeen cashada Rabbiga weyna wada cunayeen iyagoo leh qalbiyo daacad ah oo faraxsan, 47 oo Illaahey ammaanaya oona ku faraxsan dadku sida ey iyaga u jecelyihiin. Illaaheyna maalin walba kuwa badbaaday ayuu ku soo dari jiray. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.