Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Falimaha 15 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Shirkii Yeruusaalem

1 Dad Yahuudiya ka yimaaday ayaa walaalihii barayay iyagoo leh, “Ilaa aad gudniinka sida caadada Muuse sameysaan maahee ma badbaadaysaan.”

2 Baritaankaas wuxuu dood ka dhex kiciyay iyagii iyo Bawlos iyo Barnabasna. Markaas ayaa Bawlos, Barnabas iyo kuwa kale oo masiixiyiin ah la doortay si ey u tagaan Yeruusaalem oo ey kala hadlaan waxyaalahan rasuullada iyo odayaasha kaniisadda.

3 Nimankii ey kaniisadda dirtay wey baxeen oo waxey mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka hadlayay sida dadka aan Yuhuudda ahayn u soo toobadkeeneen. Warkan aad ayuu uga farxiyay walaalihii oo dhan.

4 Nimankii goortey Yeruusaalem yimaadeen, waxaa soo dhaweeyay kaniisaddii, rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda. Waxeyna u sheegeen waxyaalihii uu Illaahey ku caawiyay iney sameeyaan.

5 Laakiin kuwa Farrisiinta ka mid ah oo masiixiyiin ah ayaa istaageen oo weydiiyeen, “Kuwa aan Yuhuudda ahayn oo iimaanka haysta wey ku qasban yihiin in la gudo oo sharciga Muusana ey ilaaliyaan.”

6 Rasuulladii iyo odayaashii kaniisadda ayaa kulmeen si ey uga hadlaan dhibkaan.

7 Markey muddo dheer hadleen kadib ayaa Butros kacay oo ku yiri, “Walaalayaalow, waad ogtihiin Illaahey inuu dhexdiina mar hore iga doortay si ey dadka aan Yuhuudda ahayn injiilka afkeyga uga maqlaan oo ey u rumeystaan.

8 Illaaheyna wuu garanayaa waxa qalbiyadeena ku jira oo dhan. Wuxuuna i tusay inuu iyaga aqbalay oo siiyay Ruuxa Quduuska ah siduu anagaba noo siiyay.

9 Isagu nama kala soocin anaga iyo iyaga, oo qalbiyadooda ayuu nadiifiyay waayo wey rumeysteen.

10 Haddaba maxaad Illaahey u jarribi oo aad qoorta ugu gelineysaan xerta waxa aan anaga iyo awoowayaasheenba aan awoodi weynay.

11 Waxaan aaminsannahay in badbaadida aan ku helnay nimcada Rabbigeena Ciise, sidoo kale iyagana saas ayey ku heleen.”

12 Qof walbana wuu aamusay, iyagoo dhageysanaya Barnabas iyo Bawlos oo ka hadlayeen sida Illaahey iyaga u siiyay xoogga ey ku sameeyeen mucjisooyin badan iyo waxyaala kale oo layaab leh oo ey ka dhex sameeyeen dadka aan Yuhuudda ahayn.

13 Markey hadalkii dhameysteen kadib ayaa Yacquub yiri, “Walaalayaalow, i dhageysta.

14 Simoon wuxuu noo sheegay sida Illaahey ugu muuqday dadkan aan Yuhuudda ahayn oo uga dhigay dadkiisa.

15 Tanina waxey raacsantahay Hadalladii nebiyada, sida ey u qoran tahay,

16 “ ‘Waxyaalahan kadib waan soo laaban doonaa oo waxaan dhisi doonaa teendhadii Daa’uud ee duntay. Jajabkeedi ayaan dib u dhisi doonaa, waana soo celin doonaa,

17 si ey kuwa kalana Illaahey u doon doonaan, xitaa dhamaan dadka aan Yuhuudda ahayn, oo ey u noqdaan kuwii aan doortay, Aniga Illaaha ah ayaa sidaa dhahay.’

18 Tani waxaan ballan qaaday mar hore.

19 “Sidaas darteed, go’aankeygu waa in aanan ku adkeynin dadka aan Yuhuudda ahayn ee Illaahey u toobadkeenaya.

20 Laakiin waa inaan u qorno oo u sheegno in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, sinada, xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo dhiigga.

21 Waayo waqtiga hore ayaa sharciga Muuse laga wacdiyay magaalo walboona laga akhriyay sunagogyada Sabti walba.”


Warqaddii loo diray masiixiyiintii aan Yuhuudda ahayn

22 Kadibna rasuulladii, odayaashii iyo kaniisaddii oo dhan ayaa waxey go’aansadeen iney doortaan niman ey Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas. Waxey doorteen Yuudas oo la dhihi jiray Barsabaas iyo Silas, nimankan waxey hogaamiyayaal u ahaayeen walaalaha kale.

23 Waxey la direen warqad sidan u qoran, Anaga oo ah rasuullada iyo odayaasha kaniisadda. Waan idin salaanay idinkoo ah dadka aan Yuhuudda ahayn ee walaalaha ka tirsan. Ee jooga Antiyokh, Suuriya iyo Kilikiya.

24 Waxaan maqalnay qaar naga mid ah iney hadallo idinku dhibeen. Laakiin anaga ma soo derin dadkaas, waxaa maankiina dhibaateeyay waxyaalihii ey dheheen.

25 Sidaa darteed anaga oo dhan waxaan go’aansanay inaan niman doorano oo idiin soo dirno kuwaas oo ah saaxiibadeen Bawlos iyo Barnabas.

26 Nimankanna nafsadooda ayey dhibaato u geliyeen magaca Sayid Ciise Masiix dartiis.

27 Waxaa kale oo aan soo direynaa Yuudas iyo Silas, si ey afkooda idin kaga sheegaan waxyaalahan aan idiin soo qornay.

28 Ruuxa Quduuska ah wuxuu na tusay in aanan idinku dhibin waxyaalo eydan sameyn karin oo aan waajib ahayn.

29 Laakiin waa in eydan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada. Waxan oo dhan haddaad raacdaan si fiican ayaad sameyn doontaan. Nabadgelyo.

30 Afartii nin ayaa tagay Antiyokh, waxeyna iskugu yeereen xertii oo waxey u dhiibeen warqaddii.

31 Goortii warqaddii la akhriyay qof walba wuu ku qancay oo wey dhiirigelisay iyagii.

32 Yuudas iyo Silas oo nebiyaal ahaa ayaa hadallo badan oo dhiirigelin ah kula hadlay walaalaha.

33 Markey halkaas waqti yar joogeen kadib ayey walaalaha nabad ku sagootiyeen si ey ugu laabtaan kuwii soo diray. [

34 Laakiin Silasna wuxuu go’aansaday inuu halkaas ku haro.]

35 Laakiin Bawlos iyo Barnabas waxey ku hareen Antiyokh, halkaas oo ey iyaga iyo kuwa kale ku barayeen kuna wacdinayeen ereyga Illaah.


Isfahan la’aan ka dhex dhacday Bawlos iyo Barnabas

36 Waqti yar kadib ayaa Bawlos ku yiri Barnabas, “Soo bax aan booqanee walaalaha jooga magaalooyinka aan ka wacdinay ereyga Rabbiga oo aan ogaano sida ey yihiin.”

37 Barnabas wuxuu rabey iney israacaan Yooxanaa oo la dhihi jiray Markos.

38 Laakiin Bawlos ma dooneynin iney israacaan. Waayo iyagoo isla shaqeynaya ayuu Marko ka tagay markey joogeen Bamfuliya oo uu joojiyay inuu la sii shaqeeyo.

39 Bawlos iyo Barnabas hadaladaas ayey ka doodeen kadibna qof walba jidkiisi ayuu raacay. Barnabasna intuu Markos kaxeystay ayuu tagay Qubrus,

40 laakiin Bawlos intuu Silas kaxeystay ayuu tagay, kadib markey walaalaha ugu duceeyeen iney nimcada Rabbiga iyaga la jirto.

41 Waxey tageen Suuriya iyo Kilikiya iyagoo kaniisadaha dhiiragelinayay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan